Dowladda Kenya oo xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ka sameysay hawlgallo

Ciidamada ammaanka dowladda Kenya ayaa baaritaano ka sameeyey xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii magaalada Nairobi.

Baritaanka ayaa ahaa mid ciidamada ay ku baadi goobaayeen shaqsiyaad looga shakisanyahay in ay ka dambeeyeen qarax shalay galinkii dambe lala eegtay gaari rakaab sidey.

Dad farabadan oo aan tiradooda la shaacin ayaa ciidamadu ku soo qabteen hawlgalkii ay ka sameeyeen xaafadda Islii

Inta laga warqabo waxaa ku geeroyootay qaraxii shalay ka dhacay Nairobi 6 ruux, halka 28 qof ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa markii uu dhacay ka dib ayaa waxaa bilowday mudaaharaad watay rabshado ,kaasi oo ay sameenayeen dad ka careysnaa qaraxa oo u badan Kenya

Ciidamada ammaanka ayaa kala ceyriyey dadkii mudaarahadka rabsahada watey dhigayey, islamarkaana qaar ka mid ah dadkii xabsiga u taxaabay.

Xaafadda Islii ayaa haatan ah xaaladeedu tahay mid degan.

Dhanka kale dowladda Kenya ayaa cambaareysay qarax madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Kolonzo Musyoka ayaa ku tilmaamay qaraxa mid argagixiso ah, isagoona sheegay in la doonaayo in qalqal lagu galiyo xasiloonida dalka mar uu booqday goobtii uu ka dhacay qaraxa.

Si kasataba ha ahaatee ma jirto cid sheegatay qaraxaaasi ka dhacay dalka Kenya,iyadoo gudaha dalka Kenya ay horey ugu dhaceen dilal qosheysan iyo qaraxyo.

Horseed Media
Nairobi Kenya.

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »