Ugu Yaraan 16 Qof Oo Ku Dhintey Mudaaharaad Ay Uga Soo Horjeedaan Filimkii

Ugu yaraan 16 qof ayaa maanta naftooda ku waayey mudaaharad rabshado wata oo ka dhacay dalka Pakistan, Mudaaharaadfka ayaa looga soo horjeedey filimkii lagu sameeyey dalka Maraykanka kaas oo ku xadgudbey sharafta Nebi Muxamaed (NNKH), waxaa si weyn loo ilaalinayaa safaaradaha iyo Qunsuliyadaha Reer Galbeedku ku leeyihiin Pakistan taas oo dadka caraysani ay beegsanayaan.

Kumaankun qof ayaa ka qaybqaadanayey Mudaharadfka oo si toos ah u bilowdey Salaadii Jimacaha kadib, waxaana ay dab qabadsiiyeen meelo badan, waxaana mudaharaadkaas fooda isku daray ciidanka amaanka iyo dadki caraysnaa taas oo dhalisey in Ciidamadu isticmalaan rasaasta wax disha.

Dhimashada oo hadda gaareysa 16 qof ayaa waxaa barbar socda dadka ku dhaawacmey Mudaharaadka oo gaaraya 160 qof, waxaana dhimashada u badan ay ka dhacdey magaalooyinka Peshawar iyo Karachi.

Tan iyo markii lagu baahiyey Filim gaaraya 15 daqiiqo barta Internetka ee Youtube-ka kaas oo si weyn loogu jeesjeesayo Nebi Muxamed Naxariisi dushiisa ha ahaatee, ayaa dalal badan oo ka mid ah caalamka Islaamka mudaaharad kala horyimaadeen, waxaana mudaaharaadyadaas wateen Rabshado ay ku dhinteen dad badan, dhanka kale Maraykanka ayaa ku waayey Safiirkoodi Liibiya iyo saraakiil kale.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »