Reer Galkacayo iyo Sharciga Yaa u Garnaqi Doona

Farah Aw- Osman
awosman@gmail.com

Dhacdoonyinka mudoonyinkii ugu danbeeyay ka dhacay Magaalada Gaalkacayo waa mid dadka inta samaha jecel ku noqotay fajaciso iyo dhabana hays, waa arin u baahan in maamulka Puntland iyo Shacabkuba ku eegaaan ilgaar ah, waa dhacdooyin taxane ahaa taas oo lagu gumaadayay indheer garadka, cuqaasha iyo siyaasiyiinta, waa arinta aan hore loogu arag dhaqanka reer Puntland, ahayna mid aysan dadka deegaamadaasi caado hore u lahayn.

Fidmada iyo fowdadani wa arin u baahan in laga hortago oo aan sidaas lagu sii fiirsan, maxaa yeelayn waxay abuuri kartaa jawi kala shaki, waxay horseedi kartaa colaad aan lagu xamdin, waxay sajaran kartaa indheergarad iyo aqoonyahayn aan waxba galabsan.

Marxuum Seefta Banaanka uguma horay qof lagu dilo magaaladaasi, balse rag aan magacyadooda halkaan kagu soo koobi Karin oo isugu jira saraakiil, cuqaal iyo takhaadiirba yaa ku nafwaayay magaaladaasi.  Sidaa awgeed shacabka reer Mudug guud ahaan gaar ahaana jamaahiirta ku dhaqan Gaalkacayo waxay istaahilaan ama xaq u leeyihiin inay nabad waarta helaan, arintaasna waa mid looga fadhiyo maamulka curdinka ah ee Puntland, wana arin taageerada shacabka gudo iyo dibadba u baahan.

Hadba waxaa iswaydiin mudan xalka mushkilada, iyo wadiiqooyinka lagu gaari karo nabad iyo nolol lagu badhaadho inay deegaamadaasi helaan.

Maxaa la Gudboon Maamulka Puntland.

  • Waa in dhamaan gacan ku dhiiglayaashii laayay wasiirka iyo ilaaladii ka horaysayba lasoo qabtaa, maadaama ay dileen xubno dowladeedoo shaqadoodii gudanayay
  • Waa in dhamaan shaqaalaha dowlada gaar ahaan inta muranku ku jiro, kalsoonida shacabka reer Mudugna aan haysan shaqada laga joojiyaa
  • Waa in Gobolka Mudug, gaar ahaana Magaalada Gaalkacayo lagu soo rogaa Xaalad degdeg ah inta loohelayo maamul lagu midaysan yahay aqoon, karti iyo cadaaladna lagu soo xulo
  • Hadii aysuurto galtahay waa in ciidan aan dhalasho ahaan ka soo jeedin gobolka la keenaa si cidwalbaa kalsooni iyo wada shaqayn u siiso, loona arki karo ciidan dhexdhexaad ah
  • Waa in dowladu bedeshaa hab dhaqanka ku salaysan jahliga iyo qabiilka ruujinada ah, kaas oo ah in qabiil dhaxal u helay jago uusan jirin, sidaa awgeed waa in dowladu aqoon maamul, kalsooni shacab, iyo daacadnimo shaqo ay ku soo doorataa afraada xilalka ay u dhiibanayso
  • Si dowladu aysan ugu sifoobin madax ka nool waa in maamulada tuulo, degmo iyo gobolba dib loo eegaa , talo gelin la siiyaa dadka islawada degga deegaamada, dabadeedna la sameeyeeyaa ama la saxaa maamul fiican oo tayo iyo tabar leh, kaas oo si daacadi ku jirto ugu adeegi kara shaqanka
  • Waa in dowladu la timaadaa takhdiid siyaasadeed ,ciidan iyo maamul kaas oo lagu wajahayo waxa laga yeeli doono koonfurta Gaalkacayo
  • Waa in dowladu qaramaysaa ciidamada huwan magac qabiilka dabadeedna xeryo difaaca gobolka ah uga samaysay goobo ka baxsan Magaalada Gaalkacayo

Maxaa la Gudboon Reer Mudug :

  • In dhamaan qabiilada lagu tuhunsan yahay ama ay ku cadahay gaysashada dhacdooyinkii ugu danbeeyay dowlada u soo gacan geliyaan gacan ku dhiiglayaasha, soona saaraan qaraar ay ku cadaynayaan in beeshu aysan ku dhaqaaqin aargoosad iyo aafo sii hurisa wixii dhacay
  • Waa in gudi isimo iyo aqoonyahan oo isku dhafan kana kooban dhamaan dadka wada degan Mudug iyo Ciid laga sameeyaa Mudug kaas oo noqon kara marjac iyo gole samakatalis, kaas oo si toos ah ula shaqaynaya hadaba cida maamulka Puntland haysa
  • Waa in ciidamada magaca qabiil huwan ee aan ka tirsanayna kana amar qaadan dowlada Puntland laga saaraa magaalada, loona sameeyaa xuduud aysan soo dhaafi karin

Maxaa la Gudboon Qurbajoota :

  • Inay taageeran xal u helista mushakiladaha ka aloosan Puntland sida Mida Gaalkacayo iyo Ufaynba
  • Inay xiisadii iyo xamaasadii dal iyo dad jacayn ay kor u sii qaadaan , ogaadaana in codaw badan oo isbiirsaday uu ka danbayn karo dhacdooyinka iyo imtixaanaadka socda , sida keliya oo looga gudbi karona ay tahay isku duubni iyo kalsooni in la muujiyo
  • In qurbojoogta ka soo jeeda beelaha ishaysta ama khilaafaadku ka jiraa shiraan, soo saaraana qaraaro iyo talooyin nabadood oo wax ku ool ah, una gudbiyaan jaalkooda gudaha dalka ku sugan
  • In qurbojoogtu laba jibaarto taageerada ay la garab taagan yihiin maamulka curdinka ah ee dhawaan u curtay Puntland , iyagoo aan talooyinka lagala  bakhaylin (ilayn caqliga kaamaqani walaalkaa buu ku jiraaye)
  • Inay u jawaabaan cidkasta oo qalin iyo qoraal kula dagaalamayna jiritaanka iyo aayaha Puntland

Farah Aw-Osman

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »

Comments

  1. mudug boy says

    somali wayne waxaan ka codsanayaa inay gobolka afkooda ka duwan waana gobolka haday tahay dowlad fadaraal ah iyo mid local ahba soo aas aasay waana gobol dadkiisu hadey soomali ku jirin lays oran lahaa maskaxdii iyo caqligiibaa maqan waxaan yarna way iska dhamaanayaan insha alah dadkagobolkuna dantiisa waa yaqaan marka gobolka xasarada halaga daayo iyo waxa laga qorayo oo aan macnaha sameynayn waad mahadsantihiin.

  2. dhudi says

    Marka aan fiirino xalada wadankeeni burburay Puntlanda waa qayb yar oo somaliya kamid ah oo mamulsamaysatay marka lama orankaro nabad gelyadi puntalanda farahayka baxday Reermudugna waa laga quustay yeynaan oran balse waa laga waswaas xaalkoodu Cismaan Yusuf Allaha u naxariisto duulkaas xajadooda Murti buu ku soo koobay.

  3. Qaran says

    Mahadsanid Farah Aw-Osman, Warbixin lagu qanci karo ayaad sheegtay, waxaadanse ogayn Xaalka Gaalkacyo iyo halka ay sartu ka qurunsan tahay.
    Galkacyo, meesha laga haysto ma ahan Maamulkeeda ee way ka wayn tahay ee Fadlan kaaga warrami maayee si fiican u soo baar, oo dib ugu noqon, hana noqon IN DHAW GARAD ee noqo IN DHEER GARAD.
    Mahadsanid
    Qaran

  4. wagas says

    galkacyo miyey ka tirsantahay puntland waa maya
    waa maamul gooni socod ah waxaana dhistay dadka u dhashay maa mulka rer bari iyo rer nugaalku nagu siray in aan u sii riyaaqno waa laga roonyahay hadaan nahay rer mudug
    ina yey bari iyo nugaal waa uu dhisay laakiin cade muuse hubkii lagu daafacayey gobalka mudug ayuu damcay in uu dhaco marka rer mudug haday dadkaa wax ka sugayaan ayaga ayaa cirka caad ku og faroole ilaa hada lagama haayo galkacyo ayaan wax u qabanayaa sida uu uyiri BARI hosbitaal ayaan ka dhisayaa
    MARKA RER MUDUG OWRKOODA HA RARTAAN KALIGOOD

  5. says

    Dhubuq dhubuq hore dhabanaheys danbe bey lee dahay..mudane faroole wax uusan awood uheyn buu faraha lagalay ,maamul uusan awood uheyn buu hogaan uqabtay .dad uusan aminigooda damaanad qaadi karin buu damaanad qaaday lkn mudane faroole ma ahan hadafkiisu inuu wax maa mulo ee hadafkiisu waxaa weeye inuu wax xado taasna waxaa daliil u ah markuu yiri lacagaha puntland soo gala waa in lakeena garoowe lagana bixiyaa halkaas…mida kale haduu mudane faroole daacad yahay wuxuu kala dhaxgali lahaa walaaleheena isku baa bi’inaya baadiyaha ufeyn…mudane faroole mid baan oran lahaa maamulka aad…

  6. qonof says

    Reer Galkacayo iyo Sharciga Yaa u Garnaqi Doona?????

    intaa waxan ku darayaa dadka jahliga ilaahaay haka saaaro ,
    nabada iyo qiimaheedana ha fahansiiyo

    markii intaa ilaahay ina siiyo baa su’aashaan jawaabteeda la helayaa ,ee reer mudug iyo pl-ta kaleba haku dadaalan sidii intaa loo raadin lahaaa…

  7. says

    Qoraaga waxaan oran lahaa waa inuu ilaaliyo Copyrightka waayo waxaan xasustaa in Ciwaanka qoraalkan uu ay ku jirtey Gabay uu tirshey alla haw naxariistee Cismaan Yusuf Keenadiid, ‘Reer Galkacayo iyo Sharciga yaw garniqi doona’ .

  8. says

    Acww Bacdal salaan kalmada reer mudug & sharciga ee wepku soo qoray ma ahan hada arinta taagan sharci ay diideen reer gaalkacyo maamuladii puntland soo marayna mid gaalkacyo wax u qabtay kuma jirin kana u malayn maayo in uu dhaamayo, waxaa intaa dheer gaalkacyo waa gablan dadkeedii waa le’edeen dadka maanta joogaa ma ahan dad ka dhaxaya ama raba in ay dhisanto oo horu marta ee nin walba dantiisuu raacanayaa inta horumarka & wanaaga doonaysana tabar maleh oo waa 5% marka ILLAAHAY baan u baryayaa in uu dadsiiyo Gaalkacyo

  9. a.f.warasme says

    as/c.
    waxba waxbaa ka horeeya, ee suasha tagan waxay tahay horta dhibatada mudug ka tagan maxay ka bilabatay, goorma ayayse bilabatay?
    xaqiiqdu waxay tahay mudug dhibato waa ka jirta,waxaana keenay in dawldu ka seexatay,oo aysan wax masuliyad ah iska sarin gobolka,ha ahaato ii cabdulahi yusuf,ha ahaato tii cade iyo tan maanta oo aan lagu dagdagi karin.
    waxaa moodah dad badan oo fikir halkan ku soo qoraya ari boowe rer mudug waa sas iyo san,runtu waxat tahay reer mudug waa dad karti iyo karaanba leh xaladkastana darsi kara,marka kaluunku yuu been idiin sheegin ee rer mudug dadnimadooda iyo…

  10. says

    MAGACAYGA WAA ABDISHAKUR YUSUF NOR.

    waxaan daganahay wadankan south africa gaar ahaan johannesburg.
    waxaa dhihi lahaa gaalkacyo waxa kadhacaya waxyar ma ahan marka dad reer mudug waa inay ayoohooda katashaan mudugna uma dul qaadan karto 2 maamul waxa dhibka keenaya waa intaas mida kale mudug waxay kujirtaa jaahilnimo daba dheeraatay taas oo ay keenayaan qabiilada dagan mudug iyo laandheeranimda la,iskugu faanaayo marka hore waa inay ogaadaan nabad waxay tahay ayna iska tuuraan waxa laguqaybsanayo qabiilka waxaan ognahay inay galkaio qaybsantahay oo ay tahay meeel aan loo talinkarin iskuna…

  11. jaylaani says

    waxa dhibta dhigay waa kayga idaa kaga aan dileee wana tan somali ku ba baday ee pl waa loo tshaday waxana halis ah in ay konfur ka darto waayo waa mel kulul oo an lagu nolan ka rin nabad la aaaan

  12. says

    ASC ma jiro dhib aysan wadin dadka rer galkacyo,seefta bananka ma waxaa diley dad kale?beenta in la isku maweeliyo mahan,reer mudug qaybtooda nabad ma rabaan mana jirto cid uga lidataa o ka dhawaaq iyo orod badin marki galkacyo ka soo cararaan oo yimadan bosaso iyo garowe marka waain ay gartaa nabadu in ay danu tahay iyaga marka hore.
    markaasi ayaa reer puntland caawin karaa hadi kale sidaasi ayaa malinba nin loo siibin.
    waxa jira network isku xiran oo oo ay ku jiraan rag madax horey u ahaan jirey oo aan rabin hormarka mudug iyo puntland.

  13. says

    MUJAAHID SHEEKO QOSOL LEH AYUU KEENAY,
    mudug cilada ka jirta waxaa weeye xaqdaro iyo masuqmaasuq iyo dadkii dowlada puntland galkacyo masuulka uga dhigtay oo howshoodii gabay,
    meesha galkacyo waxa ka jira wax yar maahan
    xaafada baraxley ee koonfurta ah lacag bay qaadan jireen dowladaan faroole ka hor oo c/laahi yusuf ayaa u jideeyey si ay amniga dhinacooda uga shaqeeyaan laakiin reer baraxleey dad caqli iyo nabad sugaya maahan ioo ayagiibaa isu jeeda hada,

    dowlada faroole waa ka tashatay lacagtii 100,000 boqol milyan ahayd ee baraxleey la siin jiray waa laga joojiyey 1500 oo ciidan…

  14. says

    aree iska daa mudug waa masaakiin waxaas ma yaaqaaniin waa gobolkeenii waxa wax sameenaya waa reer konfurtaas

  15. says

    asc
    waree abowe iskadaa mudug ma ahan ku wax sameenaya ee waa ku wa konfurta ka imaanaya ma ahan reer mudug aree aboowe mudug wax haka sheegin waa gobolkaanii yee aree boowe ku wa ka imanaya kunfurta baa na haleenaya ha dhowna waxaa la dhahayaa waa reer mudug aree mahan saas

  16. says

    asc

    alla wa ay baqeen ku wii mooryaanta ahaa mxaa u keenay dowlada maxay naga soo dooneen hada yaa u baahan markii hore lid bay ku ahaayeen dowlada ma waxay maqleen shiikh shariik baa la kulmay secrety of america hellin cliton

    alla jine miyirkiisa waa qaa waxy ogyihiin la baa bi inayo walee soomali ma yaqaan asxaan ee wuxuu yaqaan wax dila only laakiin dhibatada haysata muqsisho waa gii hore bay dhici jireen dadka si xun way ula dhaqmi jereen mar alla hada ka goynaya ee maha wax alle iskiis u sameeyey ee waa wax la ga jarayo only

  17. says

    salaan ka dib waxaan waxaan lee yahay marka hore waxaan soo xasuustay gabaygii allaaha u naxriiste cismaan keenadid ee ahaa yaa u kala garnoqi doona reer mudug and sharciga mid waa taas waxaan lee yahay walaalyaal dadka reer mudug oo dhan ha isku darina ee dadka xun ee ku dhex jira ee rabshada ka wadad ha la iska qabto mise waxaad noqoneysan sida ay hada uga dhex dagalamayn alshabab dadka muqdisho marka waxaan kula talin lahaa walaalahen reer mudug in ay iska qabtaan dadka fidmada ka wadad mudug waa dadka soo horjeeda horumarkiina and sida aad u nooshihiin marka nin hunguri raac ah una…

  18. dahir mohamed says

    gaalakacyo iyo sharciga,waxaa u kala garniqidoona,nidaam adag uu la mid ah kii kaacaankii 21 ka oct.uu la ugsoonyahay sidii uu,nabada iyo kala danbaynta ugo xukumi jiray,dadka degen,somalia oo dhan,kuwa nabada jecel iyo kuwa fidnawadayaasha ah ee reer mudug.bal eeg waxa ka jira magaaladaasi oo ku socota in ay iso bedesho,sida magaalada geerida ee mogadisho,uu sababta ay ku duntay ay ahayd,gardaro u hiilin iyo ku tumashada,xuquuda bulshada.waxaa kaloo u garniqi reer gaalkacyo iyo sharciga,marka si aan gabasho lahayn loo soo qabto,gacankudhiiglayaashii dilay dadkii muslimiinta ahaa,ee sida…

  19. Abdi yare says

    reer waa inay sharciga bartaan oo dadka la mid noqdaan .hadii cade muuse iyo abdulahi yusuf aysiin jireen wax aysan xaq ulahayn uma eka faroole nin waxaas siinaya marka daadka waa in ay ka mid noqdaan oo shaqystaan sida dadka kale oo reer puntland

  20. Gardho PL says

    Boowe waxa ka socda, Kaalkacayo ma ahan arin yar, Wale waxaan ka baqin, dadka sheekta ee ku abtirsadah Kaalkacayo in uu Game adag soo maro, waxaanse la yaabanahay, miyeeysan caqli laheyn dadkaan maxee dadka madaxda iyo Tabliiqa diinta fidiyah u dilayaan, mide sadexaad su’aal beeba keenin “Wardee Belo, Tabliiqa maxaa keenay Kaalkacayo” ma oga miyaa in dadka muslimka ah waajib ku tahey in Ilaah iyo Diintiisa la is xasuusiyo, miyeeysan ogeyn in Tabliiqu aduunka oo dhan loogu ogol yahey Cajiiib

  21. SHIRWAC says

    Salamu Calaykum
    Wa bacda salaan dadkaan Reer Muduga ah waxba isma dhaamaan kuwa Koonfurta iyo Waqooyiga oo waa isku dhaqan ee hal maamul oo ay ka midaysan yihiin ama ay ku BAHOOBAAN ha loo sameeyo. Puntland inteeda kalena DARBI ADAG ha looga xiro inta ay ka yeelanayaan dhaqanka BINI’AADAMKA lianah hadda dhaqan insaan ugama jeedno meesha.

  22. cowrala says

    salam baan idin so marinaa hawada sare …wax aan la hadlaa dadka reer mudug iska daaye dhibka iyo shida mid kale dadka idin ku dhax jiro oo dhibka idin ku soo jidaaye iska qabta wayo qasaro beey idin soo jidayaan

  23. says

    a/s dhamaan shalqala horseedmedia intaas aad baan ugumahad celiayaan shaqalalha h/media,, wxaan oran lahaa dhibta ka tagana r/galkacayo hadii aysan dowladu wax kaqan wax soo garyasa dhamaan g/punland marka dowlada wxa lagaa raba in amaanka xooga saarto iyo xalinta khilafaadka,,reer galkcayona waa in ay ka shaqeyaan amaanka,,, reer galakyo iyo shaciga waxa u garnaqidoona sharciga,kkkkkkkk,,,,,,,,,,

  24. says

    walal waan idin salamay dhamaan bahda horseed salaan kabacdi walal anagaa rer muduga raalina kamanihin waaxa dhacayaa gaalkacyo iyo ufaynba walalahay reer mudug mid baan leeyahay walala haqarinina nin kii dila walal kaa adna biri buukaadilayaa midkalae oo beesha katirsan walahay ga reer puntland eekalana waxaan leeyahay nacaawiya oohadaan khal danao oodhalin yaradayadu khaldamaan reer mudugoo dhan makhaldamine sas uogaada thank you

  25. says

    Asc Wr Wb Horseednet. Gobolkaan Mudug Waxaa Qasaaya Waa Dadka Udhashey Oo Waligood Aan Arking Hogaan Wacan Waligood Waxay Unoolaayeen Siddii Dad Aan Laheyn Hogaan. Waa In Gacan Bir Ah Lagu Qabtaa Gobolkaan Sababtuna Waa Halka Halista Ah Ee Puntland Dadkeeda Cilmiga Leh Lagu Laayn Karo. Bandow Yaan Laga Dejin Ilaa Ee Noqdaan Shacab Nadiif Ah Ileeyn Meel Fidno Ah Ilaa Xaqa Aan Lamarsiin Baran Maayaan Nabada, Kala Dambeynta, Xushmada, Nidaam Dawli, Cabsida Rabbi. Dr.Faroole Waa Hurudaa Ee Hurdada Kakac Inta Aan Wabiga Kuugu Soo Fakan. Sidaad Xukunka Uqabsatay Dalkii Faraha Uu Kabaxay,Be a tough

  26. mudug boy says

    waryaa mudug maxad karabtaa maad ka hadashid bari waxa ka socda .
    mudug iyagu way yaqaanaan dagaal raganimo ah lkn in xoolo lalaayo oo beelo si toos ah isaga horyimadan idinkay idin ku cusubtahay ee anagu waan soodhaafnay wiilow ee nagadaa ariboowada kkkkkkkkkkkkkkkkk. sxb waad mahadsantahay lkn hanagu guurin ee allaha dajiyo arinta waxa wada dhibta mudugteenii maahan ee waa mudugta bari anagu waxaan nahay mudugta galbeed ok by ur bro

  27. mujahid abu naajib says

    ari boowe reer mudug laga quusay kkk( WAXAA LAYIRI NIN BAA QOFAC JOOJIN WAAYEY AYAANTII DANBE BAA SHEEKH LOO GEEYEY KOLKUU DHOWR JEER MARKA QOFACAY BUU WAXUU KADABA DHAHAA (BISINKA)KK dakii waday baa waxay dheheen shiikh ninkaan lagala quusay kkkkk …. HAATAN NIMANKII RER MUDUG AHAA WAX KASAT LAGALA QUUSAY