Maraykanka oo ciidamo u diray dalka Bartamaha Afrika

ciidamoMaraykanCAR

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa amar ku bixiyey in ciidamada gaarka ah ee Maraykanka (Special Forces) loo diro dalka Bartamaha Afrikan (Central African Republic) si ay ugu gurmadaan diblumaasiyiinta ku sugan wadankaasi.

Ciidamada Maraykanka ayaa gaaray wadanka Chad oo ay jaarka yihiin dalka Bartamaha afrika waxaana lagu wadaa inay dhawaan gaaraan magaalada caasimada ah ee Bangui ee dalkaasi Bartamaha Afrika.

Arrintan ayaa imaaneysa xili kooxaha mucaaridka isbaheysiga ay sameysteen oo lagu magacaabo Seleka ay qarka usoo saaran yihiin inay soo galaan magaalada caasimada ah.

Isbaheysiga Mucaaridka ayaa horey usoo qabsaday 11 magaalo oo ku yaal Waqooyiga dalka Bartamaha Afrika hadana waxay wax yar usoo jiraan magaalada Bangui oo ku taal koonfurta dalkaasi.

Xoogaga Isbaheysiga Mucaaridka Seleka

Isbaheysiga Mucaaridka ayaa shalay qabsaday magaalada Sibut oo ah meel aan ka fogeyn caasimada, waxaana hada u haray hal magaalo oo kaliya kadibna waxay gudaha usoo gali doonaan sida la filayo magaalada caasimada ah. Ciidamada Dowlada ayaa todobaadkii lasoo dhaafay dagaal walba oo ay la galeen isbaheysiga mucaaridka ku jabay.

Wadamada Reer Galbeedka ayaa bilaabay inay dadkooda kala baxaan dalka Bartamaha Afrika, Maraykanka ayaa hada bilaabay inuu ciidamadiisa u diro dalkaasi si uu halkaasi uga saaro dadka u dhashay wadanka Maraykanka, waxayna tilaabadan imaaneysaa kadib markii Dowlada Maraykanka horey loogu eedeeyey inay ciidamadeeda u diri weyday magaalada Bengazi oo bishii September weerar lagu qaaday Qunsuliyada Maraykanka uu ku dhintay Safiirkii Maraykanka dalka Liibiya u fadhiyey.

Horseed Media
News Desk 

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »