Faallo: Doorashada Madaxweynaha Somaliland iyo Waxa Laga Baranaayo

Maalmihii la soo dhaafey waxaa ka socdey Somaliland ololaha doorashooyinka madaxweynaha Somaliland, dhoolatuska ay samaynayaan sadexda Xisbi ee Udub, Kulmiye iyo Ucid ayaa ahaa mid ruxey qaybo badan oo ka mid ah Somaliland, dhoolatuska ayaa lahaa arimo badan oo xiiso leh, iyada oo aad arkeysid dhalinyaro aad u xamaasadaysan oo isku xardhey halkudhigyada Xisbiyada Somaliland, waqtigaa doorashada ayaa aad u soo dhaw waxaa ay dhacaysaa 26 June 2010 oo ay maalmo yar ka harsan yihiin.

Xisbiyada Somaliland.

Udub

UDUB waaa xisbigii ugu horeeyey ee laga diiwaan geliyo Somaliland  waxaana magiciisa loo soo gaabiyaa (Ururka Dimoqraadiyadda Umadaha Bahoobay), waxaa asaasey Rabbi ha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, muddo yar kadib asaaskii xisbiga Udub, Cigaal waa geeriyoodey, waxaana hogaanka u qabtey Madaxweyne Rayaale oo noqdey Madaxweyne kumeel gaar ah markaas, Rayaale ayaa markiiba soo dhaweystey rag ay Cigaal aad u kala fogaayeen kuwaas oo uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale, xisbiga Udub waxa uu ku doodaa in uu xal u yahay Somaliland isla markaana u taagan yahay midnimada Somaliland, waxaana ay dadka qaarkood ku doodaan haddii aan Rayaale la dooran waxaa dib loogu noqon lahaa sanadihii 1992 – 1997 markaas oo dagaalo sokeeye ka socdeen Somaliland.

Ucid

Xisbiga Ucid (Ururka Caddaaladda iyo Daryeelka) waa xisbigii labaad ee laga diiwaan geliyo Somaliland, waxaa hormuud ka ahaa qurbo joog khaastan reer Finland waxaana qayb ka ahaa asaaskiisa Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdiraxmaan Ciro.

Waxaa la aaminsan yahay talada lagu asaasey UCID in uu lahaa Maxamed Ibrahim Cigaal, waxaana kartoonka Dhanxiir ee wargeyska Jamhuuriya Sanadkii 2001-dii ka sameeyey oraah aad caan uga noqdey Hargeysa, maadaama ku dhawaaqida magaca xisbigu uu ahaa mid adag ayey ugu yeeri jireen UCI, dhanxiirna waxa uu yiri Odayga (Cigaal) ayuu uciyayaa.

Xisbiga Ucid malahan ahdaaf mucaaradnimo, waxa uu ka hadli jirey arimaha dawladda u yaala ama ay ahayd in ay dawladdu ka hadasho iyada ayuuna hor boodi jirey, waxaana aad loo xasuustaa doorashadii 2003 markii uu ku guuldaraystey Faysal Cali Waraabe, waxa uu ahaa mid warbaahinta u mariya erayo liddi ku ah Siilaanyo oo markaas qaaddacay natiijadii doorashada, sidoo kale waxa uu si buuxda u sheegay in uu diyaar u ahaa in xukuumadda lagu soo daro wasiirna laga siiyo xisbigiisa.

Xisbiga Ucid waxaa mar danbe xubno ka noqdey qurbo joog badan oo aqoonyahan u badan, waxaana uu Xisbiga saddexaad noqdey markii uu kaalinta saddexaad ka galay doorashooyinkii goloyaasha deegaanka sanadkii 2002, isaga oo codad yar kaga adkaadey xisbigii Dr.Gaboose ee Sahan.

Xisbiga Kulmiye

Xisbiga Kulmiye waa xisbigii u danbeeyey ee Somaliland laga hirgeliyo waxaa la asaasay maalmo yar kadib geeridii Maxamed Ibraahim Cigaal, waxaa hoggaanka u qabtey rag u badnaa jamhaddii SNM oo uu ugu magacdheeraa Axmed Maxamuud Siilaanyo, Maxamed Kaahin iyo Cabdiraxmaan Aw-Cali.

Taageerayaasha ugu badan ee Kulmiye waxa ay ka yimaadaan Gobolka Togdheer, waxaana uu afka u dhigtey Xisbi ka horeeyey Kulmiye oo  Saleebaan Gaal oday ka ahaa kaas oo lagu magaacbi jirey ASAD Party, waana midda ku kaliftey in Saleebaan Gaal uu u galo Udubtii uu aadka uga soo horjeedi jirey.

Doorashadii Hore ee Somaliland

Waxyaabaha ugu badan ee uu ku faano Daahir Rayaale Kaahin ayaa ahayd qabashada doorashadii Madaxweynaha iyo kuwii goloyaasha deegaanka, marka Rayaale qabanaayey doorashada waxa uu madaxweyne ahaa muddo sanad ka yar, ma ahayn nin si fiican loo bartay, isaga qudhiisu ma aanu helin khibrad dheeraad ah iyo tabaha saldanada loo adkeysto, waxaana lagu tilmaamaa in uu qaadey tilaabo geesinimo leh isaga oo khamaarey.

Doorashadii hore ee Madaxweynaha Somaliland waxaa la qabtey sanadkii 2003 bishii April waxaana u tartamay Daahir Rayaale Kaahin, Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, Doorashada ayaa ahayd mid taariikhi ah waxaana ay ahayd markii u horeysey muddo 36 sano ah, codadka la dhiibtey ayaa gaaraayey 500,000 oo cod, sadexda xisbi  midna ma helin wax ka badan 51%, waxaana ay ahayd mid ay aad isugu dhawaayeen, labada xisbi ee Udub iyo Kulmiye.

  • Udub     205,590 cod 42.8%
  • Kulmiye  205,372 Cod 42.7%
  • Ucid     77,160 cod   15.8%

Sida ka muuqata codadkii la dhiibtey doorashadii 2003 waxaa aad isugu dhawaa Udub iyo Kulmiye, waxaana natiijada diidey in uu aqbalo Siilaanyo oo ahaa musharaxa xisbiga Kulmiye, kadib markii maxkmadda sare ay goysey in Kulmiye looga adkaadey 218 cod oo keliya.

Inkasta oo markii dib loogu laabtey Sanduukhyo kale oo la sheegay in aan la tirin Kulmiye uu ka helay codad gaaraya 144 cod, waxaana  arinta soo dhexgalay Golaha guurtiga, odoyaasha dhaqanka kuwaas oo ku qanciyey Siilaanyo in looga adkaadey 74 cod oo keliya, isla markaana uu aqbalo isaga oo dadka iyo dalka u daneynaaya, waxayna u balanqaadeen in ay ku taageeri doonaan doorashada danbe ee dhacaysa 5 sano kadib.

Daahir Rayaale Kaahin waxa uu kursiga ku fariistey isaga oo aan ahayn madaxweyne si aqlabiyad ah lagu doortey  ama  aan helin 50% codad ka badan, waxaana uu shantii sano ku darsaday laba sano oo wafo ah ama dheeraad ah.

Dhoolatuska Doorashada 2010

Dhoolatuska ay wadaan xisbiyada Somaliland iyo isu soo baxyada ayaa ah kuwo lagu amaani karo dadka Somaliland, sida nabad gelyada, dimoqraadiyadda ah oo ay isugu soo baxayaan isla markaana loo soo kala jiidanaayo codbixiyaasha,  waa mid lagu faani karo, taas oo muujinaysa biseylka siyaasadeed ee ay gaareen Somaliland,  inkasta oo ay ka muuqato dhaliilo badan isu soo baxyada ay sameeyaan taageerayaasha xibiyadda Somaliland;  Ciladaha ka muuqda ayaa waxaa kamid ah:

  • Calaamadaha lagu kala garto waa mid isku mid ah dharka iyo calamada midabka cagaarka ama akhdarka ah ayey ka siman yihiin.
  • Khudbadaha ay isu jeediyaan waxa ay ka maran yihiin in dadka la geliyo himilo, iyo yididiilo kuwaas oo loogu soo bandhigaayo waxa la qabanaayo iyada oo maalinba dhinac laga eegaayo laakiin waxaad  arkeysaa in khudbaduhu ay ka mideysan yihiin  erayo aan macno badan ku dhisneyn sida Hanoolaado xibigeenu, codka sow xisbigeena siin meysaan iyo erayo kale oo Kacaanimo ah.
  • Dadka ka qaybqaata isusoobaxyada (Political rally) waxa ay u badan yihiin dad aan codbixiyaal ahayn kuwaas oo u badan caruuro ka yar 18 sano.

Mid ka mid ah dadka ka qaybqaatey isu soobaxyada ayaa ii sheegay in uu maalinkasta ka qaybqaato Xisbi kasatana uu tago fagaarayaasha ay ka hadlayaan, mar aan weydiiyey in sababtu tahay in uu ku jiro baaritaan kii uu dooran lahaa ayuu ku jawaabey kaan dooran lahaa beeshayda ayaa goysey ee waxaan meesha u tagaa waa farxad iyo dabaaldeg oo kale, dadka intooda badana waa sidaas.

Waxaad arkeysaa beelaha qaar oo soo saaraya baaqyo isla markaana qabanaaya shirar iyaga oo daaha ka qaadaya in ay ka diga rogteen xisbi  hebel isla markaana ay ku wareegeen xisbi kale, waxaana arimahaas sabab u ah balanqaadka ay ka helaan xisbiyada sida waxa uu u qabanaayo Beesha, Waxaa jira siyaasiyiin muddo dheer xisbi ka tirsanaa oo xisbi kale u ololeynaaya taasna waxa ay muujineysaa sida xisbiyadu aysan u ahayn kuwo barnaamij iyo mabaadi  cad ku dhisan ee ay tahay sida uu siyaasigu dantiisa uga dhex arko waxaana tusaale ku filan Cismaan Hindi oo muddo dheer ka tirsanaa Kulmiye haddana ah Abaanduulaha Udub iyo Ismaaciil Aadan Cismaan “Ismaaciil Yare” Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha oo mar ahaa ninka xisbiga Kulmiye ugu nebcaa kaas oo hadda u ololeeya Kulmiye.

Tabta iyo Xeeladaha Xisbiyada

Doorashada ayaa ah mid maraysa hal wereeg, musharixiinta ayaa ku kala baxaysa cod dheeri, taas oo mar labaad sabab u noqon karta in Dawladdu noqoto “Minority Government” mid aan haysan aqlabiyadda codbxiyaasha, Somaliland uma saamaxayso in doorashadu ay marto wareeg labaad taas oo u baahan dhaqaale badan.

Xisbiyada Somaliland ayaa taageerayaasha ay ku leeyihiin gobolada ay ku kala duwan yihiin waxaana jira tabo iyo xeelado ay isticmaalayaan.

Istraatiijiyada Xisbiga Udub ayaa u muuqata in gobolada ay u kala qaybiyey kuwo waaweyn iyo kuwo yar-yar sadexda gobol ee ay degan yihiin dadka ugu badan ee Maroodijeex (Hargeysa) Togdhdeer (Burco) iyo Awdal (Boorame), xisbiga Udub waxa uu aaminsan yahay in codadka ugu badan ee Awdal ay helayaan, sidoo kale Hargeysa ay kaalinta kowaad ama labaad ay galayaan, halka Gobolka Todheer ay kaalinta labaad ku soo baxayaan.

Gobolka Saaxil (Berbera) ayaa sidoo kale xisbiga Udub la aaminsan yahay in uu kaalinta kowaad ku soo baxayo, laakiin xisbiga Udub ayaa muhimad gaar ah siiyey Ceerigaabo xarunta gobolka Sanaag iyo deegaanada hoostaga, taas oo ay u arkaan in ay tahay halka kala reebtada ah “battleground”, waxaana booqasho gaar ah ku tegay Daahir Rayaale, iyo qaar kamid ah wasiiradiisa kuwaas oo weli olole ka wada Ceerigaabo iyo Ceel  afweyn.

Haddii Xisbiga Udub uu kaalinta kowaad ka galo Gobolada Awdal, Saaxil, Sanaag, isla markaana tiro aad u yar looga qaado kaalinta kowaad ee Gobolka  Maroodijeex, Gobolka Togdheerna ay kaalinta labaad ku soo baxaan waxa ay u badan tahay in uu ku guuleystaan  doorashada.

Xisbiga Kulmiye isagu waxa uu markaan aaminsan yahay in ay haystaan taageerada ugu badan ee Somaliland, istaraatiijyada Xisbigan ayaa ah in ay awood saaraan sidii ay ku heli lahaayeen codad badan oo ka yimaada Gobolka Awdal, sidoo kale waxa ay meel dhigteen in ay kaalinta kowaad ku soo baxayaan Gobolada Togdheer iyo Gebiley, waxaana xisbiga Kulmiye u arkaa halka lagu kala baxaayo “battleground” in ay tahay Hargeysa, halkaas oo ay xoog badan saareen.

Xisbiga UCID qudhiisu ma yara dabka uu shidaayo, waxaana isugu tegey ololaha aqoonyahan badan oo xisbigaas ka mid ah kuwaas oo badankood qurbaha ka tegay laakiin, waxa ay riixayaan gaari aan taayiro lahayn Faysal Cali Waraabe waxa uu dubra ku bilaabey ololihiisa doorashada nidaamka giraanta wareegta maalinba khudbad cayn ah ayuu jeediyaa isaga oo ku bilaabey in uu Shareecada Islaamka dalka ku xukumaayo, isaga oo aan kursiga ku fariisan ayuu durba fariimihii uu diri jirey u direy Itoobiya iyo Jabuuti.

Xisbiga UCID waxa uu caqabad ku yahay guusha Kulmiye, sida ay aaminsan yahay dadka qaarkiis, deegaanada uu ka soo jeedo Faysal ama beeshiisu waa u caddahay in aanu guul ka gaari karin doorashada, haddii uu isku deyi lahaa in uu Kulmiye talada kula midoobo isla markaana u soo jiido Kulmiye  guusha waxaa hor yaala eraygii taariikhda galay, waana ku adagtahay in Faysal jawaab u helo “Anoo Wax Dili Kara Duco Qaadan Maayo” .

Gobolada Sanaag, Sool iyo Cayn

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa ka dhexeeya muran weyn oo ku aadan halka uu yahay xuduudka Somaliland, maamulka Somaliland waxa ay sheegaan in xuduudkoodu yahay kii uu ka tagay gumeystihii Ingriiska ee dalka Soomaaliya soo gaarey dhamaadkii qarnigii 19aad ama wixii ka danbeeyey 1884-tii, inkasta oo dalka iyo dadkuba jireen gumeystihii  Ingriiska ka hor, laakiin dooda xuduudu waa mid dheer oo iska leh mawduuceeda gaarka ah.

Inta badan dadka degan gobolada Sanaag qaybta beelaha Hartigu dego, Sool iyo Cayn ma aaminsana in dalka Soomaaliya la kalo jaro, waxaana ay arkaan in qarnigan manta ah oo cid cid gumeysan kartaa aysan jirin aan lagu maamuli karin dhulkooda, inkasta oo ay jiraan dad u dhashey goboladaas oo aaminsan nidaamka gooni isu taaga Somaliland.

Doorashadii hore ee sanadkii 2003, waxaa maamulka Somaliland isku dayey in ay doorashada ka hirgeliyaan qaybo ka mid ah Sanaag qaybta Puntland ka tirsan, iyo Sool, inkasta oo meelaha qaar la sheego in xaafado ka mid ah ay wax ka dhaceen, ayeysan muuqan sanadkan in ay goobaahaas geeynayaan sanaadiiqda codadka, marka laga reebo  qaybo ka mid ah magaalada Laascaanood. Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo doorkaan u safan Somaliland ayaa sheegay in aan Sool wax diiwan gelin ah laga hirgelin aysan suurto gal ahayn in wax doorasho ah ka dhacdo.

Sidoo kale doorashada ayaa ku soo aadeysa iyada u oo ay gudaha gobolka Sool iyo Cayn ay ku sugan yihiin urur cusub oo hubeysan kaas oo lagu magacaabo SSC, waxaana ay ka soo horjeedaan Somaliland iyo Puntland labadaba, waana dadkii iska lahaa dhulka la isku haysto, taas oo fariin cusub u direysa beesha caalamka, urukan ayaa maalmihii la soo dhaafey dagaalo kula galay Ciidamada Somaliland meelo ka mid ah gobolka Cayn.

Natiijada Doorashada

Natiijada doorashada waxaa loo qaybin karaa dhawr weji mid waa cidda guushu raaceyso iyo cidda guuldaradu raacayso, sidoo kale waxaa natiijada doorashada soo gelaaya mustaqbalka Somaliland iyo aragtida beesha caalamka.

Ma ahan doorasho la saadaalin karo cidda guushu raaceyso, Daahir Rayaale ma ahan ninkii hore ee 2003-dii, intii waa ka khibrad badan yahay, waa ka dhaqaale badan yahay reerkasta waxa uu u sameeyey Gobol gaar ah iyo horjoogayaal ama suldaano, inkasta oo ay caqabad ku tahay in uu kursiga fadhiyey waqti ku filan oo gaaraya 8 sano.

Kulmiye dulqaadkii waa ku yaraadey waxaa xubno waaweyn ka ah rag aan aqoon badan lahayn, inkasta oo ay ku jiraan Rag Siilaanyo oo kale ah aqoontooduna sareyso, qaar kamid ah abaanduulayaasha Kulmiye waxay  ku goodiyaan in ay kaadidooda u soo cabeen Somaliland, Rayaalena maxkmad soo taagayaanba haddii guushu raacdo, waxaana xisbigu aaminsan yahay in markaan waqtigu la jiro.

Haddii ay noqoto natiijo aad isugu dhaw taas oo la mid ah sanadkii 2003, oo lagu kala baxo codad aad u yar, doorashadu waxa ay noqon kartaa mid khal-khal aad u weyn gelisa Somaliland cirkana u laasha nabadii iyo xasiloonidii halkaas ka jirtey, waxaana adag in ay arinta afqabtaan Golaha Guurtida oo markaan ah kuwo aad u kala qaybsan kalana aragti duwan.

Haddii doorashadu ku dhacdo si nabadgelyo ah isla markaana xisbiyadu u hoggaansamaan natiijada ka soo baxda, waxa ay sumcad iyo amaan balaaran u soo jiideysaa Somaliland, taasi ma horsedeyso in ay helaan ictiraafka ay muddada dheer raadinayeen, laakiin waxa beesha caalamku tixgelin gaar ah, iyo kaalmo dhaqaale, sidoo kale waxaa gacan laga siin doonaa dhisida kaabayaasha dhaqaale sida jidadka dekadaha iyo wax soosaarka kale.

Natiijada doorashada oo hagaagta waxay baaq u direysa dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobaladii kale ee dalka, baaqaas oo ah codka shacabku tixgelin ayuu mudan yahay maamul xoog lagu qabsado iyo mid dad gaar ah soo xuleen meel ma gaarayo mana ahan mid boos kuleh qarniga 21aad,  Dhanka kale waxa ay baaq u tahay shacabka Somaliland qudhooda in ay tixgeliyaan dadka kale doonistooda sida ay iyaguba aayahooda uga tashanayaan in ay u tixgeliyaan in shacabka SSC aayahooda uga tashadaan.

Ugu danbeyntii waxaa is weydiin mudan fariinta doorashada Somaliland u direyso Puntland oo 66 Xildhibaan ay yihiin kuwa iska leh go’aanka  cidda dalka xukumeysa kuwaas oo aan qarin in ay ka faa’iidaan xiliyada doorashada.

I.Haji Said
Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »

Comments

  1. Somalilander says

    Finally I believe Somaliland should never take its ballot boxes to Eastern Sanag and Sool because its not good for Somaliland to bring them out off the darkness. Personally I dont want east sanag and Sool to be part of Somaliland because we dont need them and they are way behind. The little Gabiley town has more schools and universities than the entire Sool and Eastern Sanag, because of that we should not introduce democracy to them. Let them stay reer garado (under elders).

    Please do not waste our money on them.

  2. Somalilander says

    Assalamu aleykum.

    Horta mid ba idin shegaya. When you do things right and make progress even your enemies can not avoid the truth nor mislead about the reality, markas hadi HorseedMedia faaladan qoren maha waxay donayeen ee ruunta jirta bay arken. They didnt create things from thin air – its the reality.

    markas hadi Puntland hormar gadhan xata ka ugu neceb ba ku qasban inu hormarka fican wax fican ka sheego.

    Markas anigu Somaliland ahan I dont have to thank Horseed wa waxan ka shaqeysanay mahada waxa leh Ilahay iyo wax garadka Somaliland.

    Hawshu way si socon ila reer Galbedka la dhafo.

  3. Ahmed says

    Salaama Calaykum Dhamaan!!

    Waa Markii iigu horaysay ee aan daalacdo Shabakadan HorseedMedia, Qoraalka aqoonta ku dhisani isagaa ku soo raadsada, waa tafatiran yahay ilaa xad.. waxaan maalin dhowayd baranayay sida doodaha loo qaabeeyo runtii waa wax cilmi u baahan, waxaa ka reeban laablakac iyo caadifad… dadka Af-somaliga ku hadlaa hadii ay heli lahaayeen 10 Shabakadood oo Noocana waxbay kala faa’iidi lahayd.. inta ay hada isu jirtona waaba isaga soo dhowaan lahayd “aan wada hadalno waa aan heshiino” .
    Waxa kale oo aad ii soo jiitay sida qormadani Madax iyo minjo u kala tahay,sida waxyaabo badan oo qiraal ahi ugu iftiinsan yihiin.

  4. Bulo says

    Aniga hadaan Maskaxdayda yar la Kaashado Xisbiyada u Tartamaya Talada Dawlada Deriska nala ah ee Aan Citiraafka haysan.Xisbiga Qaab Siyasadeed Ugu Soo Dhoow waa Odaga Hada Talada haya Xibigiisa Mudane Riyaale.Kuwa Kulmiye la dhaho Shaqadooda waa Dhiigdata iyo Rabsho Asluub Siyasadeed malaha.Qolada UCID la yiraahdo Xataa 10 neef oo Xoolo ah Masuul Ugama dhigeen lakiin mar mar bay Dadka ka Qosliyaan.

  5. says

    Anigoo ah wiil kasoo jeeda Sanaag gaar ahaan ceerigaabo H/Y waxaan odhan lahaa Horseedmedia waxaan ka akhriyey waligey kama akhrin faallo la mid ah waxaan mudo sadex sanoba akhrin jiray Hadhwanaagnews mana arkin sidaad wax u qorteen cid wax u qortay, markaa waad ku mahadsantihiin SSC waxaan leenahay Jabhad ma wanaagsana iyo dagal waqtigan hadda la joogo,xamar ayaa xabad horumar ku gaadhi lahayde war dadkiina wax la qabsada oo boorama iyo berbera wax la qabsada. hadaynu laba dowladoodna noqonana sida khaliijkoo kale ayaan u noqonayna wadamo dhisan oo awood leh.

  6. says

    Adeer, yaa kugu yidhi faysal ayaa yidhi anoo wax dili kara duco qaadan maayo…..dib ugu noqo wax badan ayaa faaladaada ka khaldan. Ninka eraygan yidhi isaga maaha xaaji.that is completely wrong.

    • Abshir Said says

      Hiiraan si fiican u akhri Faallada, mise waxaad rabtaa hadalka in laguu saafo, Faysal ma oran oraahda, waana la yaqaan qofkii yiri, goobta uu ka yiri, iyo waqtiga uu yiri waa wax laga heshiiyey laakiin erayga ayaa noqdey mid aan harin, bal mar labaad si degan u akhri, laakiin waan kugu raacsanahay Faysal maaha ninka yiri waagaasna Finland magaalo ku taala oo Espo la yiraahdo ayuuba joogey.

  7. saalax saaxiib says

    aaad ayaan usoo dhawaynayaa ninkan puntlander ka ah ee leh fikrada xorta ah. waxaanuu dareensan yay dadka isku khasban ee waligood in ay walaaltinimo iyo soo isusoo dhawaansho kuwada noolaadaan ahy mudantay. walaal somaliland hada waxay noqotay sida cadceeda oo kale wax ladafiri karona way kawayntay.ee in aad somaliland aqoonsataan ayaa mihiima siday idinkaba ay idiinku aqoonsanyiin waxa aad sheegateen ee ah dawlad goboleedka puntland. in kastoo dhaliilo uu walaal kay qoraal kiisa ku sheegay hadana aad ayuu isu ilaaliyay dhaliilahana waanu sixi doonaa hadii kala dawlad lanoqdana la kala tagi maayo oo sida reer europe isuga kala socdaanbaynu

  8. says

    asc
    waxaa yaableh raga ku ammaanaya Somaliland Dimoqraadiyad haday xisbiyadu waa qabaail waxay ku shaqaynayaana waa dhaqankii waagii Somaalidu Geelala kala qaadi jirtay waana Gobolka Soomaali qabyaaladda, Qaadka, xishood darida Somaaliya keenay waxay u leeyihiin waan go’anaana waa reerka gobolka dadka daga ugu badan oo raba inuu majority noqdo oo kaliya Riyaalana iyo reer Owdal waa lahaystayaa ee Go’id marabaan SSC lama jajuubi karo waayo waxay salka ku hayaan hogaankii iyo cududdii iyo garashadii Soomaaliyeed.

  9. Amiir says

    Waa article si cajiiba oo cilmiyeysan loo dhigay..Weli kuma arag article la mid ah oo sidaa u misaaman web site yada s/land..Horseet Media walee waa duushay!!! Thank you so much and keep up the good work.

    • muuna xasan Jamac says

      walaal malaha waxaad kala garan wayday somaliyadda dagaaladuu ka socdaan & Somalilan ee somaliland waa dal jiraa oo maddax banaan jirina doona ee ha is wareerin somaliland way tashatay hurdaayo lagu dhaaf horu marbaan gaadhnay haddad ka xuntahay qabiil qabiilkiina laga bax haddaad ka xuntahay

  10. says

    asc wr wb waa faallo aad u fiican waana ku mahadsan tihiin bahda horseed oo ey ila muuqato dad aqoon leh iney qoraan waxa ka socdo gobolada waqooyi ama saland waa wax lagu daydo maasha allaah ilaahey ha u hirgaliyo doorashada iyo nabadgalyo iney ku dhacdo anigu ma ogoli in soomaaliya lakala gooyo balse in goboladu is maamulaan oo doorasho ey ka dhacdo waa wax lagu daydo waana ku amaanan yihiin gobolada waqooyi ama sland.

  11. says

    Salamau calukum, waxaan halkan hambalyo uga dirayaa warbahinta horseed sida dhexdhexaadnimada leh ay u soo diyaariyeen unguna soo bandhigeen akhristayaashood warbixintan wax tarka leh ama aan odhan karo waa cashar bilaasha oo cid kastoo soomaliyeed ka faa’iidaysan karto.
    “HORSEED MEDIA WELIGAAN HA NOQON WABAAHIN XAAFADEED AMA JILIB AMA DEGAAN EE NOQO MID QARAN AMA CAALAMIYAA” OO CIDKASTOO SOO BOQOTAA AY KA DHEX HESHO WAXAY XIISAYSO. WAXAANA TUSALAAE KUUGU FILAN WARBAAHINATA “HUUTUUGA” EE UUN KA SHAQEYSA COLAADA IYO ISKU DIRKA DADKA SOMALIYEED. SIDA QARANNEWS.COM,WIDHWIDH,WAAGACUSUB,BOOCAME,JIDBAALE IYO HARAWO ONLINE.
    WABILAAHI TOFIIQ.

  12. Wiil Sanaag says

    Waxaan u dhashay Gobolka Sanaag beesha Warsangeli waxaan u arkaa hada weligayna u arkayey inay Somaliland 100% dhaanto kana horumar wacantahay Maamulka Puntland waxaana muuqata in Somaliland ay rumoobayso Rajadeedi ayna heli doonto hadii ay xataa ku guuldaraysato Ictiraafka dhaqaale & Kaalmo calaami ah & weliba samcad wanagasan .

    Anigu ma qabo in SOmali la kala gooyey qadiyad ahaana waxaan taageersanahay Puntland & Dowlad Federaali ah hadiise ay Somaliland ay ka noqon lahayd goosashada iyada ayaan la safan lahaa.

    Codsi waxaan ka codsanaya somaliland inay dib u eegto mabaadiidee ayna kala goyana qaranka Somaliya anagu Sanaag wa PUNTLAND

  13. XASAN says

    waligeey ma arag website somaliland ah oo wax ka qora ama aqoonsan puntland. Horta waxaa wax kasta ugu xun qof aan Somali ah haddana Somaliyada koonfurta iyo puntland u arko meel balo ujoogto ah. Waxaad gashaa website somaliland oo links fiiri maka helaysaa horsedmedia, ama allpuntland, raxanreeb.com, iwm maya mawa ku aqoonsana mana ku rabaan ineey dadkooda arkaan fikradaha aad qoraysi, waar dadkan shacabka ka dhaadhiciyey waxaan jirin propoganda. War dhulkeena ha noo dhaafaan

  14. says

    Waa dersi ama cashar wax-tar leh oo HM ay soo koobtay. Wuxu mudan yahay in wax laga barto laguna waayo arko.

    Waddaas dheer oo Somaliland martay ayeynu haynaa. Waxaanse ka cabsi qabaa innaga, reer Puntland, in ay innagu dheeraato! Ileeyn haddii aan loo qumin oo lagu taamin iska imanmeyso oo siyaasdda waa la qaabayaaye iyadu isma qaabayso…!

    Ali

  15. says

    ASC ama puntland ta ad magesan ka hor marsantahay why pl Madaxweyni 3 beey mareysa tan iyo marki la asseey mid castna daad waxgaraku u xulen xildhibano baa so dorta dhib iyo jaqjaqna ka dhac lakiin somaliland tan iyo in ti la asasey wax dorasha kama dhicin madax weyni u horeyaay ti allah uti kana 3 sana labaryayey oo laga wayeey in dorsho dhacdo malinba malin ku amahaney hadana isgi un baa so noqonaya waa iska dholatus
    puntland adunka horey umarey beeyla hesta dorsho nabda na kadhacda
    marka kudayo pl kuda pl baan leyahay not kudayo solailand

  16. Cali axmed Cali says

    Waleee reer aan ogahay ma guuuro, haduu guuurana ma dago………..puntland waxa isku bahaystay jeeblayal dhiiig miiirato ah shacabkana usoo shaqa tagay,,, waxayna badankoodu soo kordhiyaan in markasta ay dhacdo arimo horleh oo aan horay lo aqoo..maamuladii puntladn so maray midkasta wuxu keeney astaan ceeb ku ah ummadda reer puntland……….waxanse leeyahay ku dayda maaamulka idinla dariska ah kagana dayda horumarka iyo democracyga usuura gashay e ay garen.. guul ban idin rajeyn!!!

  17. says

    marka hore asc waa faalo aad u waangsan anoo ka soo jeeda s.land gaar ahaan G.AWDAL waxaan filayaa in doorashadu sidii hore la iskaga sii dhawaani doono waayo kulmiye wacdaro yar ma shidayo oo ilaa AWDAL lee cod ka haystaa UDUBna waa dawaldii oodhan hadaan faalo kabixiyo gobalada lagu kala awood badanyahay UDUB: AWDAL, SAAXIL,SANAAG, LAASCANOOD, OODWAYNE
    KULMIYA:TOGDHEER, HARGAYSA, GABILAY, CAYNABO, SAYLAC.
    UCID riyo lee ku jiraa waxaan filayaa hargaysa meel aan hayn cod muuqda kama helayo
    Khayr lee inay ku dhamaato lee rajaynayaa ninka duco qaadani maayo yidhina waa MUUSE BIIXI CABDI oo ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga kulmiye mahadsani

  18. kaynaan says

    Faraqa anaga iyo Reer Waqooye noo dhexeeya waxaa weeye anugu waxaan awoodnaa in aan qirno ama sheegno waxa Walaalkaa Soomaaliyeed kaaga fiican yahay laakiin Nin S/land ah waligi oran mayo waxaas baa Reer P/land nooga fiican yihiin taas laftigeeda baa ah Gobanimo laysdheer yahay Ilaahay doorashadooda midnajaxda ha ka dhigo iyo mid ku dayasha leh,waana ku farxaynaa horumarkooda waayo waa Dad Soomaaliyeed Siyaasadu waa meesheeda.

  19. says

    puntland waxay ahayd dad is jecel faroole hortiis walahi aniga waxaa qaba in faroole soo kordhiyey keliya in dadkii is naco iy0 qabyaalad qarmoon hadda ma arkaysid reer punland is jecel illaa sanadkii tegey aniga waxa leyahay farole is casil nin fiican oo dadka isku wada ayaa dooranaynaa

  20. says

    Walahi faladan inan akhriyo wanka xumahay maxa yelay ma ku farxayo waxa laga so shegayo waqoyi galbed run ahanti ma jecli dadkas ani horumarkoduna wa dhibatadayda muqdishow inay ka darnatan jecla coz wa dad srael jecel o dhahayo dadkas ayan ka so jedna

  21. says

    waxaan layaa baa dad ka waxaa cajabiyay qayrkood reer puntlandnoow maamulkiina iyo nabadiinu hadiimuuqato
    dadku waxooda wax u ah
    puntland waxay kafiican tahay dalal badan oo afrikaana oo aan arkay ilaa iyo dhowr iyo taban dal ayaan arkay oo badankoodu puntland

  22. mohamed says

    ku dayasho wacan, iyo astaan maamul wanaag, waxaan oranayaa maamulka Puntland wuxuu leeyahay wasiiru dawlaha maamul wanaaga, marka tani waxay cashar u tahay wasiirka iyadoo siinaysa curriculum uu u raaci lahaa shaqadaa loo doortay.
    lakinse nasiib xumo tani ilamaha mid ka suurtagalaysa Puntland waayo Puntland waxay hoy u noqotay dad iyagu isdaawada ee aan daawan dunida kale waxa ka dhacaya.
    hadana ilaahay waa caadil waxaan ka baryayaa in uu ka yeelo dad iyo dal wada jaanqada.
    sidoo kale ilaahay waxaan somalia uga baryayaa in uu ka yeelo FROM THE HOME OF CONFLICT TO HOME OF PEACE AND PLENTY.

  23. says

    Puntlanda waxan leeyahay sameeya habka asxaabta. sababtoo ah haddii taladiinu gasho 77ka oday ee qabiilka ku yimi ee baarlamaanka fadhiya waaxay idinka geleysaa talladu meelo khaldan iyo musuq maasuq sababtoo ah ninka Puntland ugu lacagta badan ayaa iibsan karaya codkiina waxaana uu laaluushaya odayaashaas,meeshana waxaa ka dhalanaysa dowlad ay shuraako ku yihiin 77ka oday iyo madaxweynuhu.taasna waxaad uga bixi kartaan habka asxaabta. sababtoo ah in la laaluusho 77ka oday way ka fududahay in la laaluusho dalka oo dhan. SSC waxaan leeyahay xaglatoosiye yaanu been idiin sheegin haduu puntland kusoobixi laha waad nici lahaydeen.

  24. says

    Waad ku mahadsantihiin horseed faalladiina. Aniga oo kasoo jeeda Somaliland gaar ahaan gobolka sanaag magaaladiisa Ceerigaabo waxay ila tahay in shacabku dib u doortaan UDUB waxaana u arkaa in Riyaale yahay qofka kaliya ee maamuli kara beelaha dhexe iyo kuwa geesahaba. tan labaadna Kulmiye waa sidaad sheegtaye ma nin aqoon darro ah ayaa loo codaynayaa oo ku beerlaxowsanaya somaliland kaadidaydaan usoo cabay waxaasi waa casri jaahili. midse sameeya fadlan faalladaan udira websityada somaliland sida Hadhwanaagnews,ramaasnews iyo gebileynews iyo boramanews si ay shacabka somaliland u akhristaan una arkaan fikradaada iyo faaladaada.

  25. mulki says

    maamulka waqooyi galbeed ee somaliya waxaa ku jira rag qurbaha ka qaatay naqshada dooroshoyinka reer puntland wa ku jiraan rag aqoon leh ee waxaa aad u wanaagsan in laga gudbo qaabka qabiilka oo loo gudbo xisbiyada umase maleynayo waqtigaan weriyihii wax ka sheega xukuumada la jir dilayo ama la xirayo in xisbi mucaarad ah loo dulqadanayo . xisbiyada waqooyi wax kasta waa isku shegeen wax ay isula hareen ma jirto dagal gacan ka hadal ah xataa waa dhacay hadana wax ka bur buray maamulkoda ma jiraan inaga waxan belo ku dhignay hadii wax la sheego qabiil hebel oo cidan wata inay dagaal diyaar u yihin.kulmiyena wuxuu hamunqaba madexwyne mr i dhaha

  26. Saleebaan Axmed says

    Salaam Dhamaan, Waa Faallo wanaagsan, waxaana qabaa in dadka Soomaaliyeed in ay ka faaideystaan doorashada Somaliland iyo qaabka ay horumarka ku gaareen, waxaa runtii aan faaladan ka halay taariikh aan horey u hayn, suaal ayaan qabaa yaa yiri Anoo wa dili kara duco qaadan maayo?

  27. Shimbiraale says

    Waa warbixin sax ah oo toosan.Kulmiye aanu fiirino iney guushu raacdo iyo hadeysan raacin waxey ka sameyn doonaan.

    Rayaale wuu kusoo hungoobey Ceerigaabo.

    Somaliland kama maaranto sanaag iyo sool. USP iyo taariikhdiisii bal dib u eega …!

    Togdheyr, Awdal iyo W/galbeyd ineysan ku filneyn somaliland maamulkeyda ayaad soo bandhigtey.

  28. Khadar m.s says

    Wa mahadsantihin horsedmedai qabka ad u diyarisan faloyinka . Dorshada goblad woqeyi e somaliya ama sland wa mid u bahan in lagu daydo hormarka ay garen somlilnd waxan leyahay somalida halagu daydo goblad woqye e somaliya ama s.lnd qofba sidu u yaqan wa ku amanan yihin hormarka e garen