Derin iyo go; wadatada war yaan looga sii darin !

Marka hore aan ka tacsiyayo dadka dhalinyarada ah ee gabdhaha iyo wiilashaba leh ee sida bareerka ah loogu dhibaateeyay iyagoo sida caalamka oo dhan hadda ka hirgashay mudaaharaad ku muujinaya dareenkooda waxana leeyahay caafimaad dhaqso ah alle weyne haydiinku deeqo.

Qoraalkaan qoraalkii ii xigay ee aan puntland kaga hadlo oo qiyaastii ku aadnaaa muddo sagaal ilaa toban bilood haatan laga joogo cilwaankiisuna ahaa “dibnahay cuncunayee dad allow ma sheegaa” ayaan isku dayay bal karaankayga inaan ku baraarujiyo bulshada reer puntland ee dhul iyo dhiig wadaaga ah bal inay arrimo aan soo arkay oo ay ka mid ahayd kala daadashada siyaasadeed, inay si nabadgelyo ku jirto uga arrinsadaan intaan xeero iyo fandhaal kala dhicin. la yeeli diid anna dadaal intaa ka sii badan ma sii daba ordin. maanta tan ii muuqatana waxay tahay middii aan ka digay waagaa oo weliba looga sii daray ifafaalaheeda oo aan is leeyahay wax weyn ma tari kartide xilka iska rid haddii ilaahay dhegahooda u furana oo ay ka faaiideystaana alxamdu llillah ka dheh.

Waagii hore indhahayga ayaan ku soo arkay waxii aan ka hadlay maanta dalka dibadiisa ayaan joogaa akhbaarta sida ay nagu soo gaaraysona arrintii waxayba maraysaa mindi mindi ku taag oo rag is
biday u doobinayaa inay shacabkaas masaakiinta mar labaad ku dul herdamaan.

Hadde nabadii waa loo jeedaa oo mar haddayba ciidamadii amnigu dad shacab ah xabad nool hoos ugu dhigayaan meesha abnigu maalinba maalinka ka dambaya ayuu sii xumaanayaa.

Dadka iyaguna mucaaradka sanad kororsiga ah oo hub iyo wax la mid ah urursanaya waa la sheegayaa, dhaqaaluhu meeshii ugu hooseysay ayuu marayaa kaasoo laga soo dayrinayo.

Qaar badan oo dadkii waxtarka ahaa ee an anigu xattaa sanadkii hore ku soo arkay puntland oo markaas ummada u adeegayay ayaa maalin walba naga soo wacaya xamar oo halkaas waxaa ka cad in maskaxdii xattaa ka socoto Puntland (Brain drain).

Intaa waxa iigala sii daran waqtigii lagu tashan karay oo ahayd ka hor intaan doorashadani hoosta innaga soo galin oo la gafay oon laga faaiidaysan, iyo weliba dawlad aan dareenka shacabkeeda la socon
iyo dadkii puntland oo aad uga caraysan sida dawladani wax ku waddo ayaa arkaysaa in mid walbii jiho isaga u qorshaysan ku socdo.

Hadde khatartu way noo muuqataa, haddii waqtigaas doorashada lagu gaaro iyadoon meel loo wada jeedsan in khalkhal horleh dalku galayo.

Sidaa daraadeed maanta taladayda tabarta daran waxaan ku toosinayaa oo abbaarahayaa madaxweynaha xilka haya maadaama aan xal kale oo qoto dheer taladeed laga gaarin ee qalalasahaan keliya lagaga baaqsan karo isagoo, waa madaxweynaha e’, go’aan adag qaata una tura oo u sabura dadkiisa. Marka meel kale oo aan
u mariyo garan mahayo e’ fadlan ciddii boggaan ka akhridow iga gaarsiiya madaxweynaheena sharafta leh:

Mudan madaxweyne bacda salaam waxan kuu u soo jeedinayaa in dhowrkaan fartiimood ee hoos ku qoran ku qanciyaan ood uga maaranto sanadkaas markiisii horeba aan haysan taageerada shacabweynaha puntland waayo dadka waa soo xartay madaxweyne goortii waqtigu ka soo dhowyahay ku rafta sanad kordhin IWM:

• Kow, wax badan kuuma suurtoobin inay dawladaadu ka qabato horumarka dalka xagga dhaqaalah iyo bulshadaba iyo amniga toona muddadii 48 bilood ahayd ee la soo dhaafay haddana la fili-mayo 12 bilood in wax WEYN ku qabsoomaanee ku tanaasul.

• Dalkiiba waa kala maqan yahay oo maanta waxa samaysmay intii aad joogtay dhowr maamul oo puntland ka hoos kacay waxaadna moodaa waxa laysku haystaba ee inoo harayba inuu yahay dariiqa dheer ee laamiga ah ee foodda la gala dekedda weyn Bosaso oo barigiisa iyo galbeedkiisa toona dawladii puntland aanay war u hayn meelo badan oo aan tirsan jirnayna doorashooyin dawlado kale ka socdaan.

Marka si aan intaasina carqalad iyo kala daadasho u galin fadlan doorashada qabo idam ilaah adigaaba laga yaabaa inaad ku guulaysato e.

• dawrashooyin xisbiyo ku tartamaan haddaynaan indhaha iska ridayn inayan markaan sanad, labo iyo saddex toona suurta-gal ku noqonayn waa loo jeedaa oo waa iska caddahay ee doorashada qabo.

• Quutal-yoomkii qoyska reer puntland qiil-qiil ayuu ka galay waayahan dambe ka dib markii dhaqdhaqaaqii ganacsi innaga wareegay sababo ay ka mid yihiin qorsho-dhaqaale xumo xageena ah; xamar oo nabadeedu soo hagaagtay fududaysayna in ganacsato badan u suuq doontaan una wareegeen, dekedda berbera oo tartankii innooga dheeraysay oo innaga xodxotay ganacsatii wax dhoofin jirtay iyo kuwii soo dejin jirayba, sidaa darteed fadlan hataq-hataq kama bixi karaane uga tur oo “derin iyo go wadatadaas aan waxba gacanta ku hayn yaan looga sii darin”

• bal day haddaynu sumcaddii doorashadii aynu sharafta weyn ku soo hoynay caalamka ee aad xilka kagala wareegtay madaxweynihii hore cadde muse haddaad mid labaad ku darto meesha magaceena iyo sharafteena bulshada caalamku ka gaarayso . tan keliya ayaaba ku filan wax sanad lagaga maarmo.

• State-yadii kale ee wadanku hor u kac bay gaarayaan maalin la arko sida Somaliland, Banaadir, Jubbaland iyo xattaa Galmudug ee dib haynoo celin madaxweynow.

• Qaar badan oo hadda kugu xeeran oo dhabarka kaa riixaya ogow berrito meel aan rag looga tagin bay kaag tagi doonaane ee yey been aan sal iyo raad lahayn kuu tolin kuuma furi doonaane.

• Gabagabadii haddaan nahay reer puntland hormood ayaynu somaliya ka ahayn labaatankii sano ee la soo dhaafay ee yay bowe innaga dhicisooba horyaalnimadaasi billaa calleyk doorashada qabo madaxweyne taariikhdu baal dahaba ha kugu qortee oo haddaad guulaystana reer Melbourne haddaan nahay dabaaldeg weyn samayno madaxweynii kowaad Puntland laba term hala. Haddii lagaa guulaystana noo soo noqon belo ma jidho gacmo furan baanu kugu soo dhowaynaynaa annagoon kala harin insha alllah, Cadde Muse ba waa kaa iska mushaaxaya dhibi ku heli mayso insha allah!

Haddaan wax qadaf ah ku daray waa aqoon xumadayda ee raalli aha layga ahaado muayid iyo mucaarad ba sidaas ayaaan dan mooday

Afeef: erayada aan cilwaanka ka dhigay macne badan bay xanbaarsan yihiin waxaana ka soo amaahday ereyadii abwaanka weyn Sangub markuu tirinayay dabuubtii ahayd derin iyo go; wadatada waaba looga sii daray! anna waxan u dhigay war yaan looga sii darin oo waa digniin ahaan ee sida ay tahay ha loo dhuuxo.

ALLAAHU MAA BALAQTU

Ahmednur Abdi Hagimire
Melburne, Australia

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »