Shiikh Caan Ah Oo Ku Dhintey Dalka Uganda.

Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi Raajicuun: Allaah ha u Naxariistee waxaa maanta ku geeriyooday Magaalada Kampala ee Dalka Uganda Sheekh Cabdiwali Cabdulaahi Amaan oo ahaa Imaamkii Masjidka Weyn ee Soomaalida kuyaal Magaalada Kampala ee Dalka Uganda Masjidkaas ayaa lagu magacaabaa Masjidu Towxiid oo ku yaal Xaafada ay Soomaalidu ka degto Magaalada Kampala.

Allaah ha unaxariisto Sheekh Cabdiwali ayaa ahaa Sheekh inta badan xalin jiray arimaha Xukunka u baahan ee soo kala dhexmara Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Uganda, Sheekh Cabdiwali waxaa kaloo uu xalin jiray oo Dhaqaalo u ururin jiray Dadka ku dhibaatysay Dalka Uganda dhibaatadaas ayuu la kaashan jiray Ganacsatada Soomaalida ee Uganda.

Allaah ha u Naxariisto Sheekh Cabdiwali ayaa waxaa Tacsi u Diraaya Culimada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ayoo Allaah uga baray inuu Janadiisa ugu sareysa ugu abaalmariyo, Culumida Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee u kala dhashay wadamada kale ee Adduunka ayaa ku amaanay Sheekha shaqadii uu u hayay Ummada Muslimiinta eeku nooleyd Wadanka Uganda aygoo Allaah uga baryay Janada ugu Sareysa oo ruux Muslima Allaah ku abaal mariyo.

Allaah ha u naxariisto Sheekh Cabdiwali Cabdulaahi ayaa waxaa Tacsi u diraaya Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka Uganda iyo Wadamada Bariga Africa ayoo Sheekh Cabdiwali ku tilmaamy Nin aad ugu naxariista Ummada Muslimiinta.
Waxaa dhanka kale Sheekh Cabdiwali Cabdulaahi Tacsi u Diraya Ardeyda Soomaaliyeed ee Waxkabarata Dalka Uganda oo sheegay inay kusoo xasuusanaayaan Wacdigii uu ugu imaan jiray Jaamacada Dalkaas oo ay Waxkabartaan kalana qeyb qaadan jiray sidii loo xalin lahaa dhibaatada kala soo gudboonaata Degaanada ay ku Noolyahiin Allaah ayaa uga baryaynaa Sheekh Cabdiwali Janada ugu Sareysa ee Allaah ku abaal mariyo Addiinkiisa Muminkaa ayay yiraahdeen Ardeyda.

ugu Dambeyntii Sheekh Cabdiwali Cabdulaahi ayaa waxaa Tacsi u Diraaya Bahda Warbaahinta ee Horseed Media meelkasta oo ay Adduunka kajoogaan iyo Bahda Warbaahinta ee ku Nool Dalka Uganda waxaana ay Allaah uga baryaayaan inuu ku Abaal mariyo janada ugu Sareysa Janooyinkiisa ee Allaah uu Bixiyo.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »