Magacyada 10-ka Haweenka ee ugu Awooda Badan Caalamka (Sawiro)

Jariirada Forbes Magazine ayaa sanad kasta waxa ay soo saartaa qiimeyn ay  ku sameyso Haweenka Caalamka ee ugu awooda badan 

Majalada Forbes Magazine ayaa sanadkii 2004-tii waxa ay Bilowday qormo ay ugu magac dartay (10-ka Haweenka ee ugu Awooda Badan Caalamka) taasi oo noqotay mid ay dad badan aad u xiiseeyaan qiimeyntaasi, inkastoo ay jiraan dad kale oo aan la dhicin qiimeyntaasi.

Balse Jariirada ayaa dhowaan waxa ay soo saartay qiimeyntii sanadkii tegay ee 2011-ka, ay ku sameesay Tobanka  Haweenka ee Caalamka ugu awooda Badan.

Qiimeyntaas ayaa sanadkii tegay 2011-ka waxaa ku guuleesatay Haweeneyda Ra’isul Wasaaraha ka ah Wadanka Germalka Angela Merkel.

Merkel ayaa waxa ay ka hor martay Xoghayaha Arimaha Dibada ee wadanka Mareykanka Haweeneyda lagu Magacaabo Hiliry Clinton oo sidoo kale ah Afada Madaxweynihii hore ee Wadanka Mareykanka Bill Clinton.

Haweeneydii ku guuleestay Qiimeyntaan sanadkii 2010-ka Micheal Obama ,ayaa sanadkan ku guul dareestay in ay Booskeeda Xajisato markii ay Diiwaankaan ka gashay Kaalinta 8aad.
Hadaba Liiska Qiimeynta oo dhameystiran Halkan ka aqriso


1-Angel Merker, Waa ra’isul Wasaaraha wadanka Germany, Waxey Dhalatay Sanadkii 17 July 1954, Siyaasad ahaan Wadanka Germany waxa ay ka dhigtay mid ka dhex muuqdo Saaxada Siyaasada Caalamka.
sidoo kale Merkel ayaa  Waxa ay ku guuleestay in ay kor u qaado Dhaqaalaha Wadanka Germany tan iyo xiligii ay qabatay Xafiiska Ra’isul Wasaaranimada wadankaasi.

2. Hillary Diane Rodham Clinton, Waa Xoghayaha Arimaha Dibada ee Wadanka Mareykank, Waxey ku Dhalatay Magaalada Chicago Sanadkii 1947.kii

 


3- Dilma Rousseff, 14 December 1947 (age 64) ayay ku dhalatay Magaalada Bela Horizonte ee Wadanka Brazil, Waa Madaxweynaha wadanka Brazil, sidoo kale waa Madaxweynaha 7-da wadan ee Caalamka ugu dhaqaalaha Badan.
Haweeneydaan ayaa waxa ay ku Guuleesatay in ay ka hor tagto musuq maasuq badan oo ka jiray Wadanka Brazil.

 

 

 

4-India indra nooyi, Waxey ku dhalatay Magaalada Chennai ee Wadanka India, Waxeyna Dhalatay Sanadkii 28 October 1955 ,balse waxey heysataa Dhalashada wadanka Mareykanka.
Indra Nooyi waa Madaxa Guud ee Shirkada Cabitaanada ee Pepsi Cola, Waxeynka ku guuleesatay in ay kor u qaado dhaqaalaha soo galo Shirkada Pepsi Cola , 60 Bilyan oo Doolar ayaana lagu qiyaasaa Lacagta Sanadkii soo gasho.

5-Sheryl Sandberg, Waxey ku dhalatay Magaalada Washington, sanadkii August 28, 1969 , Waa Madaxa Shabakada Caanka ah ee Facebooka oo ah  meel ay Malaayiin qof oo Caalamka ku nool ay ku wada xiriiraan.
Waxeyna ku Guuleesatay in ay saro u qaado isticmaalka Shabakada Facebook, iyadoo Gaarsiisay in ay 700,000 ay isticmaalaan halkii markii hore ay isticmaali jireen 70 milyan oo qura.


6-Melinda French Gates, August 15, 1964 ayay ku dhalatay Magaalada Dallas ee Gobalka Texas, waa Gabadhii wax ka aas aastay Hay’ada gargaarka  Bill iyo Malinda Gates.
Waana Hay’ada kaliya ee si gooniya loo leeyahay ee ugu qanisan Caalamka, waxeyna Hay’adaasi Sadaqo ahaan u bixisaa Malaayiin Doolar.

7- Antonia Edvige Albina Maino (Sonia Gandhi,) waxey ku dhalatay Magaalada Veneto ee wadanka Talyaaniga, sanadkii 1946.
Waa Madaxweynaha Xisbiga Congresska Qaranka Wadanka India.
 

 

 

8- Michelle LaVaughn Robinson, waxey ku dhalatay Magaalada Chicago, sanadkii January 17, 1964 , waana Xaaska Madaxweyne Obama.
Marwada 1aad ee wadanka Mareykanka Michelle Obama ayaa la sheegaa in ayba ka caansantahay odaygeeda Madaxweyne Obama.
Micheal waxaa lagu amaanaa in ay ku muujisay karti dheeri ah, iyadoo sameesay qorshe lagula dagaalamo Cayilka xad dhaafka ah ee Caruurta aan qaan gaarin.

 

 

9-Christine Madeleine Odette Lagarde, Waxey ku dhalatay Magaalada Paris ee wadanka Fransiiska waana 56 jir.
Waa Agaasiamaha Hay’adaha Lacagta aduunka ee marka Magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan ( IMF ).
Christine ayaa ah Haweeneydii ugu horeesay ee Madax ka noqoto Hay’ada IMF-ta.


10- Irene Rosenfeld, waxey ku dhalatay Magaalada New York , sanadkii May 3, 1953-kii.
Waa Madaxa maamulka Guud ee Shirkada Cunada Sameysa ee  lagu Magacaabo Kraft, sidoo waxey Madax u taahy in ka badan 127,000 shaqaale ah.

Cabdiqani Cali Dalmar
riyaale10@hotmail.com
Horseed Media-Switzerland 

 

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »