Shirka Saddex Geesoodka ah ee Kampala Xal Mise Xujo?

Waxaa ka socdey dalka Uganda shir saddex geesood ah kaas oo u dhexeeya madaxda u saraysa dawladda federaalka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya.

Shirka ayaa  daba socda shir ay dhawaan kooxda caalamiga ah ee xiriirka la leh Soomaaliya ku qabsadeen dalka Uganda, kaas oo ay uga hadleen qaabka loo maareynaayo xiliga kala guurka ah ee dawladda kumeelgaarka ah, isla markaasina  ay ka soo saareen baaq ay u jeedinayaan dhinacyada dawladda kumeelgaarka ah waxaa ay  u jeediyeen digniin ah in ay waayi doonaan kaalmada caalamiga ah ee dawladu ku taagan tahay

Saddexda nin ee  kala hoggaamiya hay’adaha dawladda kumeelgaarka ah ayaa isku soo horfariistey wadahadal toos ah kaas oo lagu tilmaamey in uu yahay mid lagu gorgortamaayo awoodda dalka dagaaladdu la dageen ee Soomaaliya.

Saldhiga Khilaafka.

Khilaafka ba’an ee u dhexeeyey Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Shariif Xassan Shiikh iyo Madaxweynaha ayaa soo jiitamaayey tan iyo markii Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu Raysalwasaare u magacaabey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, magacaabidaas oo la sheego in aanu kala tashan Afhayeenka baarlamaanka oo isagu jecel in uu shukaanta dawladda wax ka hayo markasta.

Khilaafka ayaa salka ku haya awoodqabsiga dawladda iyo weliba hay’adaha kala duwan kuwaas oo ay ku jiraan magacaabida safiirada metala dalka jiritaankiisi ceeryaamadu isku qarisey.

Shariif Xassan Shiikh Adam oo lagu tilmaamo nin galaangal xoogan u leh siyaasadda Soomaaliya isla markaana saameyntiisu ay soo baxdo, ayaa qaadan waayey magacaabistii Farmaajo, waxaana uu isku dayey in uu Baarlamaanka hortiisa isbaaro u dhigto taas oo soconweydey laakiin wadahadal dheer kadib lagu guuleystey in Farmaajo helo  codka kalsoonida.

Sidoo kale dhismihii golaha wasiirada ee Farmaajo ayey la soo gudboonaatey caqabad kadib markii uu ku dhawaaqey gole wasiiro oo aad uga yar kuwii hore isla markaana u badan wejiyo cusub marka laga reebo wasiiro uu si gaar ah u watey Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed. Arintaas ayaa dhalisey in Afhayeenka Baarlamaanku uu mar kale isku dayo in uu is hortaago ansixinta golaha wasiirada taas oo ugu danbeyntii looga guuleystey, isla markaana la meel mariyey.

Marka laga yimaado dhacdooyinkaas waxaa jirey khilaafaad dhanka maaliyadda iyo lacagaha deeqaha ah ee soo gala dawladda federaalka iyo weliba heshiisyada shirkadaha oo u dhexeeyey Madaxda Dawladda Federaalka.

Shariif Xassan Shiikh Adam oo qaba ciilkii iyo caradii uu ka qaadey Shariifkii ay muddada jaalka ahaayeen ayaa go’aan ku qaatey in uu fagaaraha siyaasadda ee Soomaaliya ka saaro kana tirtiro Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha isaga oo u gogolxaarey arrintaas, kadib markii xildhibaanadu xilka kororsadeen muddo saddex sano ah, isla markaana uu magacaabey guddiga doorashada Madaxweynaha iyo guddoomiayaha baarlamaanka.

Dhanka kale Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha oo la dhihi karo waxa ay ahaayeen kuwo isku mawqif ah ayaa dhankooda sameeyey dedaal iyo guluf siyasadeed kaas oo ay ku baajinaayanaan in wax doorasho ah ay dhacdo sanadkan, waxaana ay isticmaaleen waddooyinkala geddisan kuwaas oo ay u muhimsan tahay, Dagaallo lagu qaado kooxda al-Shabaab, dagalaadaas oo ka dhacay gobolada Gedo, Hiiraan iyo banaadir waxaana ay ka sameeyeen xoogaa horumar ah, sidoo kale waxa ay soo abaabuleen haweenka iyo caruurta kuwaas oo ku taageeray mawqifka Xukuumadda ee ah in sanad lagu darro, waxaa arintaas dhinac socdey shirar isdaba joog ah oo loo qabanaayo odoyaasha dhaqanka ee gobolka Banaadir.

Bulshada Caalamka.

Sababaha khilaafka waxaa hooyo u ahaa waxa loogu yeero beesha caalamka oo iyagu ah dawladda dhabta ah ee Soomaalida, kuwaas oo dano iyo damac kala geddisan ka leh arrimaha Soomaaliya.

Shirkii Urur Goboleedka IGAD ay ku qabsadeen Adis-ababa ayey ku soo bandhigeen sida ay ugu qanacsan yihiin in baarlamaanka Federaalka waqtiga loo kordhiyo marka la gaaro mudadiisa, waxaana ay ishaareen in ay macquul tahay in laba sano iyo ka badan loo kordhin karo, waxaana qorshahaas hormuud ka ahayd Dawladda Itoobiya oo markaas falkineysey ismaandhaafka loo caalwaayey ee ka dhexbi waayey dawladda federaalka, taas oo damac gelisey Afhayeenka baarlamaanka Federaalku in uu noqon karo Madaxweynaha bedalaaya Shariif Shiikh Axmed.

Beesha caalamka oo uu hormuud u yahay Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Augustine Philip Mahiga ayaan marar badan ay ka soo yeertay aragtiyo kala duwan ee ku aadan qaabka looga gudbaayo, inkasta oo Mahiga muujiyey marar badan sida ay macquul u tahay in muddo sanad ah loogu darro dhamaan hay’adaha dawladda ayaa haddana marar badan ku celiyey in doorasho dhici doonto.

Shirka Kampla.

Shirka saddex geesoodka ah ee u dhexeya laba shariif iyo Farmaajo ayaa meesha ka saaray shir wadatashi ah oo 12 bishan Juun ka dhici lahaa magaalada Muqdisho, waxaana muuqatay rajo lagu soo afjari karo khilaafka dawladda kaas oo salkiisu yahay awood qabsiga iyo maroorsiga talada dalka dagaaladdu aafeeyeen ee Soomaaliya.

Wadahadalka ka socda Kampala ayaa markii hore ku bilowdey in la isku soo horfariisyo Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Afhayeenka Baarmaanka, kuwaas oo ku guuldaraystey fadhiyo ay horey ugu yeesheen magaalada Muqdisho, Wada hadalka cusub ee Labada shariif uga bilowdey dalka Uganda ayaa saameyn ku yeeshay isla markaana lugaha la galay in lagu gorgortamo awoodda dalka, kadib markii la sheegay in la isku raacey in la qaato codsigii hore ee xukuumadda kaas oo ahaa in doorashada dib loo dhigo tan iyo sanadka 2012.

Shariif Xassan Shiikh Adam ayaa dhankiisa sameeyey tanaasul ah in uu ka horo saddexda sano ee Baarlamaanku ku darsadey laguna soo koobo muddo laba sano ah kadib Shirkii Kenya bishii April ee la soo dhaafey, taas beddelkeeda ayuu soo jeediyey in la baddelo raysalwasaaraha ama isku shaandheyn fiican lagu sameeyo dawladda, taas oo ay dheertahay gorgortan dhaqaale.

Raysalwasaare farmaajo oo markii hore ka maqnaa wadahadalka ayaa maalintii shalay (Talaado) khudbad dheer oo qaadatay 45 daqiiqo ku weerary wadahadalka labada shariif waxaana uu si gaar ah ugu tilmaamey khudbadiisa Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh Adam oo ku tilmaamey nin aan wadin danta Soomaaliyeed.

Khudbaddaas kadib waxaa uu si deg-deg ah ugu duuley dalka Uganda, waxaana wadahadalkii noqdey mid saddex geesood ah, taas oo magac looga dhigey gorgortan siyaasadeed.

Maxaa shirka ka soo bixi kara?.

Shirka saddexgeesoodka ah ee u dhexeeya madaxda Federaalka ayaa la filayaa in ay ka soo baxdo wax lagu sheego heshiis kaas oo lagu qaybsanaayo golaha wasiirada iyo weliba dhaqaalaha dalka, arrintaas ayaa saameyn ku yeelan karta golaha wasiiradda ee hadda jirta, inkasta oo raysalwasaare Farmaajo balan qaadey in haddii la isku dayo in la beddalo  mid kamid ah wasiiradiisa uu is casilaayo taladana uu u celinaayo shacabka sida uu yidhi.

Dhanka ale waxaa ka soo bixi kara in la magacaabo raysalwasaare cusub kaas oo la lugooyo mudada sanadka ah ee la hadal hayo in la isku waafaqey in lagu daray xiliga hay’adaha dawliga ah ee kumeelgaarka ah.

Sidoo kale natiijada shirka ayaa noqonkarta mid ku dhamaada fashil sida kuwii hore taas oo horseeda in ay soo baxdo awood kale oo la loolanta midda madaxweyne Shariif isla markaana magaalada Muqdisho laga helo laba madaxweyne oo aan talo gacan ugu jirin.

Doorka Puntland.

Dawladda Puntland oo dagaal siyaasadeed oo xooggan la gashey dawladda kumeelgaarka ah ee hadda jirta, ayaa ka maqan wadahadalka iyo wadatashiga u socda dhinacyada dawladda kumeelgaarka ah, inkasta oo la dhihi karo Dawladda Puntland waxa ay xulufo la tahay dhanka Afhayeenka Baarlamaanka ee doonaayey in la qabto doorasho taas oo Puntland geed dheer iyo mid gaaban u kortey sidii doorasho loo qaban lahaa, taas oo kaliftey in markii u horeysey shaqaalaha dawladda iyo ciidamada Puntland aysan qaadan wax mushahar ah, dadka qaarkiisna aaminsan yihiin in Puntland gashey  olole siyaasadeed.

Haddii aysan wax doorasho ah dhicin sanadkan, waxaa la dhihi karaa dedaaladii Dawladda Puntland waxa ay ku dhamaadeen guuldarro, waxaana xarig jiidku geli doonaa Puntland oo geli doonta weji ka duwan midka ay hadda ku sugan tahay.

Gebagebo.

Waxaa la isweydiinayaa halka ay caga dhigan doonto Dawladda kumeelgaarka ah ee ku jirta dhalada quraarada ah ee sida fudud ku jabi karta, shirkan hadda uga socda ma noqon doonaa bilow wanaagsan oo ay hesho dawladdakueemlgaarka ah mise waxa uu noqon doonaa dhamaadkii iyo dhimashadii Dawladda.

Ismail Haji Said
Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »

Comments

  1. Madar says

    Haddii aysan wax doorasho ah dhicin sanadkan, waxaa la dhihi karaa dedaaladii Dawladda Puntland waxa ay ku dhamaadeen guuldarro ..waxaa halkaas iiga cad in qoraagu uusan aheyn ildheer garad ama qof siyaasada Puntland la socda, Sabab. Puntland waxay u cararaysay way heshay oo ah in arimaha somalia Cod iyo Cad ku yeelato kuna hesho waa kow ta labaad Puntland waxay ka mid tahay awood qaybsiga lagu heshiiyay oo hada kadib cidii federaalku kasoo magacaabayo deegaanada Puntland waxaa qasab ku ah inuu maamulka kala tashado, waa labo. Mida sadexaad waxaa heshiiska ku jira in TFG ay hirgaliso heshiisyadii Puntland iyo AhluSuna ay lagashay, waa sadex..Marka suaashaydu waxaa weeye guuldarada uu qoraagu sheegay xaguu ka keenay mise isagaa la jeclaaday.. Wixii fikir kale qaba way ka hadli karaan..

    Mahad Gaar ha Horseedmedia..

  2. xaqiiqo says

    waxaan marka hore salamayaa ISMAIL HAJI SAID. oon ugu hanbalyeeynaayo qoraalkiisa qiimaha badan ee u muuqda mid dhex dhexaada arigtidaayda,
    al muhiim somaali ayaa tiri ISKU DAALAYE MAXAAYNO DANA. hadaanu nahay maanta reer puntland siyaada somaliya waa ku fashilanay. faroole waxa uu marti u yahay shariif sAkiin, ok farmaajo tagyay waxaay su’aashu tahay maxaa ka danbeyn.
    balaan dhoowro

  3. macadde says

    Asc bahdeydooy
    Ismail waad ku mahadsan tahay faallada qotada dheer aa aad noo soo jeedisay. Waxan ku dari lahaa “baadida ninbaa kula daydayi daalna kaa badane oo doonaheyn Inaad heshaa daaim abidkaaye”. Walaal Beel caalam iyo mid soomaaliyeedba ma doonayaan in dawlad aanu noqono waayo mar kasta oo dawlad la magacaabo waa ku meel gaar ka garo magaca, goortu xal u yara dhowaado oy awood is bido ayaa la luqun jibaaraa. Ilaah soomaali ha u noqoto oo ha aaminto ku filane intase ajnabi xal la weydiinayo wacade gumeysi kuu tali bay ku dambeyn oo haddaba maskaxdii iyo caqligii ayuu naga haystaaye Wii soo noqon oo na raran.

  4. AMSHIRE says

    Salaan ka dib..

    Dawlada Puntland oo uu Faroole gaadhwadeenka ka yahay, Waa ku fashilantay xaga siyaasada Puntland iyo Federaalkaba, wa khald waxa faroole aaminsayahay in dadku ku taageeraan. Puntland waxay ka tirsantahay Federalka wana qayb ka mid ah somalida, reer kasta Gobolkasta waxay ku leeyihiin xildhibaano cid u metesha DFKG oo mudo badan la tashiyo iyo wakhti dheer oo la fadhiyey shirkii Kenya ee lagu soo dhisay DFKG ah ee Maanta shaqaynaysa.

    Faroole waxa uu dhahay waan kala noqday kalsoonida DFKG, waxa is waydiin leh faroole horta muxuu isagu yahay, awood intee le eg buu leeyahay, qayb xitaa kama ahyn dadaaladii lagu soo dhisaayey DFKG oo juhdiga iyo dadaalada faraha badan lagu lumiyey.. Waa nin hurda faroole oo walan oo Mucangag ah oo aan u qalmin, jagada uu hada ku fadhiyo, wax kale iska daayoo tolkii buu is nacsiiyey.. Puntland waxa uu ka dhigay Garoowe, qabaailadii kale oo wax ka dhisay Puntland sumacada ku lahaa, maanta iyagaa cadow isku ah, reerkasta waa tashaday maanta kii SSC dhisan laha Raascaysar ama Maakhir State dantooda bay garteen baan aaminsanahay…
    Faroole maanta dan uu uwada ma jirto reer Puntland ta uu is nacsiiyey waa nin jago u ordaaya.. lakiin hammigiisu u been sheegay!!

  5. mudugland says

    abdulkari walale farmajo sxb puntland wa la noqon lahaye malinkii la doorteyba way ka so horjeesteen intani cid kale ka so horjeesan waxa ka so horjeesteyna maaha shacanka wa maamulka oo ugu horeeyo faroole lakin waxa xusid mudan in raisul wasaruhu qabtey wax weyn oo somaliya an la arkin last 20yrs marka hadii uu is casilo wixi waxay noqon hal bacaad lagu lisay

  6. Abdikadir says

    Ismaciil, aad ayaad u mahadsantahay faalladda dheer inkastoo aysan meelaha qaar aysan qoto dheereen ama aysan ahayn ( good political analysis)… waxaan rabaa inaan ka hadlo mowduuca aragtida puntland… ee aad qaybta danbe kaga hadashay..

    1- Ka dib hadalkii Madaxweyne Musaveni ee waqti kordhinta puntland waxaa ku dhacay Challenge adag oo ay tahay inay ka gudubto siyaasad ahaan.. maxaa yeelay madaxweyne musavei waa active player ayuu ka yahay somalia, ma aha passive, walibana waa constructive ma lahan sida ethopia ( destructive role)..

    2- waxaa laga ma maarmaan noqotay in uu begining yimaado, ma aha mowqif ah xoojin kii horay u jiray ee bilow..

    3- Puntland ma aha qayb (toos ah) is haynta TFI da, taasi waxay u dhexeysay TFP oo dhinac ah iyo TFG iyo Madaxweynaha oo dhinac ah sidaa daraadeed waxuu focus keedu yahay in ay (path) xoojiso ee ma ahan in uu qof meesha ka tago ama qof meesha yimaado…

    4- wadada ay raadinayso mar 2aad inay socodsiiso waa wadadii Dowlad federal ah oo uu horistaagay Sh.sharif markay is qabteen Abdirshid A. Sharmake.. hadii aad fiirinaysay hadalka Farole waxaa ka dhex muuqday (transitional tasks) iney ku guuldaraysatay dowladda uu hogaaminayo Sh. sharif, excutive keeduna uu hogaamiyo farmajo oo aan ahayn saaxiib dhow ee puntland… oo u janjeera dhinaca dowlad central state ah..

    5- yes, tanaasul, laakiin tanaasul with good alternative, dad badan ayaa aminsan inay ku guuldaraysatay puntland inay Sharif ahmed meesha ka baxo sidaad qortay, laakiin taas in la qoro waa pre-mature..

  7. puntlandeers says

    Adeerr Farmaajo guuxiisu ka dheereyey , waxa mooda inu aha nin wacyi ga aan in badan la socon meshan ninkasta wa lacag doon soomaliduna waxa ay tirahadaan biyo ka badan iyo dad ka badan labaduba wa ku hafajiyaan taas waxa sii raaca waxa la rabay inu is adkeyo oo diido is casilaada waayo barlamaan xilka ka ma qaadin isaga iyo madaxweynuhu wa isku awood oo baarlamaan oo qura ka qaadi kara mida kale farmaajo puntland buu faragalin xun ku hayey marka anigu shaqsiyan kama xumi in la ceyrsho ee waxa ay ila tahay waajibkiisi ba la marshay waxa uu matala besha darood , waxa la raba inu si wacan u matalo besha darood ee waxa uu noola yimi wax aan fahmi weynay..

  8. kaafi2001 says

    Waxaa hubaal ah in uu is adakayn doono Farmaajo laakiin Xisaab xoogle ay aamusin doonto.Waayo waxa ugu daran oo hada la ogaaday ayaa noqotay xisaab fiican hala siiyo hana kabaxo meesha.Taas oo la ogaaday in ay tahay shaqsiyada qofka soomaligaa,

    Laakiin maxaa u dan ah Puntland ayaa is waydiin leh,Farmaajo 6 bilood oo xukun ka hayay maalina ma tagay magaalo Puntland ah? maxay marka noogu dhisantahay tagistiisu wax u gaysan mayso Puntland.

    Marka hadaad dawlad wanaag ku sheegto reer puntland na tahay maxuu kuu qabtay? bal intaas is waydii marka hore.

    • mudugland says

      walal kaafi mahadsanid wa run wa ku qaldan yahay inuu san tagin puntland lakin dagaal ayuu ku jirey mida kale puntland iyo dowladda xurguf yar aya u dhaxaysay waxayna ka bilaabatey markii farmaajo la doortey maxa loo doran wayey nin puntland ka yimid waa qadob.
      qodobka labaad farmaajo dadka somaliyeed aya jecel waxqabadkiisa iyo nidaamka uu hadda xamar ka sameyey iyo guulihii isdaba jooga ahaa.
      marka yaanaan firin danta puntland ee an fiirino danta qaranka somaliyed taas ayan mustaqbal ku wada gaari karnaaa kagana bixi karnaa dhibaatooyinkan isdaba jooga ah somalia ku habsatey.
      mahadsanid waxan jecel ahay inad dareento qaranimo ee anan firiin qabiil ama qolo waayo hadii si loo eego farmajo nagama wada dheera

      • says

        Intaan oran lahaa @mudugland baa sheegay, danta gobolkaaga iyo reerkaaga tan wadanka ayaa ka horaysa,taasna wax aan soomaalida ku laabayo ma ahan maxaa yeelay maraykan markay dowladaan wayn dhisayeen ragbaa lahaa gobolkayaga hanaloogooyo, laakiin waxaa ka xoog badnaatay intii midnimada rabtay.Soomaaliya taas ma laga heli karaa taasu waa Maya maanta?

  9. mudugland says

    tan labaad shacabka somaliyeed waxa la gudboon inay sameeyaan kacdoon la mid ah kan caaalamka oo kale si loo joojiyo kuwa raba somaliya inay iibsadaan oo koow ka yahay sharafi sakiin
    kaalinta labaadna ku jiro shariif xassan
    kaalinta sadexaadna ku shariif farooole

  10. mudugland says

    asc wan salamay bahda horseed media waxan dhihi karaah shirka sedex geesoodka ah wa xujo labada shariif waxay isku raaceen in farmaajo meesha laga bixiyo waayo waxa la arkay wax qabadkiisa meeshan koonfurtana lagama rabo inay dowlod ka so baxdo ay maamulan dad ku abtirsi ah dowladdii Siyaad Bare taasna waxa daliil u ah inay isku raaceen labada sharif in labadalo farmaajo.