Qardho: Ku-simaha Boqorka Daarood oo Qado-sharaf u sameeyey Wefdiga Madaxweynaha [Sawiro]

Ku-simaha Boqorka Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa maanta qado sharaf u sameeyey madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.C/raxman Shiikh Maxamed iyo qaar ka tirsan wasiiradiisa iyo nabadoonada ku nool magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar.

Qado sharaftan ayaa ahayd mid si heer sare ah u dhacday waxaana intii ay socotay mas’uuliyiintii lagu casuumey isweydaarsadeen hadallo ku aadan sida ugu haboon ee nabadda iyo xasiloonida guud ee gobolka looga dhigi lahaa mid sugan.

Wasiirk ku xigeynka arimaha gudaha Cali Yuusuf Cali xoosha oo saxaafadda la hadalay ayaa aad ugu mahadceliyey kusimha boqorka qadosharafta oo u sameeyey mas’uuliyiinta Dowladda iyo nabadoonada ku nool magalada Qardho,isaga oo sheegay in ay ku faraxsanyihiin sida ay nabadoona ugu soo qeybgaleen kulankan.

Gudoomiyaha Nabadoonada gobolka Karkaar Nabadoon Maxamed Aadan Cali oo ka mid ahaa nabadoonadii ka soo qeybgalay qado sharaftaan ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan madaxda dowladda oo ugu horeeyo madaxweynaha dowladda Dr.C/raxman Shiikh Maxamed oo magalada Qardho u joogo xalinta khilaaf u dhaxeeyo beelo walaalo ah oo wada dagan magalada Qardho,nabadoonka ayaa sheegay in aad ugu faraxsanyihiin qado sharafta oo u sameeyey kusimaha Boqorka Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Ugu danbeyntii kulankaani ayaa waxaa soo xiray kusimaha Boqorka Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo sheegay in Qadosharaftaan in ay ku aadantahay soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha iyo wasiirada la socda,waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay dadaalada uu madaxweynaha ka wado xalinta qilaafka u dhaxeeyo labada beelood eek u nool Qarhdo,waxa uuna rajeeyeyin dhawaan la xalindoono arintaas.

Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »