Duufaan kusoo wajahan Soomaaliya iyo gobalada saaran xeebta Badweynta Hindiya [Ogeysiis]

201204A_12230855Hay’adaha la socda isbedalada cimilada caalamka iyo jawiga hawada ayaa isha ku haya Duufaan loogu magacdaray Four (afar) oo kusoo wajahan dalka Soomaaliya gaar ahaan xeebaha gobalada Bari, Nugaal iyo Mudug. 

Duufaantan ayaa la filayaa in maanta ay kusoo dhawaato xeebta gobalka Bari, Puntland ee dalka Soomaaliya, waxaana la qiyaasayaa in xoogeeda Duufaanta ay gudaha dalka usoo gasho subaxnimada hore 25ka December ee ku beegan maalinta Salaasada.

Duufaantan ayaa ah nooca loo yaqaan (Tropicalstorm) waxaana la sheegay in dabeysha ay wadato ay gaareyso xawaaraheeda in ku dhaw 80km/h (saacadii).

Dhamaan dadka ku dhaqan deegaanadaasi saaran xeebta badweynta Hindiya gaar ahaan kuwa ku dhaqan gobalada Bari, Nugaal iyo Mudug ayaa lala socodsiinayaa digniintan ay soo saareen hay’adaha caalamiga ah ee lagula socodsiinayo dabeylaha ay duufaantan wataan oo khatar gelin karta guryaha iyo waliba kaluumeystada bada ka shaqeysta.

Hoose ka eeg Sawirada Satellite-ka ee laga qaaday Duufaantan hada dul heehaabeysa badweynta Hindiya ayaa kusoo dhawaaneysa xeebta dalka Soomaaliya.

Sawirkan Satellite-ka waxaa la qaaday shalay 22 Dec saacada 3dii galabnimo

Sawirkan Satellite-ka waxaa la qaaday shalay 22 Dec saacada 3dii galabnimo

Sawirkan Satellite-ka waxaa la qaaday maanta 23 Dec saacada 3dii galabnimoSawirkan Satellite-ka waxaa la qaaday shalay 22 Dec saacada 12kii duhurnimo

Sawirkan Satellite-ka waxaa la qaaday maanta 23 Dec saacada 12kii duhurnimo

Sawirkan Satellite-ka waxaa la qaaday maanta 23 Dec saacada 3dii galabnimo

Sawirkan Satellite-ka waxaa la qaaday maanta 23 Dec saacada 3dii galabnimo

Khalid Yusuf
Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »