Taageerayaasha Morsi iyo Mucaaridka oo gacanta isula tagay

Waxaa xalay magaalada Qaahira ka dhacay iska horimaad u dhaxeeya taageerayaasha xukuumada Madaxweyne Maxamed Morsi iyo mucaaridka oo maalmihii lasoo dhaafay banaanbaxyo ka dhigayey magaalada caasimada dalka Masar.

Habeenimadii Arbacada ayaa waxaa ka dhacay banaanka hore ee xarunta Madaxtooyada iskahorimaad dhexmaray taageerayaasha xisbiga Akhwaan Muslimiinka iyo kooxaha mucaaridka oo ayagu illaa habeenimadii Salaasadii hor fadhiyey xarunta Madaxtooyada.

Iska horimaadkii xalay ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen dad gaaraya 212 qof, halka ciidamada Booliiska ay sheegeen inay xabsiga dhigeen 33 qof.

Waxaa ayaguna jira warar sheegaya in labo qof ay ku dhimatay iska horimaadyadii xalay ka dhacay nawaaxiga xarunta Madaxtooyada ee Qaahira.

Madaxweyne Maxamed Morsi ayaa asagu maalinimadii Salaasada isaga baxay xafiiskiisa Madaxtooyada kadib markii ay halkaasi banaanbax ku qabteen kooxaha mucaaridka oo kasoo horjeeda dikereetooyin uu soo saaray Madaxweynaha 22kii bishii November, oo uu awoodiisa ku baahinayey, kana sarayeelay awooda Garsoorka wadankaasi Masar.

Afhayeenka Madaxweynaha ayaa sheegay in maalinimadii Shalay (Arbaca), uu Madaxweynaha dib ugu noqday xafiiskiisa walow uusan banaanka usoo bixin.

Iska horimaadyadii xalay ayaa sidoo kale keenay in la gubo qaar kamid ah Xafiisyada Xisbiga Akhwaan Muslimiinka.

Kooxaha mucaaridka ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha inuu asagu ka mas’uul yahay wixii dhiig ah oo daata iyo fowdada, halka xisbiga Madaxweynaha ay ku eedeeyeen mucaaridka inay ayagu wadaan xiisada hada ka taagan dalkaasi.

Horseed Media
News Desk 

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »