Madaxweynaha Somaliya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Madaxweynaha Somaliya o lagu so dhoweynayo Magaaladda Istanbul

Muqdisho (HM) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaaladda Muqdisho kadib safar qaatay 1 todobaad oo uu ugu maqnaa Wadanka Turkiga.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliyey xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda oo ay ka mid ahaayeen Wasiiradda Arrimaha Dibada & Gaashaandhiga sidoo kale waxaa iyna ka mid ahaa weftigii la socday Madaxweynaha ee maanta dib ugu so laabtay Dalka Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda.

Mudadii uu joogay Madaxweynuhu wadanka Turkiga wuxuu la kulmay Madaxweynaha wadankaas Cabdala Gual & Raysal Wasaare Rajab Dayib Ordugan iyadoo ay wada saxiixdeen Heshiisyo dhowr ah Dowladda Somaliya & Dowladda Turkigu kuwaas oo ay ku jireen heshiisyo la xiriiray dhanka Gaashaandhiga..

Booqashada uu Madaxweynuhu ku tegay Dalka Turkiga ayaa ahayd tii ugu horaysay ee uu ku tago wadankaas tan & markii Xafiiska loo doortay 10 Sep, 2012.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »