Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo dib u celiyey Miisaaniyadda 2013

Baarlamaanka Gacantaag

Xildhibaanada Baarlamaanka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta mar kale isugu yimid kulankii ay uga doodayeen miisaaniyadda 2013 ee Wasaaradda maaliyadda dawladda federaalku u soo gudbisey.

Kulanka maanta ee xildhibaanada waxaa soo xaadiray 154 mudane taas oo ah kooram baarlamaanku go’aamo ku gaari karo, waxaana wareegii hore shirguddoominayey Guddoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa si weyn ugu kala aragti duwanaa, waxaana inta badan ay ku doodayeen in kharajiyaadka xafiisyada xukuumadda la dhimo.

Nasasho yar kadib waxaa yimid Afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo la wareegay shir-guddoonka waxaana uu siiyey fursad hadal Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamuud Xassan Suleymaan oo soo xaadirey kulankii maanta, wasiirka ayaa ka codsadey Xildhibaanadu in ay meel mariyaan miisaaniyadda xukuumadda ee 2013.

Mudane Jawaari ayaa go’aamiyey in cod lagu kala baxaayo laakiin waxaa fadhiga isaga baxay 30 mudane kuwaas oo doonayey in kooramku uu noqdo mid aan buuxsamin go’aamada uu gaarona sharci darro noqdaan, waxaa oggolaadey miisaaniyadda 54 Xildhibaan waxaa diidey 70 Xildhibaan halka 30 Xildhibaan ay codeynta banaanka ka ahaayeen.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay isaga oo xiganaya xeer hoosaad baarlamaanku lee yahay in natiijadan lagu dhaqmaayo muddo 30 maalmood ah, wasaaradana laga doonayo in ay wax ka beddasho meelaha xildhibaanado dal-daloolada ka arkeen.

Horseed Media
Muqdisho, Somaliya

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »