Baarlamaanka federaalka oo loo gudbiyey heshiisyo Xukuumaddu gashay

XildhibaanadaBaarlamanka Somaaliya oo guddi u saaray dib u eegista heshiis ku saabsan Milateriga Soomaaliya oo ay soo gudbisay Xukuumadda.

Mudaneyaasha Baarlamanka Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay caasimadda ayaa ugu horeyn waxaa loo qeybiyay qoraallo ku saabsan nidaamka lagu maamulayo miisaaniyadda sanadka cusub ee 2013 iaydoo Xildhibaannada u jeediyey guddoomiyaha baarlamanka inay soo akhristaan si ay uga doodaan loona ansixiyo.

Xildhibaannada ayaa isku raacay in guddi ka kooban 5 Xubnood loo saaro inay kasoo tala bixiyaan heshiis Milateri oo ay Xukuumadda usoo gudbisay guddoonka sare ee Baarlamanka.

Guddigaas ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Xuseen Carab Ciise Wasiirkii hore ee Gaadhaandhiga Soomaaliya iyadoo guddoomiye uu u yahay guddigan Xildhibaan Gen.Muuse Maxamuud Cabdulle oo ahaa Guddoomiyihii KMG-ka ahaa ee Baarlamanka Dalka.

Heshiiskan Mileteri ayaan faahfaahin dheeraad ah laga bixin. Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Cabdixakiin Fiqi ayaa horey u sheegay in ay heshiis hormarinta cidianka xooga dalka Soomaaliya la soos axiixdeen dalalka Turkiga iyo Itoobiya.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta soo dhammeystirka xeerhoosaadka Baarlamanka oo dhawaan loo xilsaaray Guddi baarlamani ah inay dib u eegis kusoo sameeyaan.

Horseed Media
Muqdisho Somalia

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »