Isbahaysi Siyaasadeed Loogu Magacdaray Midnimo Oo Bosaso Looga Dhawaaqay (Dhegayso)

Waxaa maanta Bosaso looga dhawaaqey Isbahaysi siyaasadeed loogu magacdarey MIDNIMO, waxaana xafladdii ku dhawaaqista ururkan ka soo qaybgalay siyaasiyiin, ganacsato culimo iyo waxgarad kale oo faro badan.

Dr.Saadiq Eenow oo ururkan daah-furey ayaa sheegay in uu yahay mid ay ku mideysan yihiin aqoonyahan, ganacsato iyo dhamaan inta siyaasadda martida ku ah ayuu metalaa ayuu yiri.

Dr.Saadiq ayaa si weyn ugu cel-celiyey in ururkoodu yahay mid siyaasadeed oo mucaarid waxaana uu ku cel-celiyey saddex jeer.

Dr.Saadiq Eenow ayaa ku dheeraadey siyaasadda ururka Midnimo, waxana uu sheegay in aanu ku dhisneyn rag iska dhici sida horey loogu soo rogmadey, waxaana uu sheegay in ururku ku hawlgeli doono rabitaanka shacabka.

Mar uu ka hadlaayey nabadda ayuu sheegay in isbahaysiga Midnimo uu arko in aysan qiime lahayn nin madax ah oo ciidamo ku gadaaman yihiin waa in qofka shacabka ah iyo qofka madaxda ah nabadda u siman yihiin.

Dr.Saadiq ayaa mar uu ka hadlaayey xaaladda taagan sheegay in ay jirto dhaqaale xumo muuqata, dhibaato siyaasadeed iyo khilaaf ayaa jira, dhibaato amni ayaa jira, waxaana maqlaynaa oo keliya cod dhahaya sanad ku darsi iyo mid ka soo horjeeda, halkii ay ahayd in la wajaho arrimaha waaweyn.

Ugu danbeyntii Dr.Saadiq ayaa ugu baaqey Mucaaradku in ay xaaladda dejiyaan ciddii qori wax ku raadisana dhankey doontaba ha ahaatee sharciga lala tiigsan doono goor ay ahaataba.

Sanad ku darsiga ee khilaafku ka taagan yahay ayuu sheegay in ay qaban doonaan shir saxaafadeed isla markaana bayaan cad ka soo saari doonaan laakiin mar walba ay sharciga ku istaagayaan.

Gen.Cali Ismaaciil oo ku hadley magaca asaasayaasha ururkan ayaa sheegay in ururkan uu ku yimid rabitaanka shacabka ayna ku mideysan yihiin dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Puntland, Gen.Cali ismaaciil oo ahaa hoggaanka Istraatiijiyada Ciidankii Soomaaliya wixii ka horeeyey 1990 ayaa sheegay in khilaaf uu ka taagan yahay Puntland aana loo baahneyn in la sugo 8 jhanaayo, ee ka hor la xaliyo khilaafkaas issimaduna qaataan doorkooda.

Tan iyo markii Guddiga Doorashada ee Puntland ku dhawaaqey in la furto Xisbio siyaasadeed ayaa magaalada Garowe madaxweynaha Puntland uga dhawaaqey urur uu guddoomiye ka yahay kaas oo ay ku jiraan dhamaan xukuumadda iyo golaha wakiilada, iyo weliba maamulada gobolada sida uu sheegay Madaxweynuhu, waxaana uu xisbigan ku sheegay kan talada haya, magaalada Bosaso ayaa looga dhawaaqey laba urur oo kala ah HorCad iyo UGUB, kuwaas oo aaminsan ku darsashada xukuumadda ee muddada sanadka ah sida ay sheegeen, Midnimo ayaa noqonaya kii afaraad, isla markaana sheegay in bayaan ay ka soo saari doonaan khilaafka ka taagan ku darsasho sanad ah iyo doorashadii hala qabto.

Horseed Media
Bosaso, Puntland, Somaliya

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »