Jaamacad Cusub Oo Laga Furey Degmada Qardho(Sawiro)

Xaflad lagu furayay Jaamacadda Bariga Soomaaliya ee Degmadda Qardho (East Somalia University) ayaa maanta(24-09-2010) si rasmi ah xariga looga jaray.

Furitaanka Jaamacadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuulyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarshadda Puntland,Aqoonyahano iyo dad waxgarad ah.

Xaflad Qado sharaf ah oo Madaxda Jaamacada ay ku qabteen Hotelka Guffurre ka dib ayaa waxaa loo soo dhaqaaqay Halka ay ku taalo Xarunta Jaamacadda taasi oo masuulyiinta ay kormeer ku sameeyeen Qeybaha kala duwan ee Dhismaha Cusub ee Jaamacadda.

Ugu horeyn waxaa halkaas hadal kooban ka jeediyey Ustaad Sakariye Maxamud Ciise oo ka mid aha masuulyiinta hirgelisay furitaanka Jaamacadda Bariga Somaliya.

Proff. Axmed Maxamed Barre oo isagana ka tirsan Maamulka Jaamacadda East Somalia University ayaa wax uu in badan ka hadlay heerka waxbarsho ee Qardho ay soo martay isaga oo sheegay in 1984-tii ay aheyd halkii ugu horeyay ee la rabay in laga furo Jaamacad Goboladda Waqooyi bari, hasse yeeshee mudooyinkaas intii ka dambeysay aysan suurto gelin.

Wax uu sheegay in aysan hirgelin illa wakhtigaas, hasse yeeshee dadaal badan oo loo galay furitaanka Jaamacadda ay maantay suurto gashay.

Proffka wax uu si aad ah ugu dheeraaday in uu rajeynayo in Jaamacadda Bariga Soomaaliya ay noqto mid kaalin wayn ka qaadata dhiiro gelinta xagga waxbarshadda degaanka gaar ahaan Dhalinyaradda.

Maxamed Siciid Hogaama la roor Duqa Cusub ee Qardho ayaa isagana wax uu sheegay in isaga ay si gaar ah farax ugu tahay furitaanka Jaamacadda, sabatoo ah wax uu sheegay in in badan lagu rajo weynaa furitaanka Jaamacadda.

Duqa ayaa wax kale oo uu ka hadlay kaalinta Qardho ay kaga jirto waxbarshadda Puntland, isaga oo xusay in dadka u dhashay degaanka ay ahaayeen kuwa inta badan ku mashquulsan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya.

Wax uu soo qaatay in hirgelinta Jaamacadaha kale ee Puntland ay fikradeeda iyo weliba hirgelinteeda kaalin weyn ku lahaayeen dhalinyaradda Degaanka Qardho, kuwaas oo maantayna u soo jeestay degaankooda.

Madax badan oo halkaas ka hadshay ayaa wax ay ku dheeraadeen ka hadlida Waxbarshadda degaanka , Ustaad C/ladiif Bilaal Cabdow Gudoomiyaha Waxbarshadda Gobolka Karkaar ayaa waxa uu isagana ku dheeraada Qiimaha Waxbarshadda ay u leedahay qofka, isaga oona ka sheekeyay in Qardho rag badan oo Wasiiro Waxbarsho ka soo noqday Puntland ay ka mid ahaayeen Ragii Qardho wax ku bartay.

Waxa uuna soo qaatay Wasiir ku xigeenka Waxbarshadda Puntland Cali Gamoote,Wasiirkii hore ee Waxbarshadda Axmed Siciid Aw Nuur iyo Agaasimayaal badan oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarshadda.

C/ladiif Bilaal waxa uu sheegay in uu ahaa Macalinkii wax soo baray dhalinyaradaas iyo kuwa kale oo jira dibadaha, laakiin waxa uu sheegay in markaan looga baahan yahay sidii ay gacan ugu geysan lahayeen sii socsiinta Tacliinta guud ahaan.

Ugu dambeyntii Waxaa lagu soo dhaweyay Wasiir ku xigeenka Waxbarshadda Puntland Cali Gamoote oo ka sheekeyay Waxbarshada Qardho heerkii ay soo martay iyo maantay halka ay joogto.

Waxa uu sheegay in uu isaga ka mid ahaan Dhalinyaradii dugsiga hoose illa Sare ku qaatay Qardho, isla markaana gacan ka geystay dhismaha Iskuulo badan oo laga hirgeliyay Degaanka xilligii dowladii dhexe.

Cali ayaa sheegay in sanadkii 2003dii Madaxweynihii Xilligaas C/laahi Yusuf Axmed, qoraal codsi ah oo loo gudbiyey oo ka hadlay Furitaanka Jaamacado laga hirgeliyo Puntland, Warqad uu xilligaas qoray ku cadey in Qardho laga hirgeliyo Jaamacadda Koowaad ee laga furay Puntland.

Dhan kale waxa uu sheegay in Ragii xilligaas dadaalka ugu jiray Furitaanka Jaamacadda Qardho ay ahaayeen Proff. Khaliif Maxamed Barre iyo C/waaxiid Cali Xundhur, hasse yeesheen maantay ay suurto gashay in la hirgeliyo.

Waxa uu si gaar ah dadka degaanka kaga codsaday in ay Caruurtooda geeyaaan Jaamacadda East Somalia University si ay Aqoontooda meel sare u gaarto.

Xafladii furitaanka ayaa wax ay ku soo dhammaatay sidii ay ugu talo galeen Madaxda Jaamacadda East Somalia University Qardho iyagga oona sheegay in ay dhawaan bilaabayaan Qoritaanka Arday ugu horeyay ee dhiganeysa.

Horseed Media

Qardho-Somalia

Sawir Qaade: Deeq C/laahi Sheeno

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »

Comments

  1. sharif_503 says

    Waa below fiican,, Dadka AQOONTA LEH EE UDHASHAY GOBOLKA WAXAA LOO BAAHANYAHAY INAY ISKAA WAX U QABSO AY ULA SHAQEYAAN JAMACADA ..

    SALAAM
    SHARIF

  2. mwlid Bashir says

    Slaam .aad ayaan ugu faraxsanahay waxay ahayd in mar hore laga furo lakin alxamdulilah xiligaan ayaa qornaa , waxaan u rajaynayaa dhalinyarada qardho in ay ka fa iidaystaan jamacada waxna bartaan macalimiinta iyo gudiga isu xilsaaray jamacada ilaahey hala garab galo

  3. sharif says

    dhamaan waan idin salaamey magaaladaan waa maagaalo ay gacanta ku hayaan dad reer miyi ah wayna ka dambeysaa horumarka kasocda gobolada kale ee puntland waxaana keenaya khilaafka xoogan oo dhexdooda iyo xasad, munaafaqad aan ujeedo laheyn runtii waxbaad isku daydeen waxaan idinkula tahlin lahaa koley hadad wax dhiseysaan waxaad dhistaan wax qurxoon oo qiimo leh injineero latashada ha dhisina dundumooyin miyeydaan laheyn dad injineero ah oo naqshada idiin sameeya waxaad moodaa dadka reer qardhoodka ah feeg waxaana gobal walba dadkiisa hormariya marka waxaan idinkula talinayaa wax qurxoon dhista bye wabilaahi towfiiq

  4. malaaygaduudoow says

    ASALAAM CALAYKUM DHAMAAN BAHDA HORSEED MEDIA IYO BAHDA REER QARDHOOD EE JAAMACADA IYO HORIMARINTEEDA QUSEESO.

    WAXAAN OGAYSIINAYAA DHAMAAN JAALIYADA REER QARDHOOD EE NORTH AMERICA, EU WADAMADA EU IYO WADAMADA ASIA KUNOOL INAAD WAX LAQABATAAN WALAALAHAN DADAALAY OO AAD KALA SHAQEESAAN INTII KARAAMKIINA WAXEEY U BAAHDAAN DHINAC KASTA , JAAMACADA WAA IN AAD U KACDAAN OO AAD WAX UQABATAAN.

    WALAALAHA LONDON DEGGAN OO AH JAALIYAD BADDAN OO KA SOO JEEDO QARDHO ASAL AHAA, CANADA, USA IYO SCANDENAVIAN KA WAA ARAGTAAN WAA INAAD HURDADA KA KACDAAN AAD GARAB ISTAAGTAAN MAGAALADIINA IYO DHALINYARDIINA MUSTAQBALKOODA.

    INTAAS WAA IGA TALO WALAALAYAAL.

  5. says

    ham balyo hambalyo
    WAA FAA IIDO WEYN OO SOO KORORTAY WAXANA FIKIR AHAAN KU DARSANAYAA KULIYADA UGU MUHIIMSANI HALAGA DHIGO XANAANADA XOOLAHA WAAYO DEEGAANKA QARDHO WAA DEEGAAN XOOLO DHAQATO U BADAN SIDAAS DARTEED HA LA KOBCIYO AQOONTA XOOLAHA

  6. ibraahim says

    saxibayaal aad baan marka hore idinsalaamayaa, salaaan ka dib hadii aan ka dhiibto sida aan u arko jaamacadan cusub eee geyigeena laga furay, bro jaamacadan waxa bilaaabay nin si weyn ee reer p.land ay u yaqaanaan oo ah Zakariye , run ahaan tii ninkaasi wuxuuu inbadan guula ka gaaray xaga waxbarshada isagoo mar sooo ahaa maamulihii hore ee Nawaawi bosaso reer bosaso aad ayey u xasuustaan waxa uu uqabtay iskuulkaasi
    waxaan aaminsanahay aniga in uu ka mira dhalin karo talaaabadan u qaaday wxaana ilaah uga baryayaa in uu la garabgalo amiiiiiiiiiiiiin
    mahad sanidiiiiiiin

  7. geele74 says

    waa arin aad loogu farxo in umadu horu mar samayso aqoontuna waa bilawga horumarka inta badan dhibkeena waxa asal u ah jahliga waxaan leeyahay dadkaa dadaalka ku bixiyay in ay qardho jaamacad ka sameeyaan Rabi ha idinla garab galo dadaalkiina.
    waxaanse ku boorin lahaa in aynaan magacyada magaalooyin keena iyo kuwa dadkaba aynu u qorano sida ay yihiin QARDHO waa magac somaliyeed laakiin sidaad u qorteen waa si kaduwan qofka somaliga ah e magada joogana uusanba garan karin markaa idinkii aqoonta lahaa umada hormuudka u ahaa aad magacii magaalada u qortaan GARDO shacabkii kale iyo dhalin yaradii aad macalimiinta u haydeen saw wada khaldan qaadimaayan Rabi dalkeena dadkeena iyo luqadeena ha ina jeclaysiiyo

  8. geele74 says

    waa arin aad loogu farxo in umadu horu mar samayso aqoontuna waa bilawga horumarka inta badan dhinteena waa asal u ah jahliga waxaan leeyahay dadkaa dadaalka ku bixiyay in ay qardho jaamacad ka sameeyay Rabi ha idinla garab galo dadaalkiina.
    waxaanse ku boorin lahaa in aynaan magacyada magaalooyin keena iyo kuwa dadkaba aynu u qorano sida ay yihiin QARDHO waa magac somaliyeed laakiin sidaad u qorteen waa si kaduwan qofka somaliga ah e magada joogana uusanba garan karin markaa idin aqoonta lahaa umada hormuudka u ahaa aad magacii magaalada u qortaan GARDO shacabkii kale iyo dhalin yaradii aad macalimiinta u haydeen saw wada khaldan qaadimaan Rabi dalkeena dadkeena iyo luqadeena ha ina jeclaysiiyo

  9. Isuqabe says

    Haye mee gabankii nag-nag lahaa ee GALGALA?

    Ma colaadda iyo carqaladda keliya ayaad faallada ka dhiibataa? car ha lagu arko meeshaan, wuxuu soo galaa mowduucyada dhiig daadinta iyo dhiillada xambaarsan.

    Jaamacaddu waa guul u soo hoyatey reer Puntland gaar ahaan gobolka Karkaar.

  10. Dalmar says

    Masha Allah… Waan soo dhoweynayaa Jaamacada Degmada Qardho, Qardho Waxeyd aheyd deegaamada ugu faca waa weyn Gobollada Somalia Gar Ahaan Puntland hadase dib u dhac weyn baa ku yimid waxaase looga baxi garaa dadkeeda ooo wax u qabtah, degaanka oo ey ka dhacdo sinaan iyo nabad…

  11. m000771 says

    In jaamacad,qardho laga furo waa wax wanaagsan,laakiin waxa loo baahanyahay waxa weeye,jaamicadaha hadda ka furan,dalka somalia mayihiin kuwo,leh dhamaan wixii looga baahnaa jaamacad.oo kala marka aano soo qaadano,qybaha ugo muhiimsan.sida maamul aqoon u leh arimaha la xiriira,how fulinta jaamacad,macalimiin,leh aqoonta looga baahganyahay kuliyadaha kala duwan ee ay jaamacade leedahay.tan ugo muhiimsan waa maaliyada ama dhaqaalaha lago maamulayo jaamacad,ayaa bixinaya.waxaase oo dhan ma sahlana in laga helo meel kamid ah,dhulka somalia guud ahaan.the word university is drived from the latin universitas,roughly meanig “community of teachers and schoolars”the university of Bologna,is considred the first university,which with tradition founding date of 1088.tan kale ee aasaaska u ah in jaamicad la furo waa,in geyigaasi laga helo arday ,leh aqoonta looga baahanyahay in,aad arday ka noqoto jaamicad,taasina hadda suuragal kama aha,puntland iyo somalia guud ahaan,dhabto waa sidaasi,waxaa kaloo maewalba oo masruuc la hirgalinayo muhiim ah,in qorshaha lago daro ma yahay mid, si joogta ah u shaqaynaya micnuho Sustainable.wxaan u rajeyna inta wadata figradan in jaamicad laga furo qardho,ay u hirgasho , bal ha la sameeyo,cilmi baaris iyo shiraar ku saabsan aritani iyo sida ugo wanaagsan ee mashruucani ku hirgalikaro.dhismaha jaamicada waa in uu noqdaa mid aad ka dareemi karto,in aad joogto deegaan waxbarasho.

  12. simultaneous-equations says

    jaamacad aan websayd lahayn macno samayn mayso ama way adag tahay si loo agaado waxay damacsan tahay.waana goobta keliya ee laga daalacan karo waxay jaamacaddaasi damacsan tahay. tusaale,inan soomaaliyeed ayaa dhamaynaya dugsi sare,wayna ku adag tahay in uu markiiba laxidhiidho maamulka jaamacadda,wuxuu isweydiinayaa oo tolow jaamacaddu maleedahay websayd,haa hadday tahay jawaabtu,halkaasuu booqanayaa xogta jaamacaddana kala baxayaa, markaa kadibna isagoo diyaar ah ayuu tegayaa jaamacaddii ileen arinkii uu maamulka kawaraysan lahaa waxaa usahlay shabakaddaase.

  13. malaaygaduudoow says

    WAXAAN BAHDA EAST SOMALIA UNIVERSITY INEEY U SUUBIYAAN WEBSITE JAAMACADA SI AAN U ARAGANO MUSTAQBALKA FOG WAXEEY QABAN DOONTO JAAMACADA INSHA’ALLAH

  14. simultaneous-equations says

    Waa horumar ay kutalaabsadeen magaalada qardho. waana goob dadkeedu ay horumarka uheelan yihiin.alle ha idinla qabto.waana guul usoo hoyatay dhamaanba shacabka soomaaliyeed,gaar ahaan inamada reer qardho oo magaalooyinka kale u aadi lahaa jaamacad.

  15. malaaygaduudoow says

    HAMBALYO DHAMAAN REER PUNTLAND

    Asalaam calaykum Bahda Horseed media, dhamaab reer Puntland meel walba eey joogaan gudaha iyo dibada. Waa arrin aan ku farxay walaahi waana horumar wanaagsan waxaan rabi ugu baryayaa intii ka qeb qaadataya dhisida iyo fikirkaba rabi inuu ka abaal mariyo , sababtoo ah waxaa usocda ajar nimankaas intii wax ku barato iyo inteey waxbaraan oo dhan.

    Aduun iyo aakhiraba waa liibaanteen. Dadkiina waa idin xusi doonaan insha’allah halyeeyo magac ku leh umada quluubtooda ayaad noqoteen.

    Waxaan rajeenayaa in ardayda Puntland ay ka faa ideeystaan fursadaha waxbarsho waddankood augu timid anaga qurbaha dhibkaan ka marno rabi baa og. Fiicanaa waddankaaga inaad wax ku barato oo macalinkaaga, iyo ardadaba ay noqdaan kuwa aad somali isla tihiin waa wax aan la heli karin walaahi ee ka faa ideeysta walaalayaal.

    WAXAAN RAJEENAYAA INAAD KA FURTAAN FACULTY WAX TAR LEH SIDA MEDICINE, ENGNEERING, NURSE IYO BEERAHA OO AH WAXA KALIYA WADDANKII MAANTA LOOGA BAAHAN YAHAY SIIBA PUNTLAND.

    GUUL ABAN IDIIN RAJEENAYAA.