Maqaal-Xagjirnimmadda Xalkeedu ma xabbad-baa ?

Mahad oo dhan Alle ayay u sugnaatay allaha (SW) leh Aduunka iyo Akhiradda iyo inta dhex taal, Wanaagsanaan bini,aadam waxaa leh Nabbi Muxamed (NNKH) 

Dalka Soomaaliya waa dal dawlad la,aani haraysay sababna ay u tahay dawlad la,aantaas xanuunka dhimirka waxyeeleeya ee Qabyaaladda oo iyaddu ah mid bini ,aadamka ay hab fakarkooda saamayso ka dhigta kuwo aan lahayn hab fakar curineed ku dhisan nolol wanaagsan ee aduunyo sidoo kale waxay waxyeello gaarsiisaa naawilitaanka guulaysasho ee abaalmarinta Alle (SW) uu u balan qaaday qofki u hogaamsama waajibaadka uu dul yeelay bini ,aadamka waa rumaynta diinta islaamka ka dib sidda wadaaddada diinta Fahankeeda yaqaani sheegeen.

Haddaba hogaan dhexe la,aanta Soomaaliya ka jirta ayaa keentay in wax kasta la fisho sidaan aragnay waxaa dalka Soomaaliya ka samaysmay Kooxyo diimeed kala aragtiyo duwan oo marxaladdo kala duwan soo maray ugu dambayn waxaa awood yeeshay kooxda Al shabaab ee iyaggu xambaarsan hab fakar ku dhisan carro,  in dadka  la cabsi galiyona ay u arkaan in Sidaas wanaag-sannaan iyo khayr ku imaanaayo kala dambayn iyo dawlad-nimmo ku dhisan Muslim-nimo barax la iyo Qowmi-nimmo Soomaaliyeed ay keenayso.

Aragtida Al shabaabnimmadda  ah ayaan oran karaa waa aragti casabiyad iyo xanaaq hogaanka u hayo , Fikir kasta oo xanaaq iyo carro lagu meel mariyo inta baddan ma ahaan karro fikir mirro dhal ah , Al shabaab waa jiraan waxyaabo ay ku saxan yihiin oo Fikir dhamaan wada qaldanni ma jiro marka laga tago garashada ay saamayso hab fakarkeeda Qabyaaladdu oo iyaddu marna aan lahaan karin wax wanaagsan .

Aan ku soo daadago Cinwaanka qormadayda ee ah Xagjirnimmadda Xalkeedu ma Xabdad-baa?  maya xagjirnimmo xalkeedu ma ahan xabbad iyo xarig toona ,Runti ma ahan aragti sax ah sidaan qabo in kooxda shabaab oo xabbad lagu dhameeyo ay dhacayso , dhanka kale waxaan ognahay Shabaab in ay yihiin dad Soomaaliyeed sidaas darteedna ma oran karo dad Soomaaliyeed halla laayo , dabcan waxay noqonaysaa hallala hadlo oo ha loo tago si meesha looga saaro aragtida wax laynaysa .

Akhriste waxa lagga yaabaa in aad isla markiiba la soo booddo ma shabaab ayaa wada hadal ogol ?balse waxaadan iswaydiin shabaab cid u tagtay ma aragtay oo Soomaaliyeed oo kala hadashay arimmaha ay wadaan iyo siday macquul ku noqon karaan madaamma ay leeyihiin waxaan u soconaa dalal kale oo Soomaaliya ayaa ahaanaysa halka aan Caalamka Mucatablayda ka waxyeelayno oo ay leeyihiin dhibaato ayay dunida islaamka ku hayaan , dabcan in Mucatablayda iyo Yuhuuddu ay dhibaato ku hayaan caalamal islaam waa mid aan daah saarayn … balse iswaydiintu waxay noqonaysaa shabaab ma waxay dhibaato gaartay mucatablayda u arkaan in la isku qarxiyo dadka Soomaaliyeed oo la dhaho gacanta mujaahidiinta ayaa gaartay?.

Aragtidaas Shabaabnimmadda ah ee ku xiran kooxda Al Qaacida ee sidoo kale ah Muslimiin caraddu hogaaminayso ayaan marnaba noqon karin mid la dhaho hala dillo , sababta oo ah Fikirku ma dhinto ee wax ka badalid ayaa lagu sameeyaa , Fikirka xagjirka ahi dagaal in looga hartago waa ku sii awoodsadaa taageero baddana waa ku helaa , markaasna waxaa dhacaaya dhimashada xaq daradda ah oo sii badata , markasta oo dhimashadda xaq daradda ahi sii badato dhibaatadu horay ayay u sii socon oo waa sii xoogaysan , wax ka badalidiisu  fikirkaas waa mid xilli kasta ah baahi taagan oo dad markaas dhibaato uu fikirku ku hayo ay u baahan yihiin oo looga fadhiyo indheer garad-keedu inay arinkaas ku dhaqaaqaan oo wixi saxanna la isla qaato wixi qaldana laga tanaasulo.

Akhriste ha filan in Shabaab ay la hadlaan oo aad qiil ka dhigto DKMG- ku sheega ku dhisan hab fakarka aan marnaba laga naawili karin khayr iyo soo celitaanka kala dambayn iyo dawlad-nimmo ee ah 4,5, Federal-ism iwm ,oo intuba ah kuwo ay Soomaaliya u doortay Qabyaaladdu ,waxaan oran karaa DKGM-ka ayaa ka qatar badan Shabaabka Tusaale hab fakarka ay DKMG-ku ku dhisan tahay waa mid horay usii wadaaya burbur iyo dhibaato ku sii jirridda Bulshada Soomaaliyeed ee la il daran hogaan la,aanta.

Haddaba xal raadinta waa inay jiraan Koox dhexe oo aminsan Muslim-nimmo iyo Soomaalinnimo oo u tagi kara shabaab oo oran kara aan idinla hadallo, halkay joogaana ugu tagga ,oo  dhaha aan aragti idinku darsano nagana ogolaada in wixi saxid u baahan ee dhankiina ah aad nala qaadataan haddaan markaas keeno aragtiyo caqli gal ah diinta islaamkana ku banaan tusaale shabaab-ka waxyaabahooda ugu qatarta badan oo meesha laga saaro sidda,  laynta dad Muslimiin ah oo Soomaaliyeed, Gaalaysiinta dadka Muslimiinta ah , dhibka Mucatablayda oo lagaga hor tago si xigmadda iyo Siyaasaddu ka maran tahay  Iwm , lala qaato oo lagu bogaadiyo ka marnaanta Qabyaaladda , yeelashada dalka Soomaaliya dawlad ku dhisan hab fakar  loo celiyo Shareecadda Islaamka, Meel marinta Reebidda diintu reebtay waxyaabaha dhibaatada u ah dadka Muslimka ah .

Kooxdan kale ee loogu yeero DKMG-ka ee maalinba maalinta ka dambaysa dalka ku soo baddinaysa ciidamadda Shisheeye ee meel mariya una shaqeeya Cilmaaniyada iyo caqlaawiyadda rabta inay bini ,aadamka  saxan ka kaxayso saxnaantooda , dabcan xal raadiyayaashu waa inay meesha ka saaraan kooxdaan DKMG-ka ah , Akhriste macnuhu ma ahan in aan loo baahnayn dawlad dalku yeesho oo doonitaankeedu yahay daryeelka dadka iyo dalka ee macnuhu waa DKMG-ka ah ee ku dhisan haf fakarka aan lahayn wax samaan ah ee ku dhisan kala qaybin iyo burbur horay usoo wadid waa inay meesha ka baxdaa oo la yagleeyaa dawladnimmo ay ku dheehan tahay Muslim-nimmo iyo Soomaali-nimmo.

Akhriste waxaa laga yaabaa in aad la soo boodo waa kuwee xal doonayaashu ?ma kuwo hadda muuqdo oo la yaqaanbaa ? waxaa dabiici ah in bulsho ka kooban qaybaha kala duwan ee daddeed ee dal ku dhaqani ay leeyihiin dad indheer arag ah oo aan u fakarin sidda shacabku u fakarayaan oo iyagga hab fakarkoodu ku dhisan yahay meel sare wax ka eegid iyo garashada ah in lagu midoobi karo oo kaliya aminitaanka caqiidada saxda  ah(Diinta Islaamka) iyo sidoo kale shacabnimmo, kuwaas waa leenahay waan maqalaa iyagga oo hadlaaya balse in la sheego sidda saxan oo kaliyi ma noqonayso meel marinta sidda saxda ah ee u howgalid ayay u baahan tahay , Doorka indheer aragaasu waa mid markasta baahidiisu meesha taal oo isagga ayaan xalka marti uga nahay, haddii uu iska fadhiyo uu uu sheegsheego uun siddaas ayaan ahaanaynaa , tusaale shabaab in la dhaleeceeyo oo la dhaho dad muslimiina ayay qarxiyeen ,dabcan dhaleecayntaasu  ma noqonayso mid fikirkooda hor istaagi karta , balse haddi loo tago  oo juhdi badan la galiyo siddi isbadal loogu samayn lahaa fikirkaas dadka aminsan waa dhacaysaa in xal yimaado .

Waxa la saxayaa ma noqonayso Fikirka Shabaabnimmadda oo kaliya waxaan ognahay inay jiraan waxyaabo ka qatar baddan shabaab sidda Qabyaaladda ,oo qabyaaladda iyaddu ma saxantee waa tuurid xalkeedu , Tusaale haddaad tiraahdo adigga oo qabyaalad aminsan shabaab waa masiibo Soomaaliya loo soo diray , waxaad iska indho tirsaysaa waxaad aminsan tahay inay shabaab ka qatar badan tahay ,

muddada 21-ka sanno ah waxa wax laynaayay waxay ahayd garasho la il daran Qabyaalad oo an samaan iyo xumaan kala garan karin …. waxaan maqlaa dad leh shabaab waxay sheeganayaan oo leeyihiin annagaa dilay dadka oo kama xishoonayaan inay dhahaan dad muslimiina oo Soomaaliyeed ayaan laynay , ma shabaab ayaa innoogu horeeya dad Soomaaliyeed oo sheegta dad Soomaaliyeed oo muslimiin ah oo ay dileen ? maya waligeen ayaan maqlaynay laba hogaamiye kooxeed odayeed dagaal galiyay dhalinyaro yaryar oo ah xoogi iyo xigmaddi mustaqbalka hadday barbaarin wanaagsan helaan ,

labaddaas horjooge koox odayeed (qabiil sidda Soomaaliddu u taqaan )ayaa midba midka kale ugu faanaayaa ” dagaalki maanta waan ku gacan saraynay oo dhowr iyo toban ayuu maydkoodu gaaraayay dhowr gaarina waan ka gubnay waana jabinay “ kala duwanaanshuhu waa Shabaabnimmadu waa muslimiin carooday oo caradoodu ku hogaamisay qaladaad waawayn balse inay qaldameen ma noqon karto in aan la sixi karin sheegashada urur diinneednimmo ayaa qofka ku dhalinaysa innuu dhaho shabaab waa qatar  , Balse qabyaaladdu waa waxa uu ku nool yahay oo lagu soo barbaariyay mana rabo in uu iyadda eego , balse waa muhiim in aad xanuunkaas ku haya dawo u hesho .

Waxaan ognahay oo Sooyaal taariikheedkeena soo jireenka ah ku haysanaa inaysan xal ahayn (Xumaan looga hortago xumaan =Samaan ) Tusaale Jabhaddihi Soomaaliyeed ee Ethiopia dagannaa ee ka soo dagaal galaayay ee sheeganaayay inay la dagaalamayaan XKHS ayna u arkaan innuu xumaan sameeyay oo dadka laynaayo ,isla markaana ay dhaheen annaguna daadinta dhiiga dadka ayaan wax ku saxaynaa , samaani maka timi ?maya  dhibaatadda dhacday ee aadka u qatarta baddan ee aan illaa hadda ku jiro saw taasu ma keenin , markaas shabaabnimmadda ayaan kaga hortagaynaa xabbad oo xabbadda ayuu xalku ku jiraa saw ma noqonayso wax aan macquul ahayn haboonayna in la sameeyo .

Arinka Soomaaliya maalinba maalinta ka dambaysa waa adkaanayaa oo dhibaataddu waa sii tamarsanaysaa, ilayn qabyaaladdi ayaynu haysanaa oo ah mashinki xumaanta dhaqaajinaayay ee horay u sii waday , balse markasta xalku waa jiraa , ma jirto aragti oranaysa xal ma jiri karo oo waxaa meesha yaal wax xalka gabbi ahaanba laalay,caqabad la yaqaan oo garashadu curiso oo xal diid ah ma maqashay waligaa ? xalka dhibkeena marka aan ka fakarayno ma soo qaadan karo dhibbane baahidiisa xalkeeda helay

Tusaale akhriste haddaan maqashay mufakar hab fakarkiisu uusan lahayn meel uu u noqdo balse leh nolol duniyeed horumarkeed ayaa fakaray Federal-ism waxaynu markaas isbarbardhig ku samaynaynaa in aynu qaadan karo fakarka ninkaas oo uu dhibkeena xalkiisu yahay , Isagga waxaa haystay awood kaniisadeed aan nolol quman ogolayn oo dadka maskaxda ka gumaysata ,innagu caqiido dhaba ayaynu haysanaa oo Islaam ah oo aan tijaabo ku jirin inay saxan tahay , isagga dadkiisu ma qabin xanuunka qabyaaladda ,innaga qabyaaladdu  dadkeenu waa midda dhibka u horseeday , isaggu ma haysan kitaabkeena oo kale ee leh “dhamaan xariga alle qabsadda hana kala taginna” sidoo kale leh “  mu,min-niintu waa walaalo” dabcan waa xayndaab mudan in aan laga bixin si aad mu,minnimada u xaqiijisato.

Tusaale kale akhriste ma soo qaadan karo aragtida baahane ee uu kaga hortagay kaligutalisnimmo ee uu keenay Awood Dadeed( Demo-Kratico) ee uu yiri fikirka saxani waa halkay dadku u bataan , fikirka laga dad bataana waa midka qaldan, dabcan arintaadu waa caqlaawiyad caqliga oo aan lahayn meel loo celiyo (Diinta islaamka) ma noqon karo mid curiya sidda saxda ah ee bini, aadam u noolaan karaan , Akhriste waa halka dhibaataddeenu ku sii xoogaysato qof arkay daganaan dhul aan dadkiisu Caqiido haysan oo uu markaas isbarabardhig ku sameeyo dadkeena iyo dadkaas uuna la soo boodo awood dadeed ayaan u baahanahay, halkaasna uu ka hor yimaado waddaad diinta yaqaan oo leh dadku awood ma yeelan karaan ay ku sameeyaan Wanaagsanaan iyo xumaan  oo Allihi (SW) dadka Sameeyay ayaa kala sheegay xamuunta iyo samaanta.

Akhrise Tusaalayaashan sare miyaysan meesha ka saarayn in wax cid kale inoo fakarto inay yihiin xal, in dad kale dhahaan shabaab waa qatar lalla-mana hadli karo … in hogaamiyayaasha al shabaab la dhaho lacaggo ayaan ku bixinaynaa oo waa qatar aan rabno in aan qabanno waa munaasib qabashadoodu , innaguna aan qaadano oo dhahno hala laayo ama aan aragtidaas cilmaaniyiinta aan soo dhowayno , Makula tahay Maraykanku inuu idin kala jecel yahay Akhriste adiga iyo Axmed Cabdi Godane ? innaga oo haysana kitaabka Alle (SW) uu ku sheegay biloow ilaa dhamaad dunnida korkeeda iyo Aakhiro wax jiray iyo wax imaan doona , haddi sidaas la qaado in dhibaato imaanayso , haddi siddaan la qaadona in khayr imaanaayo , siddoo kale aan haysano hab dhaqanki uu ugu dhaqmay Nabbi Muxamed (NNKH) innaga oo labadaas haysana saw ma ahan markaas haddana waxaynu u baahanahay inaynu caqliga ka shaqaysiino oo Kitaabka Alle ( Sw) , Sunnadda Nabbiga (NNKH) iyo waaqiciga is waafajino hab fakarkuna ahaado siddi nolosha horumar loogu samayn lahaa oo baahida loo fududayn lahaa, Midnimmo iyo walaalnimmona looga shaqayn lahaa looguna shaqayn lahaa.
Abwaan Cali Seenyo waxa uu leeyahay …

Dunnida Salow baa ka dhacay .
Seeskii nabaddaa la tiray .
Xilligan Seeftaa milgo leh .
Wadkaa loo sacab tumaa .
Suu baa lagu maamulaa.
Ninkii sado doonayaa .
Sadqada hanadduu qalaa.
Sul cawraa dunnida rogay
Wuxuu saataleey dul dhigay .
Dad aan Soortiiba hayn …….
Erayadda abwaanku waxay muujinayaan marka caqlaawiyadda iyo cilmaaniyadu sara marto in dunnida Dhiaabto ka dhacayso waliba dadka muslimka ah ay saamaynso dhibaata u baddani , sidoo kale waxa uu tilmaamayaa in aan xil lagu raadiyo dhimasho dad aysan xal noqon karin .
Waxaan ku soo dhamayn qormadayda dadka Soomaaliyeed qof kasti ha isku dayo in uu samaado oo iska daaweeyo xanuunka qabyaaladda , siddo kale kooxda shabaab waxaan oran  hab fakarka carrada iyo xanaaqu hogaaminaayo lagama naawili karo guulaysasho , dhimashada dadka muslimiinta ahina marna ma keeni karto khayr , Indheer aragga aan kor ku xusay ee xal doonayaasha aan ugu yeeray waxaan leyahay waa in aad doorkiina u istaagtaan dalku idinka ayuu idiin baahan yahay, qof kasta oo bini aadam ah alle waxa uu siiyay caqli

,aragtidaadu waa u door dadkaaga iyo dalkaaga ee ka faa,iidayso kana shaqaysii , qaladka oo aad garataa ma ahan in aad xalka heshay , ee waa in aad dareentay dhibka , markaas ayay kugu dhalan kartaa in aad xalka raadiso …. xumaanta oo la sheegaa ma ahan inay meesha ka baxday balse waa in ad keentaa siday meesha uga bixi lahayd … waan aminsanahay dadkeena wax badan waxaa ka horgaatan Qabyaalad oo maskaxda qofka dhaawac xun u gaysata gayaysiisana inuusan fikir caafimaad qaba lahaan ,oo iyaddu xumaan waxaan ahayn aan ogolayn samaana aan looga fadhiyi karin aragti ay garwadeen u tahay . Xaldoonayaashu marna ma ahaan karaan siddaan qabbo Isimmo Niman la dhaho oo Soomaalidu u taqaan dad wanaagsan balse aanan annigu aqoon waxay u jiraan iyo waxay dalka Soomaaliya iyo dadka u qabtaan waan isku dayi in aan wax ka qoro ( waa kuma Indheer arag xaldoone ahi)

W/Q Idiris suldaan axmed dooxa-joog 

Dooxajog5@hotmail.com


Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »