Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmey raysalwasaaraha Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud oo maalmahan safar ku joogey dalka Turkiga ayaa kulan la qaatey raysalwasaaraha Turkiga Racep Tayyip Erdogan, kulanka labada masuul ayaa ka dhacay magaalada istanbul ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya oo u tegay Turkiga sidii Dawladda Soomaaliya looga caawin lahaa dib u dhiska hay’adaha dawliga ah iyo dib u dhiska ciidanka ayaa kulankii isaga iyo Erdogan dhexmaray diirada lagu saarey iskaashiga labada dal, dib u dhiska ciidanka iyo sii wadida mashaariicda horumarineed.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga ayaa warbaahinta u sheegay in labada dhinac ay qalinka ku duugeen heshiis iskaashi kaas oo dalka Turkigu ku sii ballaarianyo taageerada Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya oo hadda aan ahayn kumeelgaar ayaa geli karta heshisyo caalami ah. Wefdiga Madaxeeynaha waxaa kamid ah Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Raysalwasaaraha Turkiga ayaa indhaha caalamka ku soojeediyey Soomaaliya kadib markii uu booqdey Bishii Oktober 2011 xiligaas oo Koonfurta Soomaaliya ay ka taagneyd macaluul ba’an, xaaladda amniguna ay ka liidatey sida ay maanta tahay.

Horseed Media
Muqdisho, Somaliya

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »