Faroole: “Wax ku darsi la yiraahdo ma jirto “SHAN” sano ayaaba nala ku doortey” (Dhegayso)

farooleeMadaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta booqdey isbitaalka guud ee magaalada Bosaso, isaga oo kormeerey qaybaha kala duwan ee Isbitaalka isla markaana uga mahad celiyey hay’ad ka fulisey hawlo loogu gar-gaarayo dumar dhibaateysnaa kuwaas oo waqtiga dhalmada dhibaato ka raacdo ama isu furma, kaas oo ku soo dhamaadey magaalada Bosaso.

Madaxweynaha ayaa khudbad dheer ka jeediyey halkaas, Madaxweynuhu waxa uu mahad u celiyey hay’addii fulisey, Wasiirka Caafimaadka, maamulka isbitaalka, waxaana uu munaasabadii loo qabtey haweenkii la ildarnaa isifurnak xiliga dhalmada madaxweynuhu  ku soo qaadey khilaafka Puntland.

Madaxweynaha ayaa ayaa sheegay in kuwo aanu magacaabin ay meelahaas la taagan yihiin muddo ayaa la kororsadey  iyo erayo lamid ah.

“…Mid ayaan idiin sheegayaa maba jirto muddo aan kororsaney 5 sano ayaa nala ku doortey iyada ayaana dhamaysaneynaa, inta noo harteyna Xisbiyada ayaan hirgelineynaa, idinka ayeyna idin ku xiran tahay in aad hirgelisaan, haddii kale odoyaashayadaas ayaa idin hortaagnaanaya….” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale is weydiiyey kuwaa yiraahda oo muddaadas sanadka ah malagu dhamayn karaa, isaga oo isla markiiba isu jawaabaya ayuu yiri, oo maxaa loogu dhamayn waayey tii ka weyneyd ee Federaalka ayaan sanad ku dhamayney…”.

Madaxweynaha waxaa hadda laga codsanayo waa in la qabto doorashadii dawladda federaalka ama isagu ku yimid maadaama mudddadii ka dhamaan rabto, laakiin qaabka la doonayo in Puntland laga hirgeliyo ee ah, Diiwaangelin, hubkadhigis, Xisbiyada, doorashooyinka golaha deegaanka, tan baarlamaanka ayaa la isweydiin karaa xiriirka ay la leeyihiin tan federaalka oo lamid ahayd tii isagaba la gu doortey 4 sano ka hor.

Dhegayso qayb kamid ah khudbadii maanta ee madaxweynaha Puntland ku sheegay in 5 sano lagu doortey
[powerpress: url="http://som.horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/12/faroole-maanta.mp3"]

Faroole maanta & Shalay (Flip-Flops)

Waa markii u horeysey ee Madaxweynaha Puntland yiraahdo maba aanan ku darsan ee SHAN sano ayaa LAYGU  doortey, sida la ogyahay Dastuurka lagu doortey madaxweynaha Puntland waxa uu ahaa kii lagu doortey Madaxweyne Cadde Muuse, maadaama kii la qoraayey aanu baarlamaanka soo dhaafin isla amrkaana ahaa qabyo, Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo khudbad ka jeediyey Golaha Wakiilada Puntland taariikhdu marey ahayd 31/10/2011 ayuu ku sheegay in Mandate-koodi ama muddadii xafiiska loo doortey ay ka harsantahay 13 bilood, markaas waxaa laga joogaa 13 bilood oo maalmo dhiman sidoo kale barnaamijkii uu u gudbiyey Baarlamaanka Puntland waxa uu ahaa mid ku jaango’an 4 sano, waxaa taas dheer barnaamij si waaangasan loo qorey oo Madaxweynaha Puntland uga hadlaayo 100 maalmood ee u horeeya xafiiskiisa waxa uu qaban doono (GUJI HALKAN), waxaa uu iyadana ku cadeeyey muddada afarta sano ah waxa uu qaban doono, oo ay ka mid ahaayeen nidaamka Xisbiyada badan oo uu ballan qaadey labada sano ee u horeysa.

Dhegayso Khudbadii Faroole 31/10/2011 ee uu ku caddeyey in 13 bilood u harsan tahay
[powerpress: url="http://som.horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/12/faroole_shalay.mp3"]

“Under such conditions, President Abdirahman Farole assumed responsibility to lead the State for the coming four years”  (More Click Here)

Hadaba waxaa la isweydiinayaa hadalka maanta uu yiri Madaxweynaha Puntland iyo kii uu sheegey Okt 2011, iyo barnaamijkii Xukuumaddisa iyo kii 100maalmood kan la qaadanayo sidoo kale markee ayaa madaxweynuu run sheegayey, sidee ayaase Madaxweynaha ay ku aamini karaan dadka qaata doonitaankiisa in aan sanadku dhalayn 5 sano oo kale.

Doodu waxay ka taagneyd April 2012 ayaa naloo kudaray muddo sanad ah  iyo lifaaq dastuur ma noqdo awoodna umalahan in ergo ku darto muddada xukunka ayaa waxaa hadda ku soo darsantey SHAN SANO ayaa nala ku doortey, khilaafka Puntland weli xal lagama gaarin waxaa socda dedaalo la doonayo in Puntland inta hartey aysan ku sii qabsamin ama shido cusub uga dhicin, waxaase la isweydiinayaa dedaalada socda hadalka Madaxweynaha Puntland ma bur-bur ayuu ku keenayaa mise waa hanjbaad horleh?

Horseed Media
Bosaso, Puntland

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »