Xirsi Bulxan Faarax Oo Talo U Jeediyey Madaxda Puntland Iyo Shacabkeeda (Dhegayso)

Xirsi Bulxan Faarax

Xirsi Bulxan Faarax oo ka mid ah odoyaasha sida weyn looga yaqaano Soomaaliya, dawladii rayidka ahyd ee Soomaaliyana ka soo noqdey Wasiir iyo xildhibaan, isla markaana muddo ahaa xildhibaan Soomaaliyeed ayaa ka hadley xaaladda Puntland, waxaana uu talo u jeediyey Madaxweynaha Puntland, Mucaaradka Puntland iyo Shacabka, isaga oo waraysi siiyey Idaacadda VOA

Mudane Xirsi Bulxan Faarax ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland lagu doortey muddo cayiman oo la yaqaan oo far waaweyn lagu qoray taas oo ahayd 4 sano, waxaa doortey 66 xildhibaan kuwaas oo isimadu soo xuleen, ma jirin wood (Vote) iyo doorasho dadweyne la geli jirey sidaas ayaana Puntland ahayd shacabkuna yaqaaney, madaxweynaha waxaa galay damac waxaana uu istusey in uu sanad kale xafiiska si joogo, xisbiyona dalka ka hirgeliyo. Maxuma in Xisbiyo la hirgaliyo,  laakiin hadda khilaaf ayaa taagan waa in uu dadka isugu yeeraa, talada dhulka dhigaa shir deg-deg ah isugu yeero dadka, haddii dadka uu qanciyo taladiisana la raaco waan ayideynaa, haddii kalese waxaan leenahay Madaxweyne tanaasul oo shacabka ayaa talada iska leh ee u soo celi.

Mucaaradka ayuu u soo jeediyey in ay buuqa iyo qaylada iyo dhagaxa joojiyaan, raadiyaan talo mideysan.

Isimada Puntland ayuu ku tilmaamey Xirsi Bulxan kuwii dhisey Puntland awoodna leh, waxaana uu ka codsadey in ay dadka isu keenaan baaq soosaaraan taladana mideeyaan,d adka isu soo celiya.

Shacabka ayuu ugu baaqey Xirsi Bulxan in ay xasuustaan wixii la soo marey isla amrkaana ka shaqeeyaan wanaaga Puntland.

Dhegayso Waeraysiga Mudane Xirsi Bulxan Faraax

[powerpress]

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »