Agaasimaha Hay’ada Miino Baarista Puntland oo shir Caalami ah Switzerland kaga qeyb galay [Sawiro+Cod]

Agaasimaha Hay’ada Miino baarista iyo walxaha qarxa ee Puntland ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan (PMAC) Cabdirisaaq Ciise Xuseen (Khaatumo) ayaa Switzerland waxa uu kaga qeyb galayaa kulan heer Caalami ah oo looga hadlayo arimaha Miinooyinka iyo walxaha Qarxa.

Mudane khaatumo oo wareysi gaar ah Galabta  Siiyay Warbaahinta Horseed Media, ayaa waxa uu kaga hadlay ujeedada uu Switzerland u joogo iyo waxyaabaha looga hadlayo shirkan caalamiga ah ee magaalada Geneva ka socda.

Agaasimaha hay’ada  miino baarista Puntland ayaa sheegay in shirkan oo ay soo qaban qaabisay Kooxda la socdota axdiga Ottowa, waxaana ka soo qeyb galay inta badan Dalalka Caalamka marka laga reebo  wax ka yar 9 Dowladood oo uu Mareykanka ku jiro oo aan  saxiixay axdigii Ottowa ee la dagaalanka Miinooyinka.

Sidoo kale waxa uu sheegay Agaasimaha   shirkan ka soconaya magaalada Geneva uu sidoo  kale ka qeyb galay Mas’uul ka socdo dowlada Federaalka ee Soomaaliya .

Mar uu ka hadlay goobaha ay ka howl galaan ayaa waxa uu sheegay in ay ka ka shaqeeyaan inta badan deegaanada Puntland isagoo sheegay in ay dhowaan bilaabi doonaan howlihii miino baarista deeganada Puntland.

Mar la weydiiyay cida maal galiso hay’ada miino baarista Puntland waxa uu Agaasimahe Cabdirisaaq Khaatumo tilmaamay  in ay inta badan dhaqaalaha xoogiisa  ay ka helaan Hay’ada Qaramada Qaramada Midoobey ee u qaablisan dhaka Miinooyika, wolow uu qiray in dhaqaalo aan burneyn ay ka heleen dowlda Puntland.

Ugu danbeyntii Cabdirisaaq Ciise Xuseen (Khaatumo) oo ah Agaasimaha Hay’ada miino baarista iyo walxaha qarxa ee Puntland sheegay in ay wadaan dadaalo ay wax ugu qabanayan dadka ay naafeen qaraxyada ka dhaca deegaanka Puntland

Wareysiga Agaasimaha Miino Baarista Puntland Halkan ka dhageyso
[powerpress url= http://som.horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/12/khaatumo.mp3]

Cabdiqani Cali Dalmar
riyaale10@hotmail.com
Horseed Media-Switzerland

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »