Bye Bye Roberto Di Matteo Tababarihii

Roberto Di Matteo

Mulkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa shaqadii ka cayriyey tababarihii kooxda Chelsea Roberto Di matteo, kadib markii ciyaartii Champions League habeenkii xalay Juventus ku derdertey 3 gool iyo waxba.

Roberto Di Matteo ayaa ahaa tabaraha kooxda Chlease muddo 8 bilood ah oo keliya, waxaana uu ku bilaabey tababare kumeel gaar ah, laakiin waxa uu soo hoyey gushii Chelsea ay ku hanatey Koobka horyaalka yurub 2011- 2012, taas oo u gogol xaartey in uu noqdo tababre buuxa.

Laakiin maaheyn mid la yaableh in shaqada looga cayriyo Roberto Di Matteo ciyaar ay ku guuldaraystey kooxdiisu oo keliya, tan iyo markii uu gatey kooxda Chlease maalqabeenka u dhashey dalka Ruusha ee Roman Abramovich sanadkii 2003 waxaa soo marey kooxda Chelsea FC sideed tababare kuwaas oo kala ahaa:

Claudio Ranieri: Sep 2000 to May 2004
Jose Mourinho: Jun 2004 to Sep 2007
Avram Grant: Sep 2007 to May 2008
Luiz Felipe Scolari: Jul 2008 to Feb 2009
Guus Hiddink: Feb 2009 to May 2009
Carlo Ancelotti: Jun 2009 to May 2011
Andre Villas-Boas: Jun 2011 to Mar 2012
Roberto Di Matteo: Mar 2012 to Nov 2012.

Roberto Di Matteo oo isagu u dhashey dalka Talyaaniga isla markaana horey uga mid ahaan jirey ciyaaryahanada kooxda Chelsea, ayaa maanta boorsadiisa halkaas ka xirxirtey.

Ciyaarta shaqada looga cayriyey Mr. Di Matteo ayaa ahayd mid aad u adag laakiin kooxda Juventus oo gurigeeda lagu ciyaarayey ayaa si weyn u maamuleysey ciyaarta waxaana u suurta gashey in ay saddex gool taabsiiyaan shabaqa kooxda London ka dhisan ee Chelsea.

Roman Abramovich ayaa durba bilaabey riyadiisi ahayd in uu mar keeno garoonka Stamford Bridge tabaraha reer Spain ee Pep Guardiola.

Horseed Media
News Des
k

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »