Soomaaliya Oo Mar Kale Noqotey Dalka Dunida Ugu Musuq-maasuqa Badan


Hay’adda Transparency International oo baaritaan ku samaysa musuqmaasuqa iyo nidaamka daahfuranta ee dawladaha caalamku u shaqeeyaan ayaa sanadkan 2012 soo saartey liiska sida dawladaha adduunku ay ku yihiin Musuq-maasuqa iyo daah-furnaanta.

Dalka Soomaaliya oo isagu aan weli lahayn dawlad dhexe oo xoog badan oo awoodeedu dalka wada gaarsiisan tahay ayaa markale waxaa uu gadaal ka hoggaamineysa dhanka xumaanta iyo musuq-maasuqa dalka Soomaaliya oo sanadihii u danbeeyey booskaas haystey isla markaana lagu shaabadeeyey dalka dunida ugu musuqmaasuqa badan, ayaa sanadkana booskiisi ceshadey oo aan madaxa kor u soo qaadin sida hay’addu sheegtay

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dalalka kacdoonku ka dhaceen ee Carabta weli la daalaa-dhacayaan musuq-maasqu iyo daahfurnaan la’aan, guud ahaan qaarada Africa ayaa iyaduna weli la tacaaleysa musuq-maasuqa, waxaana sabab u ah isla xisaabtan la’aan, hay’ado badan ayaa jira oo aan lala xisaabtamin sidoo kale siyaasiyiin aan cidna la xisaabtamin ayaa iyaguna weli jira, dalalka Africa ee sanadkan xaaladoodu soo hagaageyso waxaa ka mid ah dalka Botswana.

Baaritaanka hay’adda Transparency International ayaa diirada ku saarta, Musuqmaasuqa, fasaadka, laaluushka, qaraabo-kiilka, eexda iyo waxyaabo kale kuwaas oo Soomaaliya sanadkan ka gashey #1.

Dalalka ugu wanaagsan dunida ee daahfurnaantoodu tahay heer wanaagsan waa New Zealand, Denmark iyo Finland oo kaalinta kowaad ka hoggaaminaaya musuq-maasuq la’aanta.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »