Magaalada Qardho oo ay xiisadi ka dhalatay kadib ciidamo halkaasi gaaray

Col. Muxyadiin Axmed Muuse

Col. Muxyadiin Axmed Muuse

Magaalada Qardho ayey xiisadi ka dhalatay kadib markii ay halkaasi gaareen ciidamo uu hogaaminayo Taliye kuxigeenka Booliiska Muxiidiin Gacmey kuwaasi oo watay gaadiidka dagaalka iyo kuwa Shabaqlayaasha.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay magaalada u tageen inay soo qabqabtaan Odayaal iyo Nabadoono dhawaan dib uga soo noqday magaalada Garowe oo maalmahan ku sugnaa magaalada Qardho.

Horey ayuu maamulka amar uu soo saaray ku sheegay in deegaanada Puntland aysan wax shirar ah ku qabsan karin nabadoonada, hadii aan wax fasax ah laga heysan maamulka.

Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Puntland oo dhawaan hawlaheeda sikumeel gaar ah ulla wareegay Wasiirkuxigeenka Cali Xoosh ayaa amaro ay u kala dirtay Degmooyinka Puntland ugu sheegtay maamuladaasi inay tilaabo ka qaadaan dadka kasoo horjeesta amarada Madaxtooyada.

Arrintan waxaa horey ugu gacanseeray odayaasha magaalada Qardho oo sheegay inaan loo hanjabi karin dadka magaalada ku sugan iyo waliba Nabadoonada dhawaan halkaasi gaaray.

Ciidamada uu watay Taliye kuxigeenka Booliiska ayaa hada ku sugan Saldhiga Booliiska, waxaana magaalada laga dareemayaa xiisada ay la yimaadeen ciidamadan.

Dhanka kale kulan balaaran ayey magaalada maanta isugu yimaadeen dhamaan beelaha ku dhaqan gobalka Karkaar oo ka arrinsanaya arrimaha cusub, waxaana qado sharaf ka dhacday magaalada laga soo saaray qodobo la xariira in maamulka uu ka fogaado wax walba oo keeni kara isku dhac dhexmara shacabka iyo maamulka.

Maamulka Degmada Qardho ayaa asagu sheegay inuusan lahayn amarka ciidamadan cusub ku yimaadeen magaalada Qardho balse ay tahay amar kaasoo baxay Madaxtooyada, halka odayaasha magaalada Qardho ay ka digeen fal amniga wax u dhimi kara inay ku dhaqaaqaan xubnaha dowlada kamid ah.

Sawirada Odoyaasha iyo waxgaradka dhexmarey ee looga codsadey in ciidanka la socda Col.Muxyadiin ay magaalada isaga baxaan isla markasna aysan jirin xaalad u yeeraysa ama loogu baahan yahay in ay yimaadaan magaalada:

Cabdinaasir Cabdi awmuse.

Cabdinaasir Cabdi awmuse.

Dr. Mustafe Siciid Shabac.

Dr. Mustafe Siciid Shabac.

DSCN0309 (800x600)

DSCN0312 (800x600)

DSCN0313 (800x600)

DSCN0318 (800x600)

DSCN0330 (800x600)

Midig Cabdicasiis Boqor muuse Kuxiga-Caato-Nuur Maxamed Nuur-Cabdicasiis

Midig Cabdicasiis Boqor muuse Kuxiga-Caato-Nuur Maxamed Nuur-Cabdicasiis

Nuur Maxamed Nuur

Dr. Nuur Maxamed Nuur

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »