NATO oo gantaalada Patriot keenaysa dalka Turkiga

Gantaalada Patriot ayaa waxaa sameeyey wadanka Maraykanka

Isbaheysiga NATO ayaa ugu danbeyn go’aansaday in Gantaalada Maraykanka sameeyeen ee loo yaqaan (Patriot) ay geeyaan xaduuda u dhaxeysa wadamada Turkiga iyo Siiriya.

Go’aankan ayaa lagu gaaray shir shalay (Salaasa) ay wadamada NATO  ku yeesheen xaruntooda magaalada Brussels ee dalka Belguim.

Xoghayaha Guud ee NATO Anders Fogh Rasmussen ayaa sheegay in go’aankan ay qaateen kadib markii codsiga uga yimid wadanka Turkiga oo asagu xubin ka ah NATO.

Rasmussen ayaa halkiisa ku daray in gantaaladan ay yihiin kuwo “Difaac” ah oo kaliya.

Dowlada Turkiga ayaa horey uga dalbatay NATO in gantaaladaasi meesha dheer wax ka dila loo keeno si ay uga gaashaamato duqeyn uga imaan karta dowlada Siiriya ee jaarka yihiin.

Sharciga u yaal Isbaheysiga NATO ayaa ah in ay si wadajir ah u difaacaan dowlad xubin ka ah Isbaheysigooda hadii lasoo weeraro.

Waxaana lagu wadaa in labada todobaad ee soo socda in gantaalada la geeyo xaduuda Koonfureed ee dalka Turkiga la wadaago wadanka Siiriya.

Gantaaladan ayaa la sheegay inay keeni doonaan labada wadan ee Holland iyo Germany oo ayagu kamid ah isbaheysiga NATO.

Dowlada Siiriya ayaa go’aankan ku tilmaamtay mid khatar horleh keeni kara, sidoo kale dowlada Ruushka ee taageerta Xukuumada Bashaar Al Assad ayaa go’aanka NATO ku tilmaamay mid khaldan.

Maalmihii lasoo dhaafay ayey isa soo tarayeen digniinta wadamada reer Galbeedka u dirayaan wadanka Siiriya, inuusan adeegsan hubka Kiimikada.

Wadanka Siiriya ayaa heysta boqolaal gantaalada tiirada dheer ah, kuwaasi oo qaadi kara hubka sida ba’an wax u gumaada ee Kiimikada ah.

Horseed Media
News Desk 

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »