Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Oo Xudur Booqanaya

Wefdi uu horkacayo gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaarey magaala madaxda gobolka Bakool ee Xudur.

Wefdiga gudoomiyaha baarlamaanka oo xildhibaano u badan islamarkaana ay ku jiraan mas’uuliyiin uu kamid yahay taliyaha Booliska Soomaaliyeed iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey degmada Xudur.

Booqashada Shiriif Xasan Sh. Aadan iyo wefdigiisa ayaa noqonaysa tii ugu horeysey ee ay mas’uuliyiin ka tirsan kuwa ugu sareeya dowladdu degmada Xudur ku gaaraan tan iyo intii laga saaray Al-shabaab.
Wefdigan ayaa inta ay Xudur joogaan kulamo la qaadan doona saraakiisha ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Soomaalida ah ee dhowaan degmadaas la wareegey iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wefdigiisu ay degmada Xudur ku tageen ayaa kusoo beegmaya xilli inta badan degmooyinka gobolka Baay ay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanayaa la wareegeen, inkasta oo qaybo ka mid ah gobolka Bakool ay weli Shabaabku ku xoogan yihiin.

Dhowaan ayeyna ahayd markii sidan oo kale Shiriif Xasan Sh. Aadan iyo wefdi uu horkacayo oo xildhibaano u badani ay gaareen degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo iyaduna todobaadyo kahor ka baxday gacanta ururka Al-shabaab.

Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »