Shirweynaha Istanbul II oo maanta furmaya

Caasimadda 2-aad ee dalka Turkiga Istanbul waxaa maanta ka furmaya shirweyne caalami ah oo looga hadlayo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ragaadiyey dalka Soomaaliya.

Shirkan oo lagu casumey madax ka socota dalal badan oo caalamka ah ayaa waxaa sidoo kale ka qayb gelaya Xoghayaha guud ee qaramada midoobey, Ra’iisul wasaaraha Turkiga iyo dhamaan madaxda Siyaasadda ee dalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ugu sareeya dowladda Federaalka, madaxda maamullada Galmudug, Puntland, Somaliland iyo Ahlusunna ayaa dhamaantood ku sugan dalka Turkiga si ay uga qayb galaan shirka Istanbul II.

Shirkan oo ahaa mid horay loo shaaciyey islamarkaana ay dowladda Turkigu sheegtay inay marti gelin doonto kadib markii uu dhacay shirkii London waxaa la filayaa inay kasoo baxaan go’aammo wax ku ool ah.

Waxaana waxyaabaha diiradda lagu saari doono kamid ah: Siyaasadda, ammaanka, horumarinta arimaha bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalka Soomaaliya.

Shalay waxaa isla magaalada Istanbul kusoo gaba gaboobey shir muddo 3-maalmood ah soconayey kaas oo ay yeesheen madaxda dhaqanka ee Soomaalida iyo xubno ka socda bulshada rayidka ah.

Go’aamadii shirkaas kasoo baxay ayaa lagu wadaa in la horkeeno shirka maanta furmaya oo isaguna socon doona muddo labo maalmood ah.

 

Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »