Shirkii Istanbuul, kulamadii hoose iyo natiijooyinkii kasoo baxay (Sawiro)


Waxaa maalinimadii shalay (22-May-2010) lagu soo gab gabeeyey magaalada Istanbuul ee dalka Tukriga shirkii Caalamiga ahaa ee Qaramada Midoobay soo diyaarisay ee looga hadlayey xaalada dalka Soomaaliya.

Shirkan oo ay ka qeyb qaadaneysay dowlada Turkiga ayaa waxaa kasoo qeyb galay wafuud kala gedisan oo ka socda wadamada iyo ururada daneeya arrimaha Soomaaliya kuwaasi oo ay kamid ahaayeen dalalka; Maraykanka, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, dalalka Islaamka, IGAD iyo diblumaasiyiin kale.

Waxaa sidoo kale shirkan kasoo qeyb galay wafdi ka socda Dowlada Federaalka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya oo uu hogaaminayo Madaxweyne Shiikh Shariif Axmed iyo wafdi ka socda Dowlada Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole.

Shirkan ayaa ah kii labaad marka laga yimaado shirkii Belguim ka dhacay sanadkii hore April 2009, middkii ugu balaarnaa oo looga hadlayo xaalada iyo dib u dhiska wadanka Soomaaliya.

Qodobada ugu muhiimsan ee diirada lagu saarayey shirkan ayaa ah xaalada siyaasadeed ee ka jirta dalka Soomaaliya, dagaalada sii socda, burcad badeeda, arrimaha bini’aadamnimo iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Wafuuda ka socotay dalka Soomaaliya ayaa ayagu halkaasi kusoo bandhigay warbixino ku aada baahida ka jirta dalka iyo codsiyadooda mashaariicda horumarinta.

Baaq Caalami ah:

Geba gabedii shirkan ayaa laga soo saaray baaq caalami ah oo ku wajahan dalka Soomaaliya iyo beesha Caalamka. Baaqan ayaa looga codsaday wadamada deeq bixiyayaasha inay dar dar geliyaan fasixida ama bixinta lacagihii horey loogu balan qaaday dalka Soomaaliya in dib loogu dhiso hay’adaha amniga iyo dowlada.

Baaqan ayaa si gaar ah looga hadlay in dalka Soomaaliya loo dhiso ciidamo awoodleh oo tababaran iyo maamulkooda oo khibradleh, ayadoo sidoo kale la dhiiri geliyey in dowlada Federaalka ay dhameystirto go’aamadii shirkii dib u heshiisiinta ee dalka Jabuuti.

Dowlada Federaalka ayaa loogu hanbalyeeyay heshiiskii ay la gashay kooxda Ahlu Sunna Waljamaaca oo ku aadan wada shaqeynta iyo waliba heshiiskii ay la gashay dowlada Puntland bishii Agoost 2009, ee ku aadanaa la dagaalanka burcad-badeeda.

Waxaana lagu sheegay in loo baahan yahay in wax badan laga qabto arrimaha bini’aadamnimo ee dalka Soomaaliya ka jira, ayadoo loogu baaqay Dowlada Federaalka inay ay xil iska saarto  sidii taakulada loo gaarsiin lahaa dadka tabaaleysan.

Shirkan ayaa looga hadlay kaalinta ay Ganactsada ka geysan karaan dib u dhiska Soomaaliya, ayadoo ay jiraan qorsheyaal ku aadan sare u qaadida ganacsiga iyo dhaqaalaha Soomaaliya oo ay soo gudbiyeen wafdiga ka socday Dowlada Federaalka kuwaasi oo sheegay in kaabayaasha loo baahan yahay in caalamka gacan kasiiyo ay kamid yihiin lix qeybood;

1. Isgaarsiinta / telecommunications;

2. Dhismaha wadooyinka;

3. Dhoofinta xoolaha;

4. Kaluumeysiga,

5. Bangiyada iyo xawaaladaha

6. Tamarta

Waxaa baaqan sidoo kale loo diray Shacabka Soomaaliyeed ayadoo loogu baaqay inay iska kaashadaan sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen nabadeynta dalkooda, meelna uga soo wada jeesan lahaayeen kooxaha kasoo horjeeda inay nabadi ka dhalato dalka Soomaaliya.

Wafdiga ka socda Dowlada Federaalka ayaa ayagu qoraalkii ay shirka usoo gudbiyeen ku sheegay inay ka go’an tahay hirgelinta heshiiskii shirkii Jabuuti iyo waliba u shaqeynta shacabka Soomaaliyeed.

Dowlada Federaalka ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaalka ay ugu jirto dhismaha Dowlad wanaagsan, dhismaha kaabayaasha Dowlada iyo hay’adaha asaasiga ah ee dalka Soomaaliya.

Dowlada Puntland

Waxaa markii ugu horeysay shir noocan ah ayaguna ka qeyb galay wafdi ka socda Dowlada Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdiraxman Maxamed Faroole.

Shirkan ayaa baaqii kasoo baxay lagu sheegay in Beesha Caalamka ay dhiiri gelineyso Dowlada Puntland inay sii wado wadashaqeynta ay la leedahay Dowlada Federaalka dhanka la dagaalanka burcad badeeda, amniga iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Waxaana sidoo kale lagu daray Baaqa kasoo baxay kulankan in Beesha Caalamka laga codsanayo inay gacan ka geystaan mashaariicda horumarinta ee gobalada Soomaaliya gaar ahaan Puntland, isla markaana la hirgeliyo dhameystirka Airporada magaalooyinka Bosaaso iyo Garowe.

Maamulka Soomaaliland ayaa sidoo kale loogu baaqay in doorashooyinka soo socda ay si nabad ah ku dhacaan, walow aysan shirkan ku sugneyn wax wafdi ah oo ka socday Somaliland.

AMISOM

Beesha caalamka ayaa si gaar ah ugu mahadnaqday wadamada ciidamada usoo diray dalka Soomaaliya ee ka kala socda Ugandha iyo Burundi, ayadoo labadaasi wadan lagu amaanay kaalinta baaxadaleh oo ay ka geysteen hawlaha nabad illaalinta ah ee ciidamadooda ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Wasiirada Arrimaha Dibada ee dalalka Burundi Mr. Augustin Nsanze iyo Wasiirka Difaaca ee dalka Ugandha Mr. Crispus Kiyonga ayaa ku sugnaa shirka ayagoo sidoo kale, si gaar gaar ah ulla kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon, isla markaana kala hadlay dhanka dhaqaalaha la doonayo in lagu bixiyo ciidamada wadamadaasi ka jooga dalka Soomaaliya.

Wadamada Ugandha iyo Burundi oo dhaqaalaha ciidamadooda AMISOM ku baxa ay tahay mid baaxadleh ayaa quudareenaya in Qaramada Midoobay ay dar dargeliso balanqaadyadii hore ee ku aadanaa in dhaqaale horleh wadamadaasi lagu siiyo hawlgalkooda Muqdisho.

IGAD

Wadamada IGAD ee jaarka la ah Soomaaliya ayaa shirkan ku sugnaa, waxaana kamid ahaa wafuudii shirka joogay koox diblumaasiyiin ah oo uu hogaaminayey Wasiirka Arrima Dibada ee dalka Kenya Moses Watangula.

Watangula iyo Ban Ki Moon oo kulan khaas ah wada qaatay ayaa ayaguna ka wada hadlay kaalinta ay wadamada jaarka la ah Soomaaliya ay ka geysan karaan, nabadeynta Soomaaliya.

Dalka Kenya ayaa xiligan wada tababaro la sheegay inuu siinayo ciidamo Soomaali ah oo la tuhunsan yahay in qaarkood loo wado dalka Soomaaliya, walow dowlada Kenya ay sheegtay in ciidamadaasi loo tababaro sugida amniga gobalada Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Wadanka Itoobiya oo lagu yaqaan inuu si gaar ah u daneeyo arrimaha Soomaaliya ayaa shirkan si weyn uga dhexmuuqan, inkastoo xiliga shirka kusoo beegmay wakhtiga Doorashooyinka dalkaasi, hase yeeshee waxaa la oron karaa Dowlada Kenya waxay tusaale ka qaadan kartaa Dowlada Itoobiya oo dhawaan ayaduna sameysay ciidamo u badan Soomaali oo ay sheegtay inay sugayaan amniga gobalada saaran xadka dalka Soomaaliya. Ciidamadaasi ayaa ah kuwii todobaadkan iska horimaadka ka bilaabay magaalada Buuhoodle ee gobalka Cayn.

Qaramada Midoobay ayaa codsiyada ay u gudbisay wadamada Jaarka la’ah Soomaaliya, waxaa kamid ahaa in dowladaha sida Kenya ay sii wadaan maxkamadeynta kooxaha burcad badeeda ee laga soo qabto xeebaha dalka Soomaaliya, ayadoo laga codsaday beesha caalamka in dalalkaasi ay gacan ku siiyaan dhanka dhaqaalaha.

Maraykanka

Maraykanka ayaa wafdiga usoo diray shirkan uu hogaaminayey Ergayga Maraykanka u qaabilsan Afrika Mr. Johnnie Carson. Maraykanka ayaa kamid ah wadamada sida gaarka ah xiligan u daneeya arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan dhanka la dagaalanka waxa ay ugu yeeraan argagaxisada iyo Burcad badeeda.

Johnnie Carson ayaa kulan khaas ah magaalada Istanbul kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayagoo ka wada hadlay arrimaha dalka Soomaaliya, iyo kaalinta dhaqaale ee uu dalka Maraykanka ka geysan karo qorshaha Qaramada Midoobay ee ku aadan Soomaaliya.

Midowga Yurub

Wafuuda ka kala socotay Midowga Yurub ayaa ayagu si gaar ah u daneenayey arrimaha la dagaalanka Burcad badeeda oo lagu wado in dhawaan Midowga Yurub dhaqaale baaxadleh ku bixiyo qorshayaal iyo mashaariic looga hortagayo burcad badeeda ka hawlgasha xeebaha Soomaaliya.

Wafuuda kulankan ku sugnaa waxaa kamid ahaa Mr. Andris Piebalgs oo ah Xoghayaha Horumarinta u qaabilsan Midowga Yurub iyo wafdi ka socda dalka Spain oo uu horkacayey Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalkaasi Spain Mr. Miguel Ángel Moratinos Cuyaubé.

Dalka Spain ayaa lagu wadaa inuu bisha September ee sanadkan 2010 marti geliyo kulanka Guddiga Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Baaqa kasoo baxay kulankan ayaa lagu sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba ka rajo dhigin xal u helida dalkooda, ayadoo lagu sheegay in iskaashi dhexmara shacabka, dowlada, ganacsatada iyo Beesha Caalamka uu soo dadajin karo xal u helida dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif Axmed

Marka laga yimaado kulamadan gaar gaarka ah ee ka dhacay magaalada Istanbuul, waxaa asagu kulankan uu ahaa kii labaad oo noocaan ah oo uu ka qeyb galo Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Axmed, oo horey fursad caynkaan ah u helay kulankii ka dhacay dalka Belguim ee dhaqaalaha loogu doonayey dalka Soomaaliya.

Shiikh Shariif Axmed ayaa soo dhaweyn balaaran kala kulmay madaxda Qaramada Midoobay iyo dowlada Turkiga ee shirkan marti gelisay.

Dhinaca kale marti qaadyada loo qabanayey Madaxweynaha iyo wafdigiisa, waxaana ayaduna meesha ka marneyn canaanta ku dhaceysay wafdiga Dowlada Soomaaliya ee ku aadan waxqabad la’aanta dowlada Soomaaliya iyo khilaafyada badan ee ka dhexmuuqda dowlada dhexdeeda.

Hadaba shirkan ayaa ahaa mid fursad u ahaa dowlada Soomaaliya inay kaga faa’iideysato kaalmada caalamka, hase yeeshee waxaa si weyn u saameeyey khilaafkii soo kala dhexgalay dowlada Federaalka oo ahayd midda ay afka kuwada hayeen wadamada deeqda bixiya oo weli shakigii ay ka qabeen Soomaaliya aan meesha ka bixin.

Waxaa ayaduna fursadan ka faa’iideysatay Dowlada Puntland oo markii ugu horeysay wafdi gaar ah usoo dirsatay shirkan uuna horkacayey Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ayagoo fursado bada u helay ayaguna dhankooda inay si gaar ah ula kulmaan wafuudii kala gedisneyd ee caalamka ka socotay iyo shirakadaha caalamiga ah.

Waxaa kale oo guul  la oron karaa in baaqii shirkaasi kasoo baxay lagu daro in Beesha Caalamka ay ka qeyb qaadato mashaariicda horumarineed ee deegaanada Puntland.

Ugu danbeyntii shirkan waxaa dhamaan loo mahadnaqay dowlada Turkiga oo kaalin weyn iska saartay in shirkan ay marti geliso, xili Beesha Caalamka ay ka daashay ka hadlida arrimaha dalka Soomaaliya.

Balse su’aasha weli taagan ayaa ah sida ay mas’uuliyiinta Soomaaliyeed uga faa’iideysan karaan fursadahaasi iyo sida ay ugu adeegi doonaan shacabkooda.

Mahad Musse
Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »

Comments

  1. sahal yacquub says

    Asalaamu calaykum wa ku mahadsantihiin horseed media wararka dalkii hooyo marka hore shirarka caalamiga ee dalka dibadisa lagu qabta wax weyn kama so socdaan wa iska kuwii horay lo maqli jiray oo kale marka wa kud ka guur qanjo u guur ileen dalka inu dawlad yeesha nabadna ahaada inaga aya diidan HADEYII MIN ALLAH

  2. C/naasir says

    Marka hore salaan, salaan ka dib, waxaa idinka muuqata aqoon yari warfaafineed iyo mid maadi ahba, waayo waxaad kala garan la’dihiin Macnaha ay kala leeyihiin, Dawlad iyo Maamul Goboleed.

    • Abshir Said says

      Salaam kadib Cabdinaasir haddii aan ka hadalno taayada, aqoon warbaahineed iyo mid maadi in nagu filan waan ka haysanaa, laakiin midda ah Dawlad iyo Maamul Goboleed ayaad kala garanweydeen maxaad ka waddaa? haddii aad u jeedid Dawladda Puntland waa magaca rasmiga ah ee ay leedahay Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed, Shabaab ayaa dadka waxay ku dilayaan magacaas noogu yeera, maamulku haddii uu dhagax la baxo dhagax ayaa loogu yeeri, marka waxba haka xumaan.

  3. says

    marba haday ka dheeraden calaqatayshi ethopia djabuti kenya iyo waliba africa oo xalada somali dano gaar ah ka leh xaal ayaay gaarayaan guul ayan ka rajaynaynaaaaaa

  4. shakr says

    waxaad aad ugu mahad naqayaaa e walaalaha turkiya ee fursaddaan weyn noogu deeqay (ilaahay kasakow)
    laakiin waxay dhibtu taagan tahay markii uu shirkaana faa’iido dhalin waaye ay xaaaladdu meesheedii kasssi cakirnaato,

  5. says

    marka hore waxaan halkaan ka salamayaa shaqalaha horseedmedia rag iyo dumarba intaas kadib waxaan halkaan rabaa in aan su,aal uu soo bandhigo walaalaha soomaaliyeeda meel kasta oo ayaa joogna walaalayaal maanta waa aragna dhibka haysat shacabkii soomaaliyeed ilaa laban sano ayaa xabad socotay waxa xaal ah laga ma gaarin madaxweynaha soomaaliya waa magac weyna oo shacab soomaaliyeed matalayaa haddii ayaa dacad ka tahay in uu somali isu keeno maxa uu diiday in uu xaalka ka raadiyo dhulka somaliyeed meel kasta oo ayaa tahay muxuu uu tagi waayay puntland and somaliland intuu warageeyo dhulka shisheya ah oo aan somali nabad la rabin ilahay

  6. says

    marka hore waxaan halkaan ka salamayaa dhamaan shaqalaha horseedmedia waad ku mahadsantihin shaqadda aad haysaan shacabka soomaaliyeed ku dadaal nabad iyo horumarka shacabka soomaaliyeed meel kasta oo joogna waa mid intaas kadib haddii aan ka hadalo sharika lugu qabtay wadanka TURKIIGA Aaniga shaqsin waxaan aamin sanahay in uusan waxba ka duwaneyna kuwii ka hore rag meesha iiga muuqadda dacad kama ah somalinimadda taas waxaan uu leeyahay shacabkii somali dhib weyna ayaa haysat maanta marka kuwa intee dharka quruda badan soo xirteen cunta qurux badan is hor dhigay aniga waxaay ilaa tahay waqt fiican ayaa meesha lugu qaadneyaa iyo

  7. Maxamed , Garowe Puntland says

    waxaad qabaa in shirkaas uu ka muhiim san yahy kuwii hore sababtoo ah awal waxaa xooga la saari jiray oo kaliya xal siyaasadeed laakiin maanta waxaa muuqata in loo jeestay cida wax qabsan karta oo Private sector Somalia, waayo waxaynu ognahay hadii la taageero nidaamka ah PPP public private partinership oo la adeegsado marka sidaan oo kale public oo howshiisii gabo.

    waayo waxaa la soo qaaday infrustructure,(Airports,seaports,roads and other), marka waxaan qabaa hadii durbadii Puntland la tagtay meesha qorshe ah infrustructure ha nala ka taageero inay taasi macquul tahay oo wax laga qaban doono

  8. Meygaag Dhago-dheere says

    Waa fursad qaaliya oo Soomaali oo idil soo madhay. Waa shirkii ugu horeeyey ee horumar iyo wax qabsi la isku soo qaaday. Dadka Soomaaliyeed ee horumarka ku taamayana ay heleen fursad ay ku kulmaan oo aaraahdooda isku dhaafsadaan isla markaana helaan fursad ay aduunka ugu sheegaan caqabadaha ganacsigooda hor taagan.

    Waxaan rajeynayaa in xiriirada shirkan ka abuurmay ay miro dhal noqdaan. Ummadana faa’iido iyo baraare u horseedaan. Waxaan rajeynayaa inay xal u keento cilado badan oo ku hor gudbanaa ganacsiga iyo waxqabsiga ummadda dhanka wanaagsan wax ka eegta.

  9. says

    masha allah waa fursad qaali ah oo rer p/land u so hoyatay oo an horay loo helin waa sax in airporka bosaso dowladdu dhaqale u raadiso lana dhamaystiro iyo in mashaariic kale dalka loo keeno
    puntland halla dhiso somali ninkasta gurigisii buu dhistay rer p/land dib mogadisho uma dhisan doonan horaan taas ugu hungownay halla ogaado
    p/land halla dhiso
    p/land ha noolaaato 4 ever puntland

  10. Cismaan Sheikh says

    I don’t think the so called president Sharif can bring any solution to shattared Somalia.If he is honest about what he is claiming about his native Somalia, he should resign and stop been hypocrite.
    Today’s Sharif is different man than yesterday’s.

  11. Hersi says

    shaki kuma jiro in tani eey aheyd fursad qaali ah ..guud ahaan soomaaliya , gaar ahaan p/land ..waayo waa meel nabad ah oo mashaariic laga hirgalin karo ..waa haddii ladoonayo wax qabad dhab ah ..waxaa kaloo xusid mudan markii ugu horeysey tani tahay oo shir somalia looga hadlaayo lagu qabto meel kabaxsan africa iyo carab (daneystayaasha) ..ogaada markaan waa turkia hadaba waxaa ii muuqatta ififaalo farxad leh iyo qorshe dhab ah marakan

  12. Faysal Puntland says

    ahahaha!!

    Fursad qaali ah oo aysan Puntland waligeed helin iyo dhammaanba Soomaaliya oo idil.

    Balse, waxaa daran in baliaa qorshe lagu tago. Gaalana waxaa loola tagaa intaas ayaan haystaa ee wax iigu dar.

    Ugu dambeyn Puntland haddii ay la tagtay waxaas noo qabta waxaan kaga qayb qaadanayna ma jiraan waa meel maran.

  13. guray says

    waan ku farxsanahay in baaqas lagu soo daro airporka bosaso iyo mashaariic kale oo puntland ka faa idaysan karo laakiin waxaa isweydiin mudan mashariicdaan sidaacada ma uga hirgelinayaan waa hadii laga taageero mise jeebkooda ayeey buux san doonaan fursada labaad oo ay puntland haysato waxa weeye waa meesha keliya oo somalia nabad iyo maamul kajiro