Barnaamij ku saabsan kobcinta dhaqalaha danyarta oo ka Qardho ka bilowday.

Xaflad ay soo qaban qaabiyeen Maamulka NGOga SYSF ayaa waxaa ka soo qeybgalay madax ka socotay Hey’adda Daryeelka Bulshada,Maamulka NGOga SYSF,waxgaradka magaalada iyo nabadoono,Xafladaani oo ku saabsaneyd furitaanka arday gaareysa 200 oo baraneyso maadada ganacsiga ayaa waxaa la sheegay marka ay bartaan in la siindoono maargalin si ay ugu maareyaan noloshooda,waxaana ardayda ka qeybqaadaneysaa barashda maadadaani dadooda waxa ay u dhaxeysaa 14-24sano waxa ayna isugu jiraan wiilal iyo gabdho.

Gudoomiyha NGOga SYSF Mudane Axmed Xasan Cartan oo ka hadalay munaasabadaani lagu furayey ardaydaan baraneysa maada Ganacsiga ayaa waxa uu sheegay in faa’iido weyn ay ugu jirto ardaydaani hadii ay dhameynstaana ay helayaan aqoon ku aadan hab maamulka ganacsiga,Gudoomiyaha ayaa xusay in loo baahanayahay in waalidka uu ku dadaalo sidii ubadkooda u baran lahaayeen hab maamulka wanaagsanee ku saabsan maareynta ganasiga,hadii ay bartaan ardaydaani kana faa’ideystaan fursaad la siiyey ayaa waxa suura gal ah in ka qeybgqaadandoonaan sidii ay u badalilahaayeen nololmaalmeedka qoysaska ayka soo jeedaan.

Gudoomiyaha Hey’adda Daryeelka Bulshada Mudane Ismaaciil Aadan Diiriye oo ka hadalay xafladaani ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu arko arday baraneyso maada ganacsiga,waxa uu sheegay in barnaamijyadaani ay ka midyihiin barnaamijyada lagu caawiyo qoysaska danyarta ah ee ku sugan deegaanada Puntland,waxa uuna sheegay in barnaamijyadaani ay ka socdaan intabadan gobolada Puntland u jeedada waxa ay tahay sidii loo maareynlahaa Nolosha Qoysas badan oo danyar kuna nool deegaanada Puntland,Barnaamijkaani ayaa waxaa si rasmi ah u furay gudoomiyaha Hey’adda Daryeelka Bulshada Mudane Ismaaciil Aadan Diiriye waxa uuna u rajeeyey dhammaan ardaydii ka qeybgashay Masruucaan in ay guul ku dhameystaan.

Xafladaani oo ka hadalay Agaasimihii hore Garoonka Diyaarada Bosaso ayaa ku taliyey in barnaamijyadaan loobadiyo ka qeybgalkooda caruurta aqoonta si ay ugu faa’ideystaan hormarinta dhanka noloshooda,maadaama dadkaani ay baahi weyn u qabaan sidii loo daryeeli lahaa noloshooda,ugu danbeyntiina waa uu u mahadceliyey maamulka NGOga SYSF dadaalka ay ka wadaan magaalada Qardho.

NGOga SYSF ayaa waxa uu dadka danyarta ah u fidiyaa aqoon lacag la’aan ah,waxa ay maamulka NGOgaan sheegeen in ay diyaar u yihiin sidii ay u caawinlahaayeen,iyaga oo sheegay in xaruntoodaa haataan in ay wax ka bartaan ardaya kor u dhaafeyso 300 oo arday lana baro waxbarashda asaasiga,NGOgaan ayaa waxa uu magaalada Qardho ka furnaa muddo labao sanno ku dhow,Barnaamijkaan Barashda Ganacsiga ayaa NGOga waxaa uu la kaashanayaa NGOga SWA waxaana maalgalinta iska leh Hey’adda Care iyo Dalka Holan.

C/raxman Black
Horseedmedia Qardho.

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »