Dalka China oo laga xusay 14-guuradii aasaaskii Puntland [Sawiro]

Xaflad aad u saraysa oo lagu maamuusayay sanadguuradii 14 aad ee asaaskii Puntland, ayna soo qaban qaabiyeen ardayda Puntland, ayaa habeenimadii Arbacada waxay ka dhacday magaalada changchun ee dalka China.

Xafladan ayaa waxaa ka soo qeyb galay ardayda reer Puntland ee magaalooyinka Changhcun, Jilin, Shenyan, Hunan, sidoo kale dhainta Soomaaliyeed ee ku dhaqan hakan.

Furitaanka aaydaaha quraanka kariimka ah kadib waxa la guda galay barnaamijyadii xaflada, iyado lagu daah furay wacdi ku saabsan bilashada bisha Ramadan iyadoo loogu baaqay dhalinta inay ka faaiidaystaan bisha barakaysan ayna u duceeyaan dhulkii hooyo sidi mar un wadanka loo heli lahaa dowlad qaran oo Soomaaliyeed.

Waxa sido kale jirtay riwaayad aad u qosol badnayd taasoo ka turjumaysay jahligu dhibta uu leeyahay waxayna u ahayd dhalinta baraarujin in waxabarshada lagu dadaalo dalkii hooyana uu iyaga un sugayo ninkii aan waxbaranin uu naftiisa khasaarinayo iyo tan reerkiisa iyo guud ahaan dalka.

Waxaan meesha ka marnayn taarikhdii Puntland oo si waafi ah loo sharaxay iyo waxqabadkii maamuladii isdaba joogay ee soo maray Puntland waxaana meesha laga dheehan karayey waa cusub oo uso iftiimaya umada puntland sanadba sanadka ka danbeeya.

Munaasabadan waxaa sido ale hadalo kooban ka jeediyey madaxda ururuda ardayda Soomaliyed ee ka jira goboladan iyo dhalinyaro ku hadalaysay afka dhalinta Somaliland, iyo koonfurta Soomaaliya.

Dadkii madasha ka hadlay waxa ka mid ahaa madaxda jaaliyada SSUJ Md.Yusuf Dirir, madaxa ardada Jilin Md.C/raxman Filibin, ex-gudoomiye M Rashaad,, Xaaji Ismacil oo ka socday jaaliyada Soomaliyeed ee UK, Md.Xamse, Md.C/raxman, Md.Xaashi, waxayna ka hadleen inta badna midnimada iyo nabadu qiimaha ay leedahay.

Xaaji Ismail aya wxuu si gaar ah u abaaray hanaanaka Puntland ay ku socoto isago xusay inu jecelyahay horumarka umada Soomaliyeed Puntland ay tahay mel ka mid ah Soomaaliya waajibna ay tahay in lala damaashaado.

Gunaanadkii xaflada aya lagu sharfay Md.C/fitaax Ciise inuu munaasabadda so xiro wuxuna uga baaqay ummadda Soomaaliyeed iyo reer Puntland midnimo iyo wadajir wuxuuna u mahad celiyey marti sharaftiii isagoo xusay inay Puntland ay tahay hooyadii Soomaaliya markastana ay waajib ku tahay inay ka shaqeeyeen nabadaynta iyo xal u helida mushkilada haysta Qarankeeni burbaray dib u noolayntiisa.

Munasabadan aya ku so gaba gabowday jawi aad u sareeya iyado la isu hambalyeynayey sanad guuro wacan sanadkan sanadkiisa guul iyo horumar.

M.M Jibril
Changchun, China
Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »