John Dramani mahama Oo Ku Guuleystey Doorashadii Ghana

Mahama ayaa wareegii kowaad ku guulesytey doorashadii ka dhacdey dalka Ghana maalintii Jimacada ee la soo dhaafey, galbeedka Africa, waxaana uu wareegi kowaad helay 50.7% taas oo ka dhigeysa in aan loo baahneyn in doorashadu marto wareeg labaad.

Mahama ayaa ahaa madaxweyne kumeelgaar ah ee dalkaas kadib markii uu dhintey Madaxweynihii hore ee Ghana.

Musharaxa mucaaradka ayaa sheegay in aysan oggolaaneyn natiijada doorashada isla markaana ku tilmaamey doorashada mid lagu shubtey. Musharaxa mucaaardka Ghana Nana Akufo-Addo ayaa ugu baaqey taageerayaashoodu in aysan la imaan rabshado ay kaga jawaabayaan natiiada doorashada.

Nana Akufo-Addo ayaa sidoo kale lagaga guuleystey doorashadii hore muddo afarsano ah kahor waxaana looga guuleystey codad aad u yar, waxaana qaar kamid ah taageerayaashiisu u soo baxeen dariiqyada iyaga oo rabshado sameeyey, waxaase xaaladu degtey markii uu qirtey in laga guuleystey. Hadda waxaa taageerayaashiisu ku sugan yihiin xaaladdi hore oo kale, lamana garan karo sida ay u aqbalayaan natiijada soo baxdey. Xisbiga Nana Akufo-Addo ee NPP ayaa sheegay in ay hayaan caddeymo ku filan in doorashdu aysan u dhicin si caddaalad ah.

Ghana ayaa dal dhaqaalihiisu soo krayo, waxaana 20 sano ee u danbeeyey ka jirtey dimoqraadiyad.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »