AMISOM oo qaadeysa Tallaabooy​in wax looga qabanayo Amniga Wadada Marka

Taliska Guud ee Ciidamada (AMISOM) ayaa sheegay inuu dhawaan  qaadi doono tallaabooyin sare loogu qaadayo ammaanka waddada dheer ee isku xirta magaalada Marka iyo deegaanka KM 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wadada isku xirta magaalada Marka iyo Afgooye ayey ka dhaceen labo weerar oo fashilmay oo
lagu qaaday kolonyo Gaadiid ah oo ay saarnaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada AMSIOM Jeneraal Andrew Gutti ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray Maanta oo Talaado ah  ku sheegay inay AMISOM sii wadi doonto mudnaan-siinta badbaadada shacabka Soomaaliyeed, isagoo intaas sii raaciyay  inay AMISOM iyo dowladda federaalka Soomaaliya wadaan dedaallo lagu xaqiijinayo ammaanka gobolka Shabeellaha Hoose iyo Gobollada kale.

Gen. Andrew Gutti ayaa daboolka ka qaaday in AMISOM sii wadi doonto taageeridda dowladda Soomaaliya iyo  dadaallada lagu dhisayo ciidan qaran oo xoog leh iyo sidii loo soo afjari lahaa khatarta ka imaanaysa kooxda al-Shabaab.

Horseed Media
Muqdisho-Somalia

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »