Yusuf Indhacadde iyo Mustaqbalkiisa Siyaasadeed

Daruuro madow ayaa hareeyay Yusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) ku sii jirkiisa siyaasadda Soomaaliya. Indhacadde oo u muuqda nin ka hor dega siyaasadda ayaa markii Madaxweynhaa Dawladda Federaalku si sharciga aan waafaqsanayn Xukuumaddii u kala direy waxaa afka furtey Yusuf Indhacadde waxaana oo ku tilmaamey xukuumaddii uu ka tirsanaa mid gashey khiyaano qaran, wuxuu sheegay in Ra’isulwasaare Sharma’arke xiriir la leeyahay Xoogaga Mucaaradka ee kasoo horjeeda dawladda isla markaana doonaayay inuu dawladda u gacan geliyo mucaaradka ayna la wareegaan awooda.

Indhacadde ayaa xusay in hub aad u fara badan uu ku wareejiyey Xoogaga Mucaaradka Cumar C/rashiid, sidoo kale wuxuu tusaale ahaan u soo qaatay dagaal dhawaan ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo dhexmaray Ciidanka Dawladda iyo Xoogaga Mucaaradka taas oo u sheegay in Ciidanka ay waayeen wax hub ah ay ku dagaalamaan kadib markii Cumar C/rashiid Ciidanka AMISOM amar ku siiyey in aysan siin karin Indhacadde hub iyo sanaad.

Waxaa is weydiin mudan sababta uu markii hore uga hadliwaayey Indhacdde ee uu uga hadley markii madaxweynhu ku dhawaaqey in uu xukuumaddii kala direy?, waxaa arintaas doqonimo ku tilmaamey ninka ay jaalka ahaan jireen Indhacadde waa Shiikh Xassan Daahir Aways.

Kadib markii madaxweynaha Dawladda Federaalku uu ka laabtey go’aankii uu ku sheegay in uu xukuumadda kala direy, waxa ay arintaasi ku noqotey naxdin iyo filanwaa rag uu ka mid yahay Indhacadde.

Wasiiru Dawlaha Gaashaandhiga Indhacadde ayaa  ahaa ninkii asaasey Xisbul Islaam, waxa uu dagaal la galay Dawladda uu ka tirsan yahay iyo tii ka horeysaba, waxa uu xiriir dhaw lalahaan jirey xarakada al-Shabaab, marka loo eego raysalwasaaraha ,  Indhacadde ayaa aad uga dhaw kooxaha Mucaaradka kana badiya, isla markaana sheegay  in uu kuwa ajaanibta ah ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya  u guuriyey gabdho Soomaaliyeed.

Su’aalaha la siweydiinaayo ayaa ah Wasiirku haddii uu wuxuun ka garanaayo aqoonta dawladeed xilka uu hayo maanta ayuu iska casilayaa, sababtuna waa xukuumad uu ku tilmaamey mid khiyaamo qaran gashey isla markaana u adeegta mucaaradka wasiir uma noqon karo,  haddii uu is casili waayo Raysalwasaaruhu waxa uu ku khasban yahay in uu shaqo joojin ku sameeyo tan iyo inta uu xukuumad cusub soo magacaabayo.

Mustaqbalka Siyaasadeed ee Indhacadde waa mid mugdi ku jira, ma ahan xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo halkaas dib ugu laaban kara, haddii uu dib ugu laaban lahaa aqoontii uu sida fiican u yaqaaney ee kooxaha mucaaradka iyaduna waa mid aan suurta gal ahayn, waxa ay markaan ku tilmaamaan Murtadd in uu yahay, Muradna waxay sheegaan Mindi ayaa iska leh, waxa u furan waa dhawr arimood:

  1. In uu ka mid noqdo ciidamada uu hadda ku dhexjiro isla markaana ahaado taliye kooxeed
  2. In uu dalka isaga baxo isla markaana magangelyo u raadsado dalal shisheeye.
  3. In uu Sheegto in uu qaatey dariiqada Suufiyada oo Ahlu-Sunnah dhankooda ku biiro inkasta oo ay adagtahay sida ay u aaminayaan.
  4. In uu heshiis la galo Shiikh Xassan Daahir oo ehelnimo iyo aqoon dheer ka dhexeyso isla markaana uu markale xabadda u soo rido dhanka dalwladda.

Si kastaba ha ahaatee Dawladda Federaalka ayaa ku shaqeysa wax loogu yeero dib u heshiisiin waxkastana waa mid suurta gal ah laakiin waxaa la rumeysan yahay in Yusuf Indhacadde aanu la saanqaadi karin Xukuumadda Federaalka, wasiir ma eedeeyo xukuumad uu ka tirsan yahay hal wasiir waxa uu sameeyo ayaa saameyn ku yeelata dhamaan xukuumadda, waxaana ay wada saaran yihiin waa hal miisaan.

Ismail H.Said
Horseed Media
Editorial Board

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »

Comments

  1. says

    marka hore dhaman dadweynaha fikradooda ka dhibanayaa meesha waxan ku salamayaa salanta islamka asc salan kadib waxaa naga khaldan hadan nahay umada soomaliyeed siyasi qofka la dhaho iyo qofka kale horta indhacade ma yahay siyaasi waa suaal furan mida xigta siyaasi laguma noqdo xooga dhalinyaro ah ama xoogaa tikniko ah ninkaan aqoon maadi ah iyo mid diini ahmidnamalaha sideekunoqon karaa siyaasi mise waa qar iska tuur fikradeyna hadan ka hadlo ninkan maba istaahilo in lagu magacaabo siyaasi .

  2. says

    siyaaigan waa doqon wligiis aan ilbaxaynin, beesha Ninka kasoo jeedo dad fiican iyo dada xun way leedahay laakin siyaasiyiinteeda waa qaras katur

  3. says

    mooryaan, wax-margarad bartay kuna noolaa dhiiga shacabka wuxuu dhaho yaa rumeysanaayo. Awalba aqoon deemeed, mid maadi ah iyo xeeldheeri siyaasadeed xabad kama aqoon. aryaa ninkan xabad ma yaqaano…

  4. zara says

    Salam Aleikom 2 all
    Kan Qaab wasiir maba qabo laakin Aduun ninkii nool waxkasta wa arkaa….Its Hurt…i’ve never felt a greater urge to go back to my country then i do now. walahi theres so much potential and greatness in our country. if only we worked together we could achive our long heald dream of return.

    may Allah bless somalia with peace prosperity and unity.

    AMIIIN YA RABAL ALAMIN

  5. MAXANED XASAN ROOBLE says

    MARKII HORABA WAXAAN DHIHI LAHAA DADKII WASIIRKA KA DHIGAY AYAA KA QALDANAA

  6. Bulon says

    Awalna Anshax siyasadeed Odagaasu Malahayn Hadana Nabadgelyasi Buu xumeyey Mooryaanimo Wakhtigeedi waa Dhamaday Bulshadana waa ka Eedobey. Dawladi Uu ka Tirsanaana Qashin buu ku Shubay.Xag Alla Qofki Laga Majara Habaabinayo Isagaa Istakoora.Qaar Baddan baa Lamid ah Waa Lasugayaa waxay ku Dameyaan?????????? Masul Dawladi U Katirsana Eedaynaya KKK

  7. says

    asc.salaan ka dib horseed madia idinka qorma fiican ka qoray waa idin ku amaanyaa sida u qorteen.intaas hadii rayigayga ka hadal kaaso kale masuul luguma tilmaamo.hortaa indhacade wuxuu haa waardiye xerada qaxootiga waaridiye baabuurta ka dibna halkaas buu ka noqday darweel.runtii markaan maqlay gobolka sh/hoose buu xukama waa yaabay.waana qabqable dagaal.intaa kadib ninkii sidaa haa baa sheegatya wasiirdowle gaanshaan dhiga.horta raswaasraha ma magaabin markuu ka fakaday daahir aways buu shir gobolka banaadir ka soo qaybagalay baa cabdi qaybdiid yiri waxaaan nalaj jooga wasiirdawladaha inadhacade .maalinata ka dibna idaacadaha webbseka qoray

  8. Sharif says

    Ninkan wuxu wasiir ku yahay waa lagu sasabaya oo mooryanimadi inu ku noqdo aya laga cabsanayaa… Taas oo dhib ku noqonaysa inu dalku helo nidaam mustaqbalka dhow iyo ka fog, tusaale wanaagsan saaxibki daahir_aways… Wakhti intee la eg ayay dowladu wadi doonta qancinta MOORYAANIMADA???

  9. says

    Indhacade sida u gaariga uga dhacay waxa uga dhici dona rag badan o manta han siyasaded ku jirto haba ugu horeyen shariifaynkube NB Nin kasta o maslaxa siyasada an ku iman aqon iyo waayaragnimo diin iyo dadnimo malin bad arki dontad asago saxafadu ku diganayso.

  10. says

    war miisaan fiican baad saaratay ninkaas qormo waxaa ka diyaarisay layaqaan waana saa u sheegtay wax mustaqbal ah uma harin wax yaabaha u banaan oo aad sheegtay waxaad ka reebtay inuu isdilo

  11. cheyyene says

    Shiikhuna isku sheege indhocade, arin kaliya ayuu run ka dhigay. OO ah inuusan isaga kaliya aheyn shiikh isku sheegayaasha, balse ay ka buuxan Xisbul Islam

    Indhocada waxaa U sharaf badan inuu isaga baxo wadanka, qabqable dagaal ayuu ahaan jirey intoodii badneydna waa laga wareejiyey xukunka.

    Dowlada federaalka oo madaxdeyduna ugu horeyso ha xasuustaan ereyada dhaheysa “mar labaad I dage, anigaa is dagey” hadey rabaan iney sii jiraan waa iney ciidan fiican, oo hogaamiyayaal fiican wata ay dhistaan hadii kale ..alle un ayaa OG sidey ku dambeyn!!

  12. abdi says

    Ismaciil , (Gurbaan garabkaaga ha kuugu jiro ama gacal kaaga ha kuu haayo ) , Waa gartiis indha cade cid wax ka qoraysa ma jirto , haddii uu xisaabtan jiri lahaa indha cade saacadaan wuxuu ku xirnaan lahaa xabsiga labaatan jirow .

  13. Max'ud Macalin Bashiir Indonesia says

    Anigu waxaan aaminsanahay hadii uu intaas ku haldy inuu xishooday ka daran baan ka filayey,
    waxay horseed qortay inuu jaanisyo leeyahay ilaa hadda Lakin anigu waxaan leeyahay, wax u haray inuu Dalka iskaga boxo & inuu is daldalo ma’ahane,
    Diin,siyaasad,Aqoon & xishood mid uu leeyahay ma jiro, hadii aad hadalkas beenasataana Waraysta Qof Dagan Marka,

  14. HILLAAC says

    ASCWW. Intii aan ka oran lahaa iyo kabadanbaa waxaa yirii Wargeeskaa dhex dhexaadka iyo cadaladaa Saxibkaa u ha ee horseed. tankalee indhacadee waxuu yelilahaa waa arin go´aan kedaa utaal madaxwaynaa wayoo asaguu meshaa ujogaa sidaan aan wadaa ognahay mida kalee kaligiis mahan 1: IBI IYO shiq Sakiin baa kulajiraa wan eegnaa waxii kadhashaa arinkaas!

  15. Hersi says

    jariimooyinka soomaaliya laga galey waxaa ka mid ah in ladabaqo sharciga qabaliga ah ee 4.5 kaasoo uu kusoo baxey shaqsiga noocaan oo kale ah ee INDHA CADDE .
    Waa jaahil ..kaaga daran gar iyo cimaamadi eey u dheer tahay ..kanoo kalena waakan laga duceysto ee uu laga yiraahdo{ ILAAHOOW HA INAGU SALADIN BALO NAGA XOOG BADAN }.

    kaasi waa tusaale kamid ah miraha 4.5 !!!

  16. sanka says

    mar kii hore ayaa dad indho la’ ayaa wasiir ka dhigay iyagaaba ka darnaa markay wasiir ku magacaabeen