Faallo: Xaaladda Gobolka Cayn; Jawaabta Xukuumadda, Maqnaanshaha Baarlamaanka iyo Doorka SSC

Todobaadyadii la soo dhaafey waxaa ka taagnaa deegaanada Gobolka Cayn ee Puntland xaalad cakiran, kadib markii ciidamada Itoobiya ay u soo talaabeen xadka Soomaaliya, sidoo kale ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland ayaa isla maalintaas isku dayey in ay qabsadaan degamada Widh-widh oo 70km u jirta xarunta Gobolka Cayn.

Taariikhdu markey ahayd 15.May 2010 ayaa warbaahinta Horseed Media ogaatey in ciidamo Itoobiyaan ah ay soo dhaafeen halkii xuduuda u ahayd, isla markaana ay qabsadeen gawaari laga lee yahay deegaanka Buuhoodle, waxaan arintaas waraysi ka siiyey Horseed Media guddoomiyihii Buuhoolde rabbi ha u naxariistee Xuseen Ducaale oo isagu waraysiga kadib si kedis ah u dhintey 4 maalmood kadib, marka uu waraysiga bixiyey, kadib waxa Horseed Media la xiriirtey wasiiro kamid ah Puntland waxa ay sheegeen in warkaasi aanu waxba ka jirin isla markaana shirkii dhacay 17.May 2010 ee golaha xukuumadda aan lagu soo qaadin.

Dagaalka Buuhoodle ayaa dhacay 21.May 2010, waxaana isaga horyimid shacabka Buuhoodle iyo ciidamadii Itoobiyaanka ee xayiraada dhaqdhaqaaq ku soo rogey Buuhoodle, dagaalkaas waxaa shacabka Buuhoodle uga dhintey 13 qof, waxaana ku dhaawacmey dad gaaray 30 qof , sidoo kale isla maalintaas ciidamada Somaliland waxa ay u soo dhaqaaqeen dhanka Widhwidh, waxaana dagaal kala hortegey xoogag taabacsan hoggaanka SSC, dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay shacab ku xasuuqeen halka loo yaqaan Balihadhac, guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Puntland Xaaji Xuseen Yaasiin ayaa Horseed Media u sheegay in Widh-widh ay haystaan Somaliland halka xoogaga SSC ay ku hareeraysan yihiin waxaana wararka u  danbeeyey sheegayaan in culimaa’udiin is xilqaamey ay wadaan waanwaan ah in ciidanka Somaliland dib uga baxo gobolka Cayn si loo baajiyo dagaal kale oo halkaas ka dhaca.

Xukuumadda Puntland ayaa xiisadda ka taagan Cayn ku koobtey waraysiyaal ay bixiyeen qaar ka mid ah wasiiarada Puntland, kuwaas oo arinta ku koobey in ay tacsi diraan iyo baaqyo labada dhinac ku aadan iyo in qaar kamid ah masuuliyiinta ka soo jeeda Cayn loo diro gobolka Cayn kuwaas oo wadahadal aan miro dhalin la yeeshay ciidamada Itoobiya.

Madaxweynaha Puntland

Markii  uu dhacay dagaalka gobolka Cayn, Madaxweynaha Puntland waxa uu ku jirey safar, maalinta uu bilowdey shirkii Istanbul ee 21 May 2010 ayey hayad markii ciidamada Itoobiyaanku ay dileen 13 qof oo reer Buuhoodle ah isla markaana dhaawaceen dad gaaraya 30 qof, Madaxweynuhu waxa uu fursad u heley waraysi BBC-du la yeelatay 24 May 2010, laakiin kama faa’ideysan fursadaas  wax tacsi ah hawada uma marin shacabkii halkaas ku dhintey, mana soo qaadin arinta Cayn.

Madaxweyne Dr.Faroole ayaan lahayn qorshe cad oo ku aadan Gobolada Sool iyo Cayn, marka laga reebo maalintii uu doorashada gelaayey ee uu sameeyey balan qaadka ah in uu soo celinaayo dhulka maqan, waxaana la isweydiinayaa aamusnaanta dheer iyo qorshe la’aanta ku aadan goboladaas sida ay dhaawac u gaarsiin karto midnimadii Puntland..

Madaxweyne ku xigeenka

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire waa nin khibrad u leh arimaha ciidanka, waxa uu ka soo qabtey xilal badan Puntland, magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxa ay faraha Puntland ka baxdey mudadii uu ahaa Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, kadib markii ciidamo malayshiyo beeleed ah oo ka soo jeeda deeganaada Sool oo gacansaar la leh Somaliland kuwaas oo fadhiyey togga Waqi-dari ee duleedka Laascaanood ay gudaha magaalada u soo galeen xabadna ka bilaabeen, taas oo ay ku dhiiradeen ciidmada Somaliland ee fadhiyey Adhi-cadeeye in ay weerar ku soo qaadeen ciidamadii horfadhiyey, kadibna ay toos ula wareegaan Laascaanood.

Gen.Cabdisamad Cali Shire waxaa aad loogu rajo weynaa in haddii uu qabto jagada labaad ee Puntland isla markaana uu talo weyn ku yeeshay maamulka in uu wax badan ka qabanaayo xaaladda gobolada Sool iyo Cayn, laakiin taasi may dhicin, doorashadii Madaxweynaha ee Puntland kadib ciidamo badan ayaa ku sugnaa Tukaraq kuwaas oo Puntland ka amarqaata, ma dhicin in madaxda sare booqdaan isla markaana soo dersaan xaaladooda dhabta ah, taas oo ciidamada dhiiri gelin u ah.

Awoodaha Madaxeyne ku xigeenka waxaa kamid ah in uu isagu Madaxweyne ka yahay dalka inta Madaxweynuhu maqan yahay, laakiin waxa maanta ka socda Gobolka Cayn, Madaxweyne ku xigeenku war  rasmi ah kama soo saarin isaga oo marar badan saxaafadda, ka soo muuqdey.

Qaar ka mid ah shacabka ayaa is weydiinaaya in Madaxweyne ku xigeenku ku mashquuley simaaro la furo iyo xaflado laga qaybgalo halka qaar ka mid ah dalkii dab ka baxaayo, weliba  shacabka qaarkiis ayaa tilmaamaya in Gen. Cabdisamad aanu ahayn ninkii wax loo tilmaami lahaa.

Qunsuliyadda Itoobiya

Dhegayso Khudbadda Cabdisamad ee ku aadan Itoobiya [powerpress]

Todobaadkan waxaa qunsuliyad ka furatey caasimadda Puntland dawladda Itoobiya, taas oo ka shaqeyn doonta xiriirka labada maamul, ganacsiga, amniga iyo arimaha socdaalka, Gen Cabdisamad Cali Shire ayaa halkaas ka jeediyey khudbad kooban oo lagu tarjumaayey af Amxaariga, waxaana dadka qaarkiis ku tilmaameen in ay ahayd khudbadii u xumeyd ee abid uu jeediyo nin masuul ah, isaga oo ilaaway qarniga iyo casriga la maraayo, iyo masuuliyadda uu hayo, isla markaana indhaha ka shareertey xaaladda taagan  waxa uu ku tilmaamey abaalka ay Soomaali u hayso Itoobiya in uu yahay mid xitaa caruurta Soomaaliyeed ku barbaarin doono, waxaana uu ku soo dhameeyey Itoobiya ha guulaysato, Malas Sanaawi ha jiroo ha joogo!, ma ahayn khudbad ka hadleysa xiriirka labada maamul arimaha ka dhexeeya ee loo baahan yahay in markasta la iska kaashado, sidoo kale waxanu kuba soo qaadin waxa maanta ka taagan Buuhoodle, iyo in shacabkii la khiyaameeyey kolkii ay hubkii ay ka qabsadeen Itoobiyaanka ay u gacan geliyeen odoyaasha dhaqanka taas oo heshiisku ahaa in loo sii daayo gawaarida laga xanibay, laakiin gawaaridii waxaa lageeyey Gaashaamo oo ka tirsan maamulka Itoobiya, iyada oo la sheegay in ganaax iyo canshuur gawaaridaas laga qaadayo taas oo aan la garanayn halka ay salka ku hayso.

Maamulka Puntland waxa loo doortey in uu shacabka u adeego, waxaa loo doortey in uu dalka ka difaaco cidkasta oo ku soo xadgudubta, hadaba shacabka Cayn miyaanu Puntland ahayn, haddii jawaabtu tahay maya,  hala caddeeyo hana laga waantoobo in la sheegto, shacabka Buuhoodle oo  u fadhiya axankii dadkii ka dhintey ma dawbaa in Madaxweyne kuxigeenku yiraahdo, Abaalka Itoobiya ma gudi karno caruurteena ayaana uga sheekeyn doonaa oo ku barbaarineynaa? iyo hadalo ka daran.

Mise xaalku waa: Wanka macasha ii qabo; Adigu gawrac ii mari; Dhiiggana aan muudsado

Inkasta oo siyaasiyiinta Gobolada SSC timahoodu hal dhan aanu u wada xiirmin, midkastaana maalin shacabka maqashiiyo xaajo uu dan ku wato, Sida Xaabsade oo maalin ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, Waxa uu ka mid ahaa ragii asaasey Puntland isaga oo 9 sano ahaa Wasiir aan dhicin oo Puntland ka tirsan, halka maanta haddana uu shacabka maqashiinaayo “….weligey sidaan u qosley markaan Hargeysa ku noqdey uma qoslin intii aan Garoowe joogey…”, laakiin waxaa marag ma doonto ah in shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn ay yihiin kuwa hortaagan in Somaliya laba loo kala jaro, xornimada iyo midnimada Soomaaliyana kaga jira baal dahab.

Shacabka SSC ayaa u muuqda kuwo siyaasiyiinta u dhalatay ay lugooyeen maamulka Puntland oo ay wax ka dhiseen kuna qanacsanaayeen malahan wax qorshe ah oo ku aadan goboladaas, magaalada Laascaanood waxaa la qabsadey saddex sano ka hor,  waxaana maamulku ku doodi jirey maamulkii hore ayaa laga qabsadey, 22 May waxaa maamulka Somaliland qabsadey magaalada Widhwidh (sida uu xaqiijiyey guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka Puntland), mana jirto cid ka hadashey arintaas isla markaana u diyaar ah in dhulka inta dhiman ay wax ka difaacaan.

Baarlamaanka Puntland oo fasax dheer ku maqan

Marka aad maqasho Baarlamaan qof walba waxaa maskaxdiisa kusoo dhaceysa Gole ay ku dhan yihiin wakiiladii Shacabka matalayey, kuwaasi oo hawshoodu tahay inay danta shacabka ka shaqeeyaan, sharciyada dajiyaan, isla markaana la xisaabtamaan Xukuumada.

Hase yeeshee Baarlamaanka Puntland ayaa maanta ah mid aan lagu tilmaami karin Baarlamaan u shaqeenaya shacabka, waxaa isweydiin muddan xili uu dalka xaalad adag iyo dagaalo ku jiro, isla markaana qeybo kamid ah dhulka Puntland ay sheegato, ay dagaalo dad ku dhinteen ka dhaceen, ayaan hadana waxaan jirin hal kalfadhi oo uu Baarlamaanka ka yeeshay marxaladahan dalka ka jira.

Xataa Baarlamaanka haduu fasax ku maqan yahay waxaa khasab ah inuu kulamo deg deg ah isugu yimaado xiligii loo baahdo si marxalada dalka ka jirta lagala xisaabtamo su’aalona looga weydiiyo Wasiirada iyo Xukuumada dalka maamusha.

Golaha wakiilada wuxuu gabay hawshisii ahayd la xisaabtanka Xukuumada iyo ka shaqeynta arrimaha Bulshada taabanaya, wuxuuna goluhu u muuqda mid fasax dheer ku jira isla markaana aan weli dareensaneyn hawsha sugeysa iyo marxalada dalka ku jiro.

Baarlamaanka Puntland hawshiisu ma Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka bay ku koobantahay iyo Ansixinta Dastuurkii qabyada ah? Mise waa mid shaqeeya oo xisaabtama?

Goormuu baarlamaanka kala xisaabtami doonaa xukuumada;  arrimaha dhulka Puntland ee maqan? Xaalada dhaqaale iyo Amni ee uu dalka ku jiro? Waxqabadka Wasaaradaha? Dhameystirka hawlaha dimuquraadiyeynta iyo nidaamka Xisbiyada? iwm

Baarlamaanka ka kooban 66-ka xildhibaan ee Beelaha Puntland soo magacaabeen, ma wuxuu raali ku yahay waxqabad la’aantan muuqata iyo inay xildhibaanadu hawshoodii ku koobnaato xarumaha lagu qaxweeyo iyo fadhi ku dirirka shacabka ku caweeyaan.

Mise Baarlamaanka wuxuu weli ku mashquulsan yahay mushaharaadka loo kordhiyey?

Hadii Baarlamaankii la xisaabtami lahaa Xukuumada uu hawshiisii kasoo bixi waayey, yaa la xisaabtamaya Baarlamaanka?, ma shacabka Puntland mise Issimadii soo magacaabay? Maxayse tahay kaalinta Issimadu ay ku leeyihiin wax ka qabashada marxaladaha dalka ka jira?

Waxaa hubaal ah in Xaalada ka jirta gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn ay tahay mid taabaneysa Puntland guud ahaan, xal u helideedana waa mid loo baahan yahay in si wadajir ah loo abaaro, ayadoo dhinac walba hawshiisa uu kasoo baxayo, Baarlamaankuna ogyahay xilka saaran, Xukuumadana ogtahay hawsha looga fadhiyo, shacabkuna taageeradiisana ay meesha ka muuqato.

Hadii aysan arrimahaasi suurto gal ahayn, ma garbaa in Puntland ay sheegato gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn ???

Hoggaanka SSC

Hoggaanka SSC ayaa lagu dhisey shir muddo ka socdey dalka Kenya, kaas oo loogu magacdaray Horseed, waxaana mirihii ka soo baxay loogu magacdaray Hogaanka mideynta Beelaha SSC

Hogaanka SSC ee lagu dhisey dalka Kenya, malahan qorshe cad  oo qeexaya damacooda ah in ay xoreeyaan gobolada SSC,  waxaa hogaanku sheegaa in ay yihiin Soomaali kana tirsan yihiin Dawladda Soomaaliya, taas waa inta Puntland sheegato isla markaana lagu dhisey maamulkii isir wadaaga ku dhisnaa ee Puntland in ay ka mid yihiin Dawlad Federaal ah, Hoggaanku waxa uu iska fogeeyaa in Puntland meel ka soo gasho maamulkooda, waxaana ay dan u arkeen in sidaasi ay tahay waxa ay ku midoobi karaan.

Hoggaankan ma ahan mid ay ku mideysan yihiin Isimada goboladaas, waxaa shirkii Horseed ee Kenya ka qaybgalay sadex isim oo keliya, Shirkii Buurowadal miraha ka soo baxay waxa uu noqdey guddiga khusuusiga ah oo keliya waxaana meesha ka baxay arintii ugu muhimsanayd ee ahayd, in ciidamada loo qaybsado si beelo ah cidwalbana wixii lagu qoray ay keento, waxaana taas baajiyey kadib markii inta badan Garaadadu ay heshiis la saxiixdeen maamulka Puntland heshiiskaas oo ay ku caddahay in Dawladdu ka musuul tahay xoreynta deegaanada maqan.

Isla shirkii Buurowadal waxaa ka baxay oo bayaan ka soo saarey Isimada Cayn ugu waaweyn sida Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe, iyo odoyaal miisaan culus ku leh gobolka Cayn.

Hogaanka SSC xiriirka ay la leeyihiin Itoobiya ma fiicna, waxaana loo tusiyey dad qaswadayaal ah, maamulka Puntland dhinac ma saari karaan oo waxaa ku jira kuwo xagjir ah oo aan magacaas maqli karin haddii kale looga baqaayo in ay meelo fogfog ka soo jeestaan, waxaana halku dhig u ah eray mideyn kara isla markaana ah “SSC waa tashatey cid ay sugeysaana ma jirto”, haddaba haddii aad jamhad tahay waxaad u baahan tahay meel aad dhabarka saarto, qaacido aad ka duusho waa in aad leedahay, waa in aad heshaa meel hubka iyo saanada aad soo marsan karto, dhaawacaaga aad geysan kartid isla markaana aad siyaasadahaaga ka wadan kartid laakiin waxaa isweydiin mudan qaabka hoggaanku doonaayo in uu wax ku xoreeyo?.

Shirkii Buurawadal oo socda ayaa Isimada Nugaal ee Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed waxa ay ku casumeen ragii hormuudka ka ahaa shirkii Holhol ee Somaliland joojisey in ay Garoowe gogol walaalnimo u yimaadaan, isimadu kuma casumin magac Puntland, laakiin qaar kamid ah warbaahinta carabka dalabta ah leh ayaa ku sheegtey in Faroole Isimo soo adeegsadey qorshaha Islaan Ciise iyo Suldaan Siciid ayaa ahaa in Garaadadu arintana aysan isku gooni yeelin ee haddii beel lagu wajahayo laga wadatashado, shirkaas waa ka cudur daarteen Garaadadii ay ku casumeen, weli la isma weydiin sababta Isimada dalabku ka yimid loogu gacansayrey? iyada oo maanta arintu ay marayso meel aysan shalay taagneyn, taas oo saamayn ku yeelan karta taageerada ay ka filan karaa SSC shacabka ku dhaqan gobolada kale ee Puntland.

Somaliland iyo damaceeda qaloocan

Somaliland inkastoo lagu amaano nabadgelyada iyo maamulka ay sameysteen hadana waxaa marnaba aan la qarin karin dhibaatooyinka siyaasadeed iyo amni ee uga imaan kara Somaliland damaca qaloocan ee ay awood militari u adeegsadaan deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Dadka ku abtirsa jabhadii SNM ee aasaaska u ahayd dhismaha Somaliland, ayaa siyaasadoodii ku wajahneyd ka go’itaanka dhulka Soomaaliya, waxay ku saleenayeen gooni isutaagooda dhibaatooyin beelahaasi ay u geysteen ciidamadii Dawladii Allaha u naxariisto Maxamed Siyaad Bare.

Ayadoo aan la inkiri karin dhibaatooyinkii ay ciidamadii dawladii hore ee Siyaad Bare u geysteen deegaanada waqooyi iyo dhulalkii kale ee jabhadaha ka dagaalameen, ayaa waxaa la isweydiinayaa ma dhici kartaa in shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn, ay aqbalaan wixii ay 30 sano kahor ay diideen Shacabka Hargeysa, Burco iyo Berbera oo ahayd in xoog lagu muquuniyo rabitaankooda?

Hadaba Somaliland oo ka awood yar dawladii militariga ahayd ee burburtay, waxay isku furtay mawjad siyaasadeed iyo colaad qoto dheer oo khal khal ku keeni kara nidaamka iyo nabadgelyada ay xiligan ku taamayaan shacabka reer Soomaaliland.

Waxaana ayaduna meesha ka baxday doodii ahayd Puntland baa Soomaaliland kusoo duushay, ayadoo ay xiligan ay muuqato in dagaalka u dhaxeeyo Somaliland iyo shacabkii SSC oo si cad uga soo horjeestay maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa. Waxaana adag dhiiga daadanaya ee gobalada SSC in wax ictiraaf ah ama guul siyaasadeed u keeno maamulka Somaliland.

Nabsigu waa wareegaa aduunkuna waa hadhka labadiisa gelin,  labadii shalay  xumaanta ku wada socotey ayaa berri nacab isu noqonaaya, Somaliland xiligan waxay ku jirtaa marxalad xasaasi ah iyo doorashooyin, mana cada waxa xigi doona doorashooyinkaasi, waxaase hubaal ah in danta Somaliland ay ku jirto inay illaaliso daris wanaaga iyo wada noolaashaha beelaha jaarka ah.

Xukuumadda Puntland waxaa la gudboon in xaaladda ay u aragto mid dhab ah oo khatar ah isla markaana ay ka baxdo riyada khiyaaliga ah ee ay dhexdabaalanayso

Xukuumaddu waxa ay ku faantaa mushaharka ayaan joogto u bixinaa, magaca Puntland waxaan gaarsiiney meel sare oo shirar caalami ah ayaan ka qaybgalnaa, dasstuurkii ayaan habayney,  waa arimo wanaagsan laakiin Shacabka wax weyn uma arkaan mushaharka aad naftiina siisaan iyo shaqaalaha xukuumadda taas oo ah lacagtii iyaga laga soo qaadey ee canshuurta ahayd ee shacabku waxa ay danaynayaan waa:

  1. Puntland oo hal miisaan la wada saaro
  2. Dalka oo la difaaco lana adkeeyo midnimadiisa
  3. Maamulka oo la baahiyo lagana dejiyo laamiga iyo wada dheer taas oo ah hubaal in aan maamulku baahin gaarina meelihii u baahnaa (Sida ku cad cilmibaarista la joojiyey)
  4. Sharciga oo lagu dhaqmo.
  5. Mashruucyadii socdey oo dhamaystirma.
  6. Mashruucyo cusub oo la keeno.
  7. Lana hirgeliyo qorshihii looga bixi lahaa baarlamaanka beeleysan.

Hussein Farah
Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »

Comments

  1. says

    Garta iyo Runta laba Nin kama wada Qosliso Runta Horseedmedia waan ugu mahad celinaynaa mida kale Madaxda yaysan Xumaan u qaadan ee waa isa saxid Mahadsanid.

  2. kaynaan says

    Well done Husein your article makes sense,and you raise real problems that puntland is facing now.

  3. Abrone says

    S.c. Salan dabadeed waa maqaal si fiican loso diyaariyey. Runtiina iftiiminaya xaqiiqo dhowr ah oo jira. Ha yeeshee Dadka commentska ka bixinaya qaarkood waxa moda inaysayn kala aqon PUNTLAND iyo maamulka Talada Puntland hada haya. PUNTLAND Waa Dhul Magaciis, waligiisna wajiraya insha allah. Balse Maamulkani hadii uu xunyahay iyo hadii kaleba Shalu yimi Berina wa tagaya sidi Kuwi ka horeyey. Lakiin waxa hubaal ah siday doonto haku timaadee inu Maamulkani Ka seexday Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn. Dadka goboladaasi waxa la gudboon Hadi ay u arkan inu maamulku ka seexday inay Dadwaynaha kale ee Reer Puntland Garab ka dhigtaan. Dadwaynahasna waa inay Hiil Iyo Hoba La garab istagan walahoda SSC…. Midnimada “PUNTLAND” waa Muqadas. Allahana Dhowro. Wabillahi Towfiiq.

  4. abdi says

    SCW maqaalka iyo afkaartaba waxaa ka cad waxtar yarida baarlamaanka iyo dowladaba,waxase taa ka daran in maamuladi kala dambeeyey ee puntland midba miday ka dambeysey ka sii liidatay.Villoyin qurba joogta iyo madaxdu dhisteen mooyee wax badan dhulkii lagama qaban,ganacsatadii dhiig miirad bey noqdeen aan wax gala mooyee wax soo celin,boosaaso biyaa dhex fadhiista dakhliga bil ka soo baxa dekedaa ku filan,ciidamadii waa qatan yihiin,waxa saa noo gelayaa waa dadkeenii,ma aha dad muqdisho fadhiya sidii waagii hore.Aduunka mediaha danta dadka iyo dalka u hadla oo u damqada,Horseedey bal horseed noqo oo na abaabul shacabkowna meel dheer waxkaeeg.

  5. dhuux says

    ascw. Ilaahow runta u hiili….

    Horseed Waligaa Ogow…..
    calayk ninka maqaalkan quruxda iyo xaqiiqda ku salaysan qoray. Ilaahay Puntland sharafteeda iyo midnimadeeda ha sugo.
    Waxaan aad iyo aad uga xumahay in dadka qaarkood ay difaacaan khaladaadka Puntland qaarkood oo cad.
    Waa aaminsanahay in aysan Puntland khalad ku lahayn la qabsigii Laascaano laakiin kan Widh Widh ma’aha mid laga gaabsan karo.
    Hadaba hadii Puntland dooneyso inay Garowe nabad ku joogto waa inay difaac iyo xuduudeeda ilaashataa.
    wabilaahi tawfiiq

  6. says

    shacabka SSC Way tashadeen dhulkoodana iyagaa soo ceshanaya maamulka puntland shirqoolka uu wado ha iska daayo oo uurabo inuu kuwiiqo quwada SSC,waxaa wax lagayaabaa in itoobiya intay buuhoodle dad ku xasuuqday inay maantana garoowe qunsul ku kusheeg kafurato waxaan lahadlayaa ,kuwa udhashay SSC EE KU jira puntland ee damiirku katagay inay sida ciidamada kasoo goosanayaa wax ugarteen inay wax ugartaan,faroolana burburinta midnimada puntland loogama danbeyn .

  7. Sakariye Isticmaar says

    Waa qormo xiisa badan kana turjumeysa xaqiiqda jira mahadsandin Horseedmedia waana maqaal ifinaya dal-dalool badan iyo qaldaad jira waa nasiib daro in Barlamaanka Puntland eysan la xisaabtameyn xukuumada waa nasiib-daro in Barlamaanka Puntland eysan ka qaadan mowqif arimaha Sool iyo Ceyn hadal badan haan ma buuxsho xukuumada waxaa looga fadhiyaa iney difaacdo shacabka iyo dhulka hadii eysan ku filneyn difaaca dalka ha iska casisho amase awooda ha ku wareejiso shacabka ka hor inta aan la qabsan dhulal ka badan kuwa hada la heysto.

  8. says

    asc waad mahadsan tihiin bahda horseed media hadaan fkirkayga cabiro maqabo puntland in ay dhaliil leedahay sababtoo ah nin isagu laba canlaynaya nina madi faacikaro oo gobonimo guno kudoorsaday murti baa ahayd gudun yahay hadaan barkaykugu jirin imaad gowseen macnaha sool salamiland mayqabsateen oke marka howda karantiyo hilaacda bari iskuma heshide mid un kuhagaag mid un kuhargal baymaraysaa amaana ala waad mahadantihiin

  9. abdi says

    hadi aad kamid tahay puntland uga danbe dowlada puntland lakin hadi aad jabhad tahay layirahdo ssc ama onlf ha dhihin puntland baan ahay ssdf , usc , ama ssc , kama shaqayso puntland manta , cidi jabhad samaysatay oo puntland ka baxday cabad ka hadayan
    wabilahi towfiq

  10. says

    waxaan salaamayaa bahda horseed media dhamaan shaqaalaha oo dhan intaas kabacdi waxaan umahad celinayaa inan kia hawada kumaraya runsheega sida uu runta usheegay waa run mujaahid saleebaan iyo mujaahid sabarey waxay kujiraan jiidahore iyagoo diyaar u ah inay difaacaan sharafta iyo sumcada iyo cirdiga shacabka SSC ugana yimi qurbaha dhul aad u fog sida america iyo kanada, waxaan aad ula yaabanahay madaxda puntland ee goboladani sheegta kana tirsanaan jireen waxay uga hadli la yihiin waa wax lalayaabo waxaa kaloo wax lalayaabo ah madaxda udhalatay SSC ee kujirta maamulka puntland oo aan kaba hadlayn sida madax weyna kuxigeenka .

  11. says

    waad mahadsantahiin horseedmedia sida wacan ee waad uga hadashen barnaamijkan runtiina madaxda dawlada puntland lamood noqonse waa waxaana iska cad in mawqifkooda ku aadan ssc inuusan cadayn balse loo baahanyahay in saxaafadu waydiiso hadafkooda cadeyana kolay waqtiga waa is badalaya odayashana waa tagayan laakiin midnimada iyo walaaltinimada yaan laga tagin hana la,ogaado puntland inay inaga dhaxayso faroole iyo abdisamadna ay iska tagayan magacaana uu ka,waynyahay ayaga,waxaan canbaaraynaa saxafada puntland gaar ahan kuwa sida qaldan shacabka wax ugu sheega tuulana u adeega ama hal gobol waar midnimada ilaasha waar aaway wadaninimadii

  12. says

    ASCWW.
    Alhamdu lilaah walaalayaal waxaanu rajeyn nabad ku waarta dalkoo idil umadaynii somali mid dhintay mid silicsan iyo nolol adag ku jira iyo kuwo qurbihii ku duloobay ayeenu u qaybsanay walaalayaal aanu duceysano.
    nabada ka jirta pland iyo somaldland aad baan ugu farxaa allaha ayaana mahadaas iska leh iyo cuqashii ku dadaashay arinkaas.
    arinka sool iyo cayn waxaan u arkaa labo arimood
    1)Dadkii kasoo jayday goboladas oo towfiiq is raacda aan laheyn? qolaba qolada kale ku dhuumanayso taasna horumar maleh!
    2)pland oo doorkaydu ka maqan yahay meesha no excuse.
    sool iyo cayn waxaa haysta/kusoo duulay xabashi shaati somaliland xidhan.

  13. Abdiyare says

    Warbixintaada waxaa ugu qiimo badan qeybta ka hadleysa Maqnaashaha Doorka Parliment Puntland; Suaashu waxay tahay yey matalaan?

    Miyeysan awood u laheen iney wax soo jeediyaan, wax ka doodaan. IWM.

    Arrinta kale maxa ku Jaban arrinta ah in maamulka la baahiyo oo wadada dheer ee laamiga laga dajiyo, taas qiil sax ah uma noqoneyso in daraasad dhan oo aqoonyahnno soo diyaariyeen, oo loogu talo galay inay wixii khaldan lagu saxo la joojiyo.. wax noo sheega, see waxyihiin.. xagee loo socdaa..?

  14. FARTUUN says

    WAA YAAB MARKAN ARKO DHULBAHANTOO QARNA PUNTLAND YAHAY QAAR SSC SHEEGANAYO QAAR KALENA SNM SHEGANAYAN CIIDANKAN DHULBAHNTE E SNM KA AMAR QAATA MAHAD CANBAASHE &INA GALAAL HOR BOODAYAAN OO RAGII HARTI EE U SOO GURMADAY LAASCAANOD DHABAR JEBIYEY MANTA DULANKA AH MXAA PUNTLAND KU EEDAYNA TOLOW WAXA KA SII DARAN XAABSADE OO SHALAY U DAMEYSEY SHEGAYEY INAY WAXBA KA BEDELIKARIN SSC SIDUU ULA SHAQEYN LHAAA INABTIGIIS SIILAANYO IYO REER ABTIGIIS PUNTLAND NACAYBKA LOO QABO MID SSC SHEGANYA MID SNM KA AMRQAATA WAA HERKII U SAREYEY ISMADII XATAA WA DIDEN GARDADU IYAGO U SHEGAY INAYAN WAX SIYAD AH KU MARTI GALINAYN EE TOLNIMO LOOO WADA HADLO WAA DIIDEEN

  15. run sheeg says

    salan sare bahda horseedmedia iyo aqristayaasha ku taxan websitkan salan kadib maamulka puntland isaga ka leexday tuubti loo doortay xagle toosiye wuxu jooga jiida hore halka madaxda puntland ay midna garoowe casiir ku cabayo midna calamka lacag ka raadinayo oo u hadhow ku shubanayo qasnad u gaar ah waxa kalo idin sheegaya shacabka ssc ma tageersana mamulka puntland xata askarti ku jirtay way kaso baxday waxa idin leyahay qolyihin isku maaweelinaya shacabka ssc waa puntland hadaba riwayadas wa laga gudbay any way waxan idin leyahay dagalka jira ka qayb qaata hadi kale somahan tariiqda meel ayad ka galaysan madow iminka amxaro iyo garowe

  16. laasqoray says

    KU dhowaad 9 years ayaan akhrinayey website yada somalida, wali ma arag sida loo qoray maqaalkan (Masha Allaah) … waxaana loo baahanyahay in saaxafada aysidan oo kale daacad,dhexdheexdnimo uga hadasho arimaha jiraha gaar guud ahaan somaliya oo dhan iyo gaar ahaan gobalada dhibta ka taagan.

    Aniga aragtideyda waxaan u arkaa in somaliya aysan lahayn hogaamiyaal raba in dhibta bulshada wax ka badalaan iyo wax leh dareen somalinimo ineeysan jirin … mana madax banaana iyaga iyo wadanka oo dhan.

    Waxaadna modaa dalka inuu mugdi ku sii socdo, Illaahay xaqa tus kuwo sheeganaya ineey matalaan shacabka, Aamiin Aamiin Aamiin

  17. Abdullahi Mohamed says

    Waxaan leeyahay hal laba midigle lisay dhana uma bedqabo kulligeen waa ceeboowney maamul iyo shacaba
    hadal liita, horumar la’aan, burcadbadeed,ammaan xumo, waxaa u daran dalkii oo qaarna la qaatay inta kale lagu hayo tahdiid.haday curaddii noolyihiin lama cataabeene Cabdullaahi iyo Faarax baa ciida hoosmaraye

    • says

      aad baan idiiin ku mahadinaya bahda horseed intaa ka bacdi horta run baad sheegteen iyo daacad nimo waxaanse la yaabanahay waxa puntland ku habsadey xataa hadey diciif tahay rag hadal yaqaana baa u hadli jirey midna waxa uu ku leeyahay yaa yiri ogaadeen waa soomali midna waxa uu ku leeyahay iyadoo aan raqdii la aasin itoobiyaan ku laayeen waan jecelanahay meles ha noolaado iyo waxaan aan weli ku hadlin nin masuul ah xitaa kuma ay hadlin weligood kuwii isbaarooyinka dhigan jirey muqdisho xaafadaheeda ,markaa anigu weli ma fahmin nimanka ma itoobiya bay qandaraas ka soo qaaten mise puntlan ba waxay ka dhigayaan itoobiya ilaa in wax la fahmo

  18. Abdullahi Mohamed says

    aniga waxay ilatahay qaldaadka iyo dulmiga laga galay ummadda puntland horeyna waa u jerey maantana wxuu gaarey halkii u saraysey.haddii wax xumaadaan waa leh madaxda haddiii ay wanaagsanaadaana waxaa leh dadka marka waxaan leeyahay madaxda dalka waa inay ilaah ka baqaan oo xishoodaan oo dadka iyo dalka sida u dhaammaan.

  19. says

    Talo ku sucota Baarlamanka punland. Walalayaal waxaa u dhaarateen,oo wakiil ka tihiin shacabka codkooda.hadaba waa inaad Action samaysaan aad dowlada faroole iyo kan ku xiga ee guulwadaha u ah ethopia aad ku soo taagtaan empeachment, waa in codka vote of confidence loo qaado, dalkii waa u dhamaatay, dil, amni xumo, canshuurtii lama yaqaan meel ay ka baxday, hanti boob, hal iskuul lama dhisin, sool waa maqan tahay, widhiwidh baa lagu darsaday, dowladani waa in la la xisaabtamaa, idinkaa wakiil naga ah baarlamankow, lacagtii canshuurta umada ayaa la xalaaleystay, PUNTLAND-BADBADO

  20. says

    haddii aysan reer qolada la baxday SSC aysan midoobin Faroole iyo Cid kale toona waxba kama qaban karto, waayo markii la qabsanayay Laas-caano ciidankii Ugaaryahan way ka bexeen dagaalka kuwii Jaamac Siyaad ee uu watay ina Cambaashane waxay dhabarka ka toogteer ragii Reer Puntland ee ka soo Jeeday gobolada Bari, Nugaal, Sanaag iyo Mudug.Marka waxaan qabaa ilaa ay iyagu midoobaan inaysan suura galayn in wax laga qabto.
    Mida kale Puntland dhulbahante kama saari karaan Xaglo-toosiye iyo Ina Garad Cali.

  21. Abdi yare says

    qoladaan horsseddmedia waa waxbaa critical lagu noqdaa bay maqleenn addeer waxaan kuu sheegayaa puntland way ka hadashay khasab ma ahan in madaxwaynuhu ka hadlo ama madaxwyna ku xigeeenku. puntland waxay u dirtay wasiiro iyo wasiiro ku xigeen barlamaanka puntland. adeer waa run maamulka meesha hortiis ayaa la qabsaday. waxaan aaminsanahay hadii maamulku ka shaqeeyo inta u dhiman inaan arinka SSC in aan wax ka hagaagayn sababtoo ah. ninkii Puntland madaxwaynaha u sharaxaanaa ayaa markii laga adkaaday oo wasiirkii loo magacaabay diiday Nairobi intuu tagay yiri maamulka ma aqoonsani oo maamul madaxbanaan ayaan oo isagu Buhoodle kayimi.puntland x

  22. xariri says

    INTA FAROOLE JOOGO PUNTLAND SSC WAX FAAIIDO AH YAY KA SUGIN DHIB MOOYEE..DHULBAHANTOOW HARTINIMO QADIYADAADA U IIBI – ILOW MAAMULKANA INA AFWALIINJO MADAXDA KA YAHAY

  23. says

    waad salaamantihiin walaalayaal. badi intaa waxaan aad uga naxay hadal janaraalka waxaa xaqiiq ah in uu yahay hadalkii ugu liidey ee nin masuul ahi ku hadlo dadka reer pl waxaan leeyahay ama ceebta la hulaabta caabta idinsaraan la hulaabta wax badan ayaad ummada u faanteen oo qab iyo gobonimo sheegadeen waxaa calaamad idiin ah ama sumad sida aad hadalkaa uga jwabaadaan iyo sida aad radu ficil uga samaysaan wax kale oo lagu hadlo garan maayo waa af salax ku dheg

  24. says

    salaan ka dib ini cali shire waxaan leeyahay ciyaalkayaga dulinimo ku barbaarinmayno hadal aad leetahayna wuxuu wed u yahay qunsuliyada aad fudhay iyo pl waxaadna u gacan haadisay alshabaah iyo xibul islaam iyo qaraxyo mida labaad isma lahayn hadalkii madaxweynuhu ka yiri misaajidka mid ka xun ayaam maqlaysaa oo ahaa dad isirwadaaga aan nahay ee kililka shanaad afka keliaya ayaa naga dhexeeya oo xataa diintii uu halmaamay waxaa yaab ah ragii askarta ahaa oo ethopia sida weyn ugu xiraa weli hadal midkaa la mid ah lagama maqal WALEE WAA TAARIIKH HADALKA C/SAMED KOLEY ANIGA IMA MEDELO GUUD AHAANA DADKA PL WAA IN AY ISKA BARAXAAN CEEBTA

  25. abdi says

    Xuseen waa qormo qiima weyn.oon anigu u fahmay dulucda kulli geesaha arimahani waa wada dhaliilan yihiin,waxaanse anigu qabaa in laba laga reebo,reer ssc iyo qoladan dib u xoraynta sababtuna waxa weeye,shacabka ssc hadii dowladii dayacday,hadii siyaasiintoodii hunguri raacyo noqdeen,hadii baarlamaankii la waayey boqolkiiba baqolna puntland iyo soomaali weyn aaminsan yhiin markaa iyagu wax eed a maleh saanqabo.
    Qoladan “jabhad” dadku ku sheegana eed ma leh waayo hadayba garteen inay wuxuun qabtaan maadaama cid kaloo wax qaban aanay muuqan, mahad iyo taageero uunbay mudan yihiin iyo in fursad la siiyo,oon markiiba afka lagoosan.
    Salaama

  26. YOONIS says

    WAXAA QOFKA AADAMIGA AH inuu maamulin dareenka ee uu maamulo caqliga wanaagsan

    Dowladda Puntland mowqof fiican ayeey iska taagtay arriintii ka dhacday Buuhoodle, waayo waxay dowladu isticmaashay caqliga wanaagsan.
    Hadday dowladda tiraahdo meeshi xabad ka dhacdaba ha lagu ordo, haddee waxba ma soconayaan
    FAROOLE iyo dowladdiisa uma baahna maanta in ay wiilsha Puntland ku laayeen dagaal aan qiime laheyn
    RAGGA isugu yeera SSC waxay isu haystaan jilib jilib iyo jufo qabiil, Puntland diyaar uma aha in ay lakala safato qabiilada is-haya, qaarna Somaliland raacay qaarna Puntland; su’aashu waxay tahay, muxuu ku dhimnayaa wiilka reer

    • Abdi yare says

      aad iyo aad ayaa ugu raacsanahay yoonis waa hadal run ah.maamulka hada jira hadii inta u dhiman ka shaqeeyo SSC waxba uma ka hagaagi mayaan. Maamulka hada jira meesha uu wax ka bilaabay waan ogayn.puntland oo wax ciidan ah lahyn mushaar la bixin afarsano ayuu wax ka bilaabay hada nabadgalyada gobolada puntland ka jirta oo xataa safaarado laga furtay maamulkii hore waa tii ajanabi maalin walba lagu afduubayey oo madax furashada laga bixinaayey.Horseedmedia waa gaas mashaqyanayn miyaa iska daa cid ay eedeeyaan madaxwaynuhu xaguu seexday,xaguumaray hadan maalinwaba eed ayey soo qorayaaneed soo qor laakiin wuxuu qabtayna soo qor oo aan mamulkii h

      • Boqor says

        waan ku raacsanahay YOONIS IYO ABDIYARE arintu waxaa weeye Maamulka waxba ka qabankaro arintaan Reer SSC ayaagaa qola walba la socda, siyaasi kasta oo hargaysa jooga ama garoowe jooga shacab baa ku raacsan
        Marka waxba Maamulkaan yaa la xagxagan sababtoo ah Harti oo Madaxwaynihii Federaalka ah iyo madaxwaynihii hore ee Puntland oo jooga ayaa la qabsaday oo waliba Kismaayo laga qabsaday maxaa faroole maamulkiisa hada qabankara sababtoo ah, Feralka waa la col, qolyaha koonfur ka diriraaya waa la col, Sommaali land waa la col, Kuwa SSC shegta waa la col oo talaabo kasta oo maamulku qaado waa ka soo horjedaan oo la shaqayn mayaa Maamulku muxuu qba

  27. says

    SCW WBR < WAAXAAN KU TALIN LAHAA ANIGA HADA < CAANO DAATAY DABADOODA LA QABTAA WAA IN AY DOWLADA LA TIMAADAA ISBEDEL UMADA AY MASALAN U CUNTAMI KARTA IYO SIYAASAD DADAALBADAN KA FIIRSI BADAN LEH'
    WAA LA SOCONAA IN HADA SHIR LAGU SOO GABAGABEEYEY TURKEY IYO SHIR LACAG LAGU SIIYEY MAALULKA OO UGAADHA KA DHACAY LACAG HORMARIS AH 7 ML AH OO LA DAGALANKA BURCADA AH , WAA SOO DHAWEYEY ISBELEKA BILOWGA AHA WASIIRKA DEKADAHA OO YIRI BURCADA XITAA HADAY DOWLADU LUG HULEDAHAY WAA LA DAGALENAA IYO IN DHISMO CUSUB OO CIIDAN DHAGAX DHIG LAGA FURAY ,, BOOSAASO , WAA HORMAR AAD IYO AAD AAN U SOO DHAWEYEY WAXAAN KU TALIN LAHA AMNIGA WADANKA DHAN SUGA,

    • cabdirshid cabdulle says

      qoraaga maqaalka kor ku qoran iyo maamulka website-ka horseed net waad salaaman tihiin, salaan ka dib aad baan ugu farxan sida aad maaqaalkan u soo gudbisiin, uga hadasha nuxurka maqaalka, iyo sida aad ilaa xad uga run sheegteen arimaha aad ka hadasheen, waxaan idinku boorinayaa inaad qoraalada noocaas oo kale ah wadaan waxaana qabaa in ay siyaasada puntland wax ka bedeli karan

  28. says

    ASC WR WBR < AAN KU SOO NOQDEE EEDA PUNTLAND AYAA LEH WAAYO< MARKA HORE WAXAAN ANIGU SAARAYAA WAXAAS OO DHAN BAARLAMANKA PUNTLAND WAAYO AYAGA AYAA DAWLADA AH
    WAXBO YEY IDINLA MACAAN HOTELADA AAD COFEGA KU CABAYSAAN EE HAWSHA HADIIDAN KA SOO BAXAYN <ISIMADA TALADA WADANKA U CELIYA AYAGA BAARLAMAAN XAQ AH SOO DOORANAYEE BYE………….ABDIKISMAYU

  29. says

    ASC WR WBR DHAMAAN WAA SALAMANTIHIIN AAD IYO AAD AYAAN U SOO DHAWEYNAYAA HADALKA WALALKAY WAAN KUGU RAACSANAHAY IND IN PUNTLAND WAXYAABO BADAN INDHDHA KLA QABSATAY WAXAAN DHAOWR JEER MAQALNAY LACAG AYAAN SANAYNAY CANSHUURAD BADAN AYAN QABANAY SANADKII LA SOO DHAFAY WASIIRKA MAALIYADA OO NO SHEGAY HADABA MAXAA LAGU QABTAY?? 1 AMNIGA WAX MA LOOGA QABTAY DHAQALAHAS ? ,, WAA MAYA ANIGA AAN KU HOREEYEE
    DAWLADA WAXAY BALAN QADAY IN < 1 AMNIGA WAX LAGA QABTO <2 IN BURCADA LAGA QABTO WADANKA <3 IN GOBOLADA MAQAN LA SOO CEILYAA XADKA PUNTLAND LA SOO XIRAA <4 IN XISBIYO WADANKA LAGA HIRGELIYO <5 IN DHISMAHA AIRPORKA IWM

  30. mbcarshe says

    SALAAN KADIB WAA ARIN LAA LA QAADAN KARIN LA LA DHAHAO ETHOBIA WALAL BAANU NAHAY TAN KALE DADKA REER PUNTLAND OO QABIIL QABIIL KA U TAGEEREEN WALALHOOD SSC OO WAXA AY KULA DIRARIYAAN CADOWGA HA SIIYEEN

  31. Sooyaal says

    Fikirkayga waa qoraal dhabta taabanaaya iyo sida xaalku yahay, waana wax loo baahan yahay in farta lagu mudo meesha bugta si dawadeeda loo helo.

    Maamulku meeshu maraayo rag baa soo gaarsiiyay, shalay lama keenin, hal sano iyo barkii ay xukumada hadda jirta dhisnayd puntland laguma aqoon san, ee Geediga kasii wada meeshii shalay la idiinku dhiibey oo Puntland isku duubnideeda kashaqeeya.

    Horseedmedia great article baad soo bandhigteen halkaas kawada.

  32. abdihakim Ali Muse says

    salaan qaali ah dhamantin,

    hoorsednet,aad iyo aad ayaan ugu furxay sidaa aad runta bananka usoo dhigaysan.

    Haddabba waxan idin dhahayaa hawl kama dale weli waa hogaddi

  33. says

    WALALAYAAL WAAD ARAGTAAN SIDA WAX U JIRAAN HADUU HADALKU SIDA MARAYO WAX INAGA QARSONA ILAHEY AYA KADHAWAJIYEY HAJIRO HA JOGANA WAXA EY KU CADEYNEYSA IN MESHA MELEZ XUKUMO YAN LA IS DALIN NINKI KUWAN WAX KASUGAYA HA ISAGA SAMRO KOLEY DADKU BADANKISU WEY LASOCDAN….HADANU SOMALI NAHEY NAHEY ILAAHEY AYA NOO MAQAN ISAGAN SUGEYSA OO HALA IS CAFIYO QABIILKANA HALA DAYO INSHA ALLAH QEYR AYA IMANDOGA
    [[[[[[[[[[[ waxa uu ku tilmaamey abaalka ay Soomaali u hayso Itoobiya in uu yahay mid xitaa caruurta Soomaaliyeed ku barbaarin doono, waxaana uu ku soo dhameeyey Itoobiya ha guulaysato, Malas Sanaawi ha jiroo ha joogo!, ]]] MAHAD SANIDIN ..

  34. says

    waxaad ka sheekeenisaa wax dhuulbahaantee ogyaheey.waar dhulbahaantee waa ku dayeey S.S.C.waxbaa
    waxbaa haadaa khuraafaat ha soo gorinaa wali leeys ma gadhiin waa biloow xisaab badaani waa soo socotaa.reer
    PUNTLANDOW,

  35. K N QARDHO says

    MAASHA ALLAAH KALE .QORAGANI WUXUU KA HADLAY XAQIIQDA JIRTA …MAN RA AA MUNKARUN FALYUQAYIR BIYADIH FIN LAM YASTADIC FABILISAANIH .FAIN LAM YASTADIC FABI QALBIH .WA DAALIKA ADFACUL IIMAAN WIXII AAN QALDAY ALLE HA IGA SAAMAXO XADIISKAAS .PUNTLAND DUCUFO BAY ISKA DHIGTAY O QALBIGAY KA KARAAHIDAY ARINTA SSC.MA ITOOPIYAA MA MAAMULKA SNM BAY SIDAA UGA BIQIN , MA XIDIDNIMADAA TOLNIMADII KA QIIMA BADNATAY WAA ARIN AAD U YAAB BADAN OO CID KASTAA KU METELI KARTO CARABTA .ISRAA IIL .IYO ARINTA FALASTIIN WALAAHI WAAN OOYEY MARKAN ARKEY RAG WAWEYN OO RER LAASCAANOOD AH OO DHAGAX TUURAYA IYO CIIDAN HUBAYSAN OO MAGLADODI XABSIGA KU WADA XEREYEY RAG&DU

  36. Ahmed says

    Assalamu Alaikum wa Rahmatullahi wa Barakatuhu,

    Bahda Horseed, well done.

    Maamulka Puntland waxaan filayaa in ay cabsanayso oo ay ka cabsaneyso Ithiopia, Laakiinse waxaan u sheegeynaa in ay Allah ka cabsadaan ee aysan bini’aadam ka cabsan. Haddii aad Allah ka cabsato Adigana bini’aadamka ayaa kaa cabsanaya.

    Waxaan idin xasuusinayaa markii uu Mudane Faroole ugu horeysay ee uu xukunka la wareegay waxaa uu sheegay in uu ciidanka tiro koob ku sameynayo oo wuxuu magacaabey gudi arrintaas soo baara. Xaggee ku danbeysay arrintaas?

  37. dhuuxmaxamed says

    ethiopia marna inay leeso shacadka marna layiraahdo safarad bay puntland ka furanaysaa wax isgali gara maahan c.samad cali shire khub badaas maahan mid lagaasugayey run ahaantii adeer waxaa waxaa dulman dadkii reer ssc gaar ahaan dhulbahante gaadiidkii shalay ethiopia horay bay uga xaysatay qaarna dhiiqada bay kaga tagtay waxa soomaliand dibada kawadana waa ethiopia waqtigiina dhamatsta laascaanood waxaa qabasho ka sugaysaa waa wiil mudug ka yimaada

  38. says

    scl walal waxaan usheegaayaa dadka in aykala saaraan siinka iyo saad waxaan ula jeedaa reerka leh s.s.c. waalaogaa markey puntland ugurmatay waxa ay sameeyeen reer laas caanood xataa ayqatar galeen madaxdii reer puntlan oo kamid ahaa alaha ha unaxariistee xiif cali taar gaagaab iyo xaji bakiin tankale markii aysida aargoosi kujiro iyuo cadawnimo kudheehantahay ay ragiimeesha jogay oocadawgii ruqaan saday ey dhabarka katoogteen hadalkeyga waxaan ku soogaba gabeenaayaa dhahar iyo xin galool waa kuheeryadii kumeesiga diiday oo iska qaaday eedadkaan dhuuni raaca ah oonacebka ku ragaaday hais xureeyaan wabilaahi towfiiq

  39. Meygaag Dhago-dheere says

    Qoraaga maqaalkan waxaan ku oran lahaa walaal ha is daalin, SSC waa isku filan yahiin markay timaado cid iska dhicin.

    Somalidu waxay tiraahdaa ninkaad kabo ka toloneyso kuwiisaa la eegaa. Faroole maamul xumadiisa cidna kama dahsoona. Safar bilo dibadaha la iska wareego. Wasiiro Shaqaalahii maamulka ka tiro badan. Amaan aan la isku haleyn karin iyo dadka soo barkacay oo la eedeeyo marna xabsiga lagu guro.

    Meesha maamul sidaa ah ka taliyo SSC inuu ka maqnaado ayaa u dhaanta. Waana ku saxsan yahiin inay u isaagaan in mid dhaama dhistaan ama meel kale wax ku darsadaan.

  40. says

    asc wrwb walaal wa aragti wanaagsan ruunti lakiin nin ki eelayga aha wuxuu yiri Af wa kan meelagu aame taasoo ula jeeso Af wa leeyahaye maxaan ku cunaa o haystaa Hadda fikir wanaagsan baad keentayee meeye Shacabki iyo madaxdii u hogaasami laheed ma ragga maantay amxarada amaanayaah qaneecaad laga sugayaah wa mayaah wa ianay Shacabka isku tasahadaan

  41. Hersi says

    Horseed media ..waayadaan waad hurudeen ..qoraalkaasoo kalaan idinkaga baraney oo runta cabiri jirey ..oo waayadaan danbe aanaan arag ..maanta qoraalkaan waxaa la oran karaa waa mid mas,uuliyadi ku dheehantahay runtana cabairayo daawana ah ka deegaan ahaan iyo ka dad ahaan intaba ..guuleysta.

    Midda kale dowladda p/land wax la dhaho iska hilmaama haku jireen lacag uruursigoda iyo safaradooda laakiin shacbi weynaha waa in eey ka kacaan hurdada oo lagarab istaagaa SSC ..shcab-baa shacab caawiya guushana keena .

    waase ayaan darro hadalada maamulka p/land kasoo yeerahayo ..war saa isu dhaama

  42. says

    maashaa alaah qoraagu sifiican oo hufan buu usodiyaariyay qormada waana mid katurjumaysa xaalada hada kataagan wadanka waxyaabo badan oo xaqiiqa ah buu sooqaatay waxaanan kuboorinayaa dadka hada hogaanka haya inay qaataan talabixintas cajiibkaa ,mida kale qoladaan hargaysa waa inay kabaxaan dhulka ay xooga kuyimaadeen ilaaliyaana dariswanaga beelaha wada daga hadii kale ha ogaaden kuwa iyaga kaxoogbadan baa 21 sano lagula dagaalamayay ssc

  43. Jamaal says

    Qoraal wanaagsan oo cabiraya sida maamulka Puntland uu u gabay masuuliyadii ka saarnayd difaaca iyo midnimada umada. Waa ceeb iyo anfariir waxa ka socda dhulka ay degaan dhulbaantuha ee ay sheegato Puntland. Waxaan oranlahaa ugu horeyn shacabka dhulbaante gacmaha ha is qabsadeen hana ka waantoobeen kala qaybsanaanta iyo garab siinta maamulka Hargaysa, taas hadii ay dhacdo waa hubaal in dhamaan shacabka Puntland ay idiin soo gurman doonaan, maamulkana darajada laga xayuubin doono.

  44. Puntland says

    Very analytical and interesting article!
    Waa saxaafad lagu faani karo oo cidna aan “discount” u smaaynayan – kolley maanta…gadaal waxay ka noqotaba. Balse waan rajeynayaa inay Horseed sidaas ku waddo.

    Thanks!