Qarax ka dhacay Muqdisho oo ay dad ku dhinteen

Makah Al Mukaramah

Ugu yaraan sadex qof ayaa ku dhimatay weerar bambaano oo maanta oo Jimce ah ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho. 

Weerarkan ayaa ka dhacay wadada Makah Al Mukaramah, halkaas oo la sheegay in ay ku dhinteen ugu yaraan 3 qof ayadoo dhaawacyaduna intaasi ka badan yihiin.

Goobta uu ka dhacay Qaraxa ee wadada  Makah Al Mukaramah ayaa ah goob ay dadka ku badan yihiin muddooyinkii danbena ay si aad ah ugu soo badanayeen goobaha ganacsiga iyo kuwa wax laga cuno.

Weerarkan ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha Qaraxa lasoo saaray isla markaana uu waday qof naftii hure ah, waxaana la rumeysan yahay in weerarkan lala damacsanaa kolonyo ciidamada Midowga Afrika ah oo goobtaasi marayey.

Dadka dhintay ayaa dhamaantood ah Soomaali oo uu ku jiro qofkii gaariga waday iyo dad rayid ah oo goobta marayey.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »