Dalka sudan oo si weyn looga xusay 1da Agoosto [Sawiro]

Xaflad balaaran oo lagu maamuusayey sanadguurada 14aad ee Asaaska Dowlada Puntland ee Soomaaliya isla markaana uu soo agaasimay Ururka ardayda reer Puntland ee dalka sudan, ayaa xalay ka dhacday hall-ka SANDARELLA ee magaalada Khartoum dalka Sudan.

Xafladaan oo ay ka soo qeyb galeen Boqolaal ardayda Soomaalida ee waxka barata dalka Sudan ayaa sidoo kale waxaa goob jooga ka ahaa wafti balaaran oo ka socdo Wasaarada waxbarashada Puntland oo Mudooyinkaan howlo shaqo u joogay Dalka Sudan.

Wafdigaan oo uu hogaaminayo Madax Imtixaanaadka ee wasaarada waxbarashada Puntland Ahmed Mohamed warsame (Ahmed saahid) ayaa waxaa ka mid ahaa Maamulaha Jamacada Bosaso Dr.Mohamed Ali farah iyo madaxa kuliyada shareecad ee Jamacada bariga Afrika sh.Mohamed macalim .

Gudoomiyaha ardayda ree Puntland ee dalka sudan Mohamud Abdidahir Adem (Badel) oo ugu horeyn Xaflada ka hadlay , ayaa soo dhaweeyey waftiga ka socda dowlada Puntland ee somaliya , isaga oo sidoo kalena u mahadceliyey Marti sharafta soo xaadirtay xafladaan, isagoo ugu danbeyntiina Hambalyo u diray guud ahaan shacabka iyo xukuumada dowlada Puntland ee Soomaaliya.

Ahmed Mohamed warsame Madaxa imtixaanaadka wasaarada waxbarashada oo lagu soo dhaweeyey makrafoonka ayaa aad ugu dheeraaday Muhiimada in la xuso maalmaha taariiikhiga ah ee dalku soo marey oo ay ka mid tahay 1 Agoosto. Ahmed saahid waxa uu sidoo kale ka sheekeeyey waxqabadka wasaarada waxbarashada, isagoo ugu danbeyntiina kula dardaarmay ardayda iney ka faa,iideystaan Fursadaha waxbarasho ee ay haystaan .

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Dr.Mohamed Ali farah oo ah madaxa Jaamacada Bosaaso, waxa hambalyo diiran u diray dhamaan shacabka iyo xukuumada Puntland isagoo u rajeeyey in sanadkaan kiisa kale ay hormar iyo nabad ku gaaraan , Dr.Mohamed ayaa sidoo kale dardaaran siiyey dhalinyarada ardayda ah waxka barata sudan oo ah dalka ay joogaan ardayda ugu badan ee somalida dibada wax ka barata .

Xaflada oo ku socotay jawi dagan ayaa waxyaabaha lagu soo bandhigay waxaa ka mida ahaa , Heeso wadani ah iyo sidoo kale Projecter ama muuqaalo ku saabsan Bilicda iyo hormarka Puntland .

Ugu danbeyntiina xaflada ayaa ku soo dhamaadatay jagi farxadeed oo ay ardaydu hambalyo isweydaarsanayeeen

Mohamed-deq Farah (karahaye)
Khartoum – Sudan
Horseed Media 

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »