Dagaalkii Xudun iyo wararkii ugu danbeeyey (Warbixin)

Degmada Xudun oo kamid ah gobalka Sool ayaa todobaadkan noqotay goob dhiig badan ku daatay kadib markii ay isku dhaceen dadka deegaanka kasoo jeeda iyo ciidamada Soomaliland ee ayagu rabay in degmadaasi si khasab ah uga fuliyaan doorashadii golaha deegaanka ee maamulka Soomaaliland, oo dhacday maalinimadii Arbacadii 28ka November 2012.

Dagaalka ayaa socday maalmihii Arbacadii iyo Khamiistii, ayadoo shalay oo Jimce ahayd xaalada magaalada ay degenayd.

Shacabka iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Xudun ayaa ayagu diiday in deegaankooda la keeno sanadiikhda doorashada Somaliland, isla markaana ka codsaday maamulka Soomaaliland inaysan halkaasi xiisad iyo dagaal ka abuurin.

Talada shacabka iyo odayaasha magaalada Xudun ayaa noqotay mid ay qaadan weyday xukuumada Somaliland, waxaana magaalada Xudun ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay, ayadoo tirada dhimashada ay ku dhaw dhawdahay 15 qof, isla markaana dhaawucu uu intaasi ka badnaa, sida ay HM u sheegeen dadka deegaanka.

Shacabka magaalada oo ay wehliyaan ciidamada maamulka Khaatumo ayaa ayagu isku dayey inay ka hortagaan ciidamo xoogan oo magaalada Xudun labo jiho kasoo galay, dhanka Bari iyo Koonfurta, isla markaana ku khasbay in dadka deegaanka ciidamadooda laga riixo goobo kamid deegaanka ku xeeran magaalada.

Horseed Media oo xiriiro kala duwan la sameysay odayaasha ku dhaqan magaalada Xudun iyo dad rayid ah ayaa loo xaqiijiyey in ciidamada Soomaaliland ee deegaankaasi yimid ay ahaayeen kuwo badan oo hub xoogleh wata, waxayna ku sheegeen gaadiidka dagaalka ee Soomaaliland deegaankaasi keentay inay ka badnaayeen 50 tikniko ah iyo gaadiid kale oo xamuulka qaada.

Dhanka kale degmada Xiingalool ee gobalka Sanaag oo aan ayadu ka fogeyn magaalada Xudun ayaa waxaa gaaray maalinimadii Talaadadii Ciidamo xoogan oo ka socday Puntland, kuwaasi oo halkaasi u tagay inay ka hortagaan wafdi iyo sanaadiikh ka timid Soomaliland oo lagu waday in la keeno qeybo kamid ah gobalka Sanaag.

Qaar kamid ah Saraakiisha ciidamada Puntland ee ku sugan Xiingalool oo ay Horseed Media la xariirtay ayaanu wax ka weydiinay waxa ay kala socdeen dagaalkii Xudun iyo sababaha ay ciidamada Puntland oo u jiray meel gaareysa 60 km u tagi waayeen degmada dhiiga badan ku daatay ee xudun.

Saraakiisha Puntland ayaa sheegay inay maalinimadii Arbacadii go’aansadeen inay tagaan magaalada Xudun si ay halkaasi uga dulqaadaan ciidamada Soomaaliland ee labada jiha ka degay, balse Amar ka yimid dowlada Puntland lagu siiyey inaysan tagi Karin magaalada Xudun iyo dagaalka aagaas ka socda.

Saraakiishan u waramay Horseed Media ayaa ka gaabsaday inay faah faahin ka bixiyaan sababta ciidamada Puntland loogu amray inaysan tagin magaalada Xudun, xili ay askarta iyo saraakiishoodaba doonayeen inay halkaasi tagaan.

Ciidamada Puntland ee aagaas ku sugnaa ayaa u badnaa kuwa ka socda Madaxtooyada Puntland oo watay gaadiid tikniko ah iyo ciidamo kale oo ka tirsan Darawiishta Puntland, ciidamadan ayaan ka qeyb qaadan dagaalka magaalada Xudun.

Warar aan la xaqiijin oo aanu kasoo xigneyno qaar kamid ah Askarta Puntland ee hawlgalka ku joogay Xiingalool ayaa sheegaya in amar Madaxweyne lagu siiyey inaysan dhaafin deegaankaasi, kadib markii ay saraakiishooda codsadeen inay u gurmadaan magaalada Xudun ee ka tirsan gobalka Sool.

Askartan oo ayagu sheegay inay aad uga xun yihiin waxa ka dhacay magaalada Xudun ayaa sheegay in aan faah faahin laga siin sababta amarkaas loo siiyey, wallow ay jiraan kuwo sheegay in Dowlada Puntland ay sheegtay in aysan gacan siin ciidamada Khaatumo ee magaalada Xudun ka dagaalamayey.

Gen.Cabdisamad Cali Shire iyo Xudun

Magaalada Xudun ee dagaalkan xoogaleh oo ay dadka badan ku dhinteen ka dhacay ayaa ah magaalada uu kasoo jeedo Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ahna Guddoomiye kuxigeenka Xisbi Xaakimka Puntland.

Jeneraalka ayaan weli ka hadlin dagaalada Soomaaliland iyo dadka deegaanka ku dhexmaray magaalada uu kasoo jeedo, kana mid ah goobaha ay Puntland qorsheysatay inay doorashooyinka Puntland ka dhici doonaan.

Qaar kamid ah odayaasha magaalada Xudun oo aanu wax ka weydiinay xiriirka ayaga iyo Dowlada Puntland ka dhaxeeya, ayaa intooda badan isku raacay in ay filayeen in ciidamada Puntland gacan kasiiyaan duulaanka uga yimid Somaliland, balse arrintaasi ay noqon weyday.

“…Horey uma dhicin waana Arrin UGUB ah in dad shacab ah oo is difaacaya Xasuuqna ku socda ay eegtaan raggi I sheeganayey inay dhulkan ka taliyaan…” ayuu yiri Abshir Cali oo kamid ah ehelada mid kamid ah dadkii ku dhintay dagaalkii xudun maruu u waramayey Horseed Media.

Doorashadii deegaanka ee Soomaaliland ee sanadkan 2012 ayaa ahayd tii dhiigii ugu badnaa uu ku daatay isla markaana ugu rabshadaha badneyd tan iyo intuu maamulka Soomaliland jiray.

Adan Maxamed
Horseed Media
Buuhoodle, Somaliya

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »