Agaasimaha Warbaahinta Horseed Media oo Xorriyadiisa dib u helay(Sawiro+Cod)

Waxaa saaka Xorriyadiisa dib u helay Agaasimaha Warbaahinta Horseed Media Eng.Cabdifataax Jaamac Mire oo mudo ku dhow saddex bilood xabsiga weyn ee magaalada Bosaaso ku xirnaa.

Suxufiyin,ganacsato,Ehelada weriyaha iyo dad kala duwan ayaa saaka isu tegay banaanka weyn ee xabsiga magaalada Bosaaso halkaas oo ay ku sugayeen Agaasimaha Horseed Media oo shalay Madaxweynaha Dawladda Puntland ku dhawaaqay inuu cafis u fidiyey.

Cabdifataax Jaamac Mire ayaa markii lasoo daayey salaan iyo marxabayn la maray dhamaan dadkii ku sugaayay xabsiga Bosaaso,waxaana wejigiisa ka muuqday farxad badan.

Agaasimaha Horseed Media oo shir jira’id oo kooban u qabtay Saxaafada ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu hanto xorriyadiisa,waxaana uu u mahadceliyey dhamaan dadkii ka qayb qaatay sii deyntiisa isagoo sidoo kale u mahadceliyey Madaxweynaha Puntland.

Maqal Waraysiga kooban ee uu baxshey Cabdifataax Jaamac Mire [powerpress]

Sidoo kale wuxuu isla maanta dib ula midoobay qoyskiisa iyo caruurtiisa oo iyaguna si aad ah usoo dhoweyeen xorriyadiisa.

Dhamaan bahda Saxaafada Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyey sii deynta Agaasimaha Horseed Media oo 14-kii bishii August maxkamada darajada kowaad ee gobolka Bari ku xukuntay 6-sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed $500-doolarka maraykanka.

Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »

Comments

  1. C.Majabe says

    Mashaalaah C/fataax Waa Guull Aaad Gaartey sxb Faroole kuma soo deen Nin kale kuma soo deyn Ee Sxb Mcn Xaqa ku soo Furay waxa la Yari XAQA Hadii Afka La Qabto Feeruhu Ka dilacaa Marka sxb Nolol wanaagsan Iyo shaqo Fiican ayan ku rajeynahyaa Xaqu Ha bato Baddilka iyo Dulmigu Ha haro 4 LONG LIFE SXB Waana ku salamayaa

  2. A suni says

    Gobanimada waa loo go’aa..
    Adigoo xoraad dhaltay,waxaanad dhimanysaa adoo xora insha allaah…waxaan aad ugu faraxnay inaad dib u soo ceshatay xoriyadaadii, ilaahy baan mahadaa iska leh ,waxaa kaloo mahadaa leh cidkasta oo u guntatay dib u soo ceseshada xoriyadaadii lagaa qaaday adigoon haba yaraatee wax danbi ah galin,iyadoo loo maray in arintaa la cadeeyo dariiqa ugu haboon ee qaynuuniga ah.haybada maamulka inga dhexeeya in la ilaaliyo waa muhiim ,waxii sharci lagu waayo, fawdo laguma helaayo…in shacabka reer puntland midaa ogaadaan waa lagama maarmaan. warysigii aad bixisay waxuu tilmaamya sidaa u tahay masuul,aad baan looga wada mafsuuday.waxaan ka rajynaynaa madxwaynaha iyo maamulku inuuu dib u fiiriyo xaaldii keentay dhacdadan in dib loo saxo,lana siiyo tixgalin dhibanha .
    waxaan kuu rajyanayaa guul …dalkana horumar iyo wax wad qabsi.

  3. hibaaq says

    ALLXAMDULLILAH MANSHA ALLAH CABDIFATAX WAXAN KU LEEYAHAY WELCOME ILLLAHBAA MAHADLEH MANTA ADO NABADQABA REERKAGA IYO EHELKAGA KUGU SO CELIYEEY MANSHA ALLAH WE ARE VERY HAPPY FOR YOU AND YOUR FAMILY ILLAHI HAKU XAFIIDO WALAL DHAMANTEEN AMIN

  4. m000771 says

    Markii horaba haqdaro ayuu ku xirnaa,Eng. Abdifatah J. Mire,agaasimihii horseedmedia,marka waxa ay ahayd in maamulko uu raali galin ka bixiyey,xadgudubka ay u gaysteen,muwaadinka aan sinaba danbi u galin.waxay tani muujinaysaa,in weli Puntland,aysan ka hirgelin,dhowrista xuquuqda suxufiyiinta,tani waxa ay timid kadanbow cadaadis la saaray xukuumada puntland,oo ay arintani ku noqotay waji kabax iyo fuulxumo.marka anigo ma qabo in wax wanaag ah loo tiriyo maamulka puntland siidaynta,muwaadinkan,aan markii horaba gelin,wax danbe ah,waxaan qabaa in mahada arintani ay leeyihiin.waa ugo horayne,maamulka horseedmedia,oo had iyo gooraale,u doodi jiray xasuusinjirayena,aduunka in uu weli,xabsiga ku jiro, Abdifataah J.Mire,waxaa kaloo qayb ka qaatay,aqristayaasha horseedmedia,dadwaynaha reer puntland ee cadaalada jecel,ururada xuquuqda suxufiyiinta ee dalka iyo dibada,marka waa kuwaasi ku leh mahad celinta ee malaha maamulka puntland.

  5. Hanuuniye says

    Marka hore aad ayaan ugu faraxsanahay siideynta C/fitaax. Waxaanse aad ugu sii faraxsanahay sida sharafta iyo maamuusku ku dheehanyahay ee uu u hadlay isagoo uga mahad celiyey madaxweynaha inuu ka cafiyey danbi uusanba gelin. Tani waxay ku tuseysaa sida C/fitaax ay uga go antahay u adeegidda iyo horumarinta reer Puntland oo lagu eedeeyey inuu ka soo horjeedo. cajaaib badanaa

  6. kaxgage2010 says

    Masha alah wan ku faraxsan ahay sideed Abdifitah jama mire waxan leyahay waxa tahay halyeyga saxafada hana ka laban mawqifkaga geesinimo aad saxafada u heyso thanks 2 be god

  7. Isuqabe says

    Waan ku faraxsanahay soo deynta Cabdifataax, soo dhowow baan ku leeyahay, laakiin shacni iyo wanaag baaba lagaa muujiyey e, show waaba lagu caddaadaa xabsiyada!.

    • abdirahman-laaso says

      isuqaboow miskiinka hakudigan,wax xoriyadda kawacan caalamka laga waaye.xabsina meel lagu wacnaado kadheer.

  8. baaruud says

    asc

    Waxaan leeyahay marka hore hanbalyo c/fitaax jamac mire marka xigana waxaan leeyahay saxbadaa wakuu xiiseen ree horseed iyo dhamaan umadaadi oo idil .waxaad ka arki kartaa agaasimaha jacaylka iyo hilowga loo qabay sawirada ankee askarti ba qoslaysa kkk ,waxaan umahad celinaya madaxweynaha Puntland ,hadalkayga waxaan kusoo gabagabaynaya war ogaada oo ogaada inaynu cadow leenahay jabkeena jecel ilaahay hajabshee ,

    Puntland GUUL

    Puntland Guul
    Puntland GUUL

    Puntland Guul
    Puntland GUUL

    Puntland Guul
    Puntland GUUL

    Puntland Guul

  9. maxamed says

    waa arin wanaagsan soodaynta c/fitaax jaamac mire wuxuuna u hadlay si muwaadin nimo ah madaxweynuhuna waa ku mahadsan yahay soo daynta c/fitaax jaamac mire ok thanks waxaana kale oo aan u sheegayaa c/raxmaan soomali hadase labaxay c/raxmaan laaso adigu kama hadli kartit arimo siyaasadeedc ama saxaafadeed waayo qofka hadii jirka iyo lama uu kaxulo cudunka xun ee qabiilka layiraahdo wax figrad ah oo saliib ah makeeno marka allah kusoo hanuuniyo aamiin amin arintaydu waa wax tusid ee maaha personal attack

  10. dhabanaha says

    Masha,allah aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay maadaama La sii daayay Muwadinka Lagu Magacabo C/fataax waxana leeyahay Soo dhowoow walale waxad nagu haysay Murug hadaanunahay Bulsha weynta Somaliyeed waxana ku leyahay Mabruuk

  11. says

    salan ka dib saxaafada puntland waa waxaan ku iraahdo sheeg waxaan kuu diido hasheegin hadaad sheegto sidii c/fitaax baan kuu xirayaa
    sidaas ma ahaa saxaafada xorta ah waxaan u shegayaa maamulka puntland oo faroole hogaamiyo sidas xaq ma oo hadaad qalad gasho oo aad ka gasho dal iyo dadka waa lasheegayaa sidaas ula soco

  12. abdirahman-laaso says

    mudane.cabdifataax soo dhawoow,ugu maadan horayn mid layska xidho loona awood sheegtee.waase aduunyoo haqariibsan waxaas iyo waxkadaranba kafilo.

    waa in aadse adeecdaa madaxweyne faroole,oo aad iska ilaalisaa waa in aadan waxba kaqorin,kooxduu dhaleecooyin ,adna dhaleecee,kooxduu ka horyimaado siyaasadday wadaba adna kahor imaw.kushaqee amaradiisa, horseedna sidii warbaahin maamulku leeyahay ha udhaqanto. faallo haka qorina siyaasadda faroole,hafalanqaynina arimihiisa,barnaamijyada aad soo baahinaysaan marka hore madaxweynaha soo mariya ,hadduu mashquul yahayna wiilkiisa soo mariya.siyaasadda faroole meel ha uga dhicina,hadalkiisa soo xigta,kooxduu fidmo wadayaal ugu yeedho idinkana ugu yeedha ,kuu nabad diidna uraaciyo idinkuna dhawr kalmadood uraaciya oo aad kusii qancinaysaan,haddaydaan sidaa yeelin kala nabad gelimaysaan,anna nabadgalyadiina ayaan idiin tilmaamaye ila qaata. haddii layga maqlayana waxaan odhan lahaa dhamaan warbaahinada PL,hadday tahay RADIO,TV,WEBsite IN AY xukuumadda hoos yimaadaan oo ay xukuumaddana lawareegto si wadanku horumar ugaadho. weriyuhuna unabad galo.

  13. says

    scw runtii waxaan aad iyo aad ugu farxsanahay sidaad u tahay muwaadin oo dhibkii laguu geestay aadan waxba kasoo qaadin iyo xoriyadii lagaa qaaday siideytii cabdi fitaax jaamac mire uu ku helay xoriyadiisii waan u hambalyeeynayaa mida kale
    waxaan u sheegayaa shacab reer puntland xariga cabdifitaax waxaa ka dambeeyay nin ka faroole lagu sheego
    mida puntland waxaan u sheegayaa gaar ahaan faroole waxaad sameysay dulmi waxaa lagaaraabaaraali gelin in aad ka bixiso magdhaw waxaad seegaty wax ku qasbay been baad sheegaty nin wey oo masuul ah baad sheeganeysaa laakinse waxaa kaa liita kuwaad xilka u heysid beenta masabidka waa xaaraan diintai slaamka c/fitaax been baad ka sheegay saa
    waxaan ugu dambeyntii kuu sheegayaa adiga faroole ah iyo kaad dhashay australi qaxootiga ku ahaan jiray puntland dulmiga aad ku wadaan shacabka reer puntalnd

  14. Janagale says

    Masha allah si wanaagsan oo Muwaadin nimo ah ayaad u hadashay ILAAH HAKU NABADYEELO.

  15. puntlandeers says

    let me take this apportunity once and again to thank the puntland president his excellency Abdirahman farole for implementing his decision more concerned the releasement of Abdifata Jama Mire .

    let me also take this opportunity to wellcome back our dear journalist abdifitah jama mire , we have rilly missed u and your programmes as well as your experiences towards the conrtibution Horseedmedia.