Shil Ka Dhacay Hargeysa – Berbera OoDhaawac iyo Dhimasho Keenay

Xisbiga Waddani

Shilgaari oo maanta ka dhacay inta u dhexysa Berbera iyo Hargeysa ayaa waxaa ku dhintey hal qof halka ay ku dhaawacmeen ilaa saddex qof oo dhamaantood ay ahaayeen siyaasiyiin ka tirsan Somaliland.

Waxaa ku dhintey Shilkaas gaari Guddoomiye kuxigeenkii saddexaad ururka siyaasiga ah ee Waddani Cabdullaahi Siciid Dheere, waxaana ururka Waddani hoggaamiya Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmey Xildhibaan Cali Xaaji iyo Guddoomiye kuxigeenkii 4aad ee Xisbiga Waddaniga Raygal Beegsi.

Shilka Gaari ayaa yimid xili la soo dhaweynayey Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, isla markaana ah guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Camdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro)) oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Berbera.

Bisha danbe deegaanada Somaliland waxaa looga dioyaargaroobayaa doorashooyinkii golahayaasha deegaanka iyada oo Xisbiga ugu da’da weyn Somaliland ee UDUB ay qaadaceen doorashooyinka, kadib markii ay sheegeen in Xisbigooda farogelin ay ku hayaan guddiga doorashooyinku.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »