Maxaabiis denbiyo burcad-badeednimo lagu xukumey ayaa maanta la keenay magaalada Bosaso

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Bandarqaasim ee magaalada Boosaaso laga soo dejiyay niman maxaabiis ah, kuwaas oo garaya shan nin, isla markaana Maxkmad lagu saarey dalka Seychelles kadib markii lagu qabtey falal burcadbadeednimo laguna xukumay xukuno kala duwan.

Diyaarad yar oo siday ragaan maxaabiista ahaa ayaa waxaa ay ka soo degtay garoonka diyaaradaha magaalada, waxaana halkaasi ku sugnaa oo la wareegay mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo Puntland ka tirsan.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Dekedaha iyo la dagaalanka Burcadbadeeda Maxamed Ciise ayaa la wareegay ragga maxaabiista ahaa, isagoo sheegay mar uu saxaafadda la hadlaayay in uu maxaabiista ay kulawareegeen heshiisyo dhexmaray Puntland iyo dowladaha xukuma maxaabiista loo heysto burcad badeeda,gaar ahaan dowladda Seychelles.

Waxaa sidoo kale halkaasi ku sugnaa Taliyaha ciidanka Asluubta Puntland Gen.Cali Nuur Cumar oo saxaafadda u sheegay in ragaan lagu xiridoono xabsiyo cusub oo loo diyaariyay.

[powerpress]

Mid ka mid ah raggii burcad badeedda ahaa oo ak hadlay sida uu u arko in la keeno Puntland ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in lagu xiro xabsi ku yaal dalka Soomaaliya oo ah dalkiisa,waxaan hadalkiisa uu ku daray in ay soobooqankaraan eheladiisa,oo ayhorey u soo booqan karin gaddii uu ku xirnaa lahaa dalka dibadiisa xabsi ku yaala

Horseed Media
Bosaso Puntland Somaliya

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »