Madaxweynaha Puntland Oo Booqdey Garoonka Diyaaradaha ee Bosaso

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo wufuud kala geddisan ayaa booqdey garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso, qaybihiisa kala duwan.

Booqashada madaxweynaha ayaa salka ku haysey kadib markii ay magaalada Bosasos oo gaareen wefdi ka socda Qaramada Midoobey gaar ahaan hay’adda hormarinta mashaariicda, kuwaas oo dalka Talyaanigu u xilsaarey dhamaystirka Garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso, waxaana wefdigaas hoggaaminayey nin Talyaani ah oo magaciisa lagu soo gaabiyey Giuseppe.

Sidoo kale booqashada madaxweynaha waxaa ku weheliyey Saraakiil ka socota rugta ganacsiga Puntland, ganacsatada gobolka, Issimo, iyo waxgarad kale kuwaas oo danaynayey dhamaystirka garoonka diyaaradaha ee Bosaso oo ah isha dhaqaalaha ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dhawaan la bilaabayo dhismaha Run-Way-ga, dhabaha diyaaraduhu ku cararaan loona hayo lacagtii dalka Talyaanigu ugu deeqay taas oo la soo marsiiyey Qaramada Midoobey, mashruuca ayaa ah mid la doonayo in ay bulshada loo samaynayo ka qaybqaadato kaas oo noociisu yahay Public–private partnership, isla markaana looga fadhiyo ganacsatadu in ay baxshaan qaybtii ku soo aadey, maadaama aan la bilaabi karin iyada oo aan la helin qoondadii bulshada loo qabanayo.

Guddoomiyaha Rugra ganacsiga Puntland Siciid Xusseyn Ciid

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Siciid Xusseyn Ciid oo ku hadley afka ganacsatada ayaa sheegay muhimadda uu lee yahay mashruucan, kaas oo ay ku xiran tahay dhamaan hormarinta ganacsiga Puntland, waxa uu guddoomiyuhu ku dheeraadey sida ay uga go’an tahay ganacstada iyo rugtooduba in ay mashruucan uga qaybqaataan , Guddoomiyaha ayaa mahad ballaaran u direy dawladda dalka Talyaaniga ee ku deeqday mashruucan iyo weliba dawladda Puntland ee dedaalka u gashey.

Mashruucan ayaa waxaa maamulaya Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan mashaariicda, iyada ayaa noqon doonta midda soo dhejisa qandaraasyada isla markaana soo bandhigi doonta cidda ku guulaysata haddii mashruucu bilowdo.

Garoonka diyaaradaha ee Bosaso waxaa dhismihiisa bilaabey xukuumadii hore ee Puntland sanadkii 2005 waxaa u dhisan Terminal wanaagsan oo qaybihiisa kala duwan u dhamaystiran yahay,  waxaana lagu dhisey lacagta Canshuur ahayd oo ganacsatadu u saareen maamulka si dheeri ah taas oo ahayd 5%, waxaana ay xukunka ka degtey iyada oo aan la dhamaystirin, maamulka Puntland ee hadda ayaa muddo badan lagu eedeeyey in ay ka seexdeen dhamaytirka garoonka diyaaradaha ee Bosaso ee dhamaadkii sanadkii 2010 loogu deeqay lacag dhan 5Milyan oo dollar.

Horseed Media
Bosaso, Somaliya

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »