Tala bixin ay soo gudbiyeen Waxgaradka Jaaliyadda deggen Australia

Ujeedo:-Bayaan ay soo saareen waxgaradka

U dhashay reer Puntaland ee ku nool waddanka Australia

Oo aad iyo aad udhibsaday qayladhaanta joogtada ah oo ka soo yeeraysa

Dalkii Udugga iyo nabadda lagu yaqaannay ee Puntland

Ku:- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntaland

Mudane Cabdirahmaan Faloole.

Ku:- dhamaan mucaaradka iyo musharaxiinta reer Puntland

Ku: dhamaan ismada, odayaasha, siyaasiyiinta iyo dhamaan waxa garadka kale ee reer Puntland.

Annaga oo ah waxgaradka deggan Dalka Australia waxaan halkaan uga hadlaynaa qayladhaanta iyo dhibka faraha badan oo ka soo yeeraaya Gobolladii nabadda iyo waddaniyadda saldhigga u ahaa iyo arrimaha shacabku dhibsanaayo oo sida isdabajoogga ah uga dhacaaya waddankeenna taas oo hadda noqotay mid maalinba maalinta ka dabaysa sii xumaanaysa meelihii aan filaynnay in ay xalka helaan oo ahayd Odayaasha iyo Isimadana ay saamaysay dhibkii ayaan waxaan soo jeedinaynaa in xal deg deg ah laga gaaro, intaan shacabku dhib ku dhicin taas oo qof kasta oo waddani ah ama wax garanaaya waajib ku ah waxaanan codsanaynaa in aan ummadda dib loogu celin dhibkii 22 sano ay ku soo jireen oo ay hadda islahaayeen waad ka buskoonaysaan, sababta aan saas u leenahayna waa dhacdooyinka aan hoos ku soo sheegi doono:-

1-Horay ayaan uga dignay bayaanno aan soo saarnay kuna caddeynay dhibka hadda socda in laga hortago , annagoo la hadalnay Madaxweynaha iyo Maamulka, Odayaasha iyo Isimada,Musharixiinta iyo Mucaaradka, shacabka iyo Askartoodaba, waxaan aaminsannahay, talada adaa ku nool ee iyadu kuguma noola, balaayana dhago laqabto bay leedahaye daba la qbto ma leh wali waxbaa la sixi karaa ee xal wada jirah ha la soo saaro.

2-Waxaa si xad aan lahayn loogu xad gudbay Isimadii aan ognhay markii qof walba uu noloshiisa dabiranaayey iyagu ku mashquulsanaayeen sidii puntaland u noqon lahayd State is maamulkiisa leh markaasna ay u saamaxeen qofkii wax isbida oo yiraahda waxbaan qaban karaa in ay ku soo dhoweyaan, taas oo aan u aragno in ayan abaal u lahayn sida loola dhaqmay oo ah xarigga iyo dilka iyo masaafirinta, waa wax qof kasta oo damiir leh dhibaysa, sharafta iyo wanaagga waddan walba wuxuu ku xiran yahay sida ay sharciga ay degsadaan ay u raacaan una dhowraan,taasi haddii ayan jirinna waa bakaylow nin iyo bur, bur bur iyo is baabi’n baa bedelaysa, taasina waa arrinta aanaan doonayn in ay dalkeenna ka dhacdo, marka ha la joojiyo

Dhibka lagu hayo birmagaydada iyo dadka sharafta leh yaan la Ihaanadayn qiimahana laga qaadin dadkii xalka la weydiin laa ileen waan u baahannahaye.

3- Baarlamaanka xildhibaanadii ka mid ahaa illaa haddana haya howsha waxaan qabnaa in ay beelohoodii dib ugu laabtaan oo soo abaabulaan ciddii u mathali lahayd Golaha cusub haddii ay isleeyihiin idinkaa ku habboonna ay iyaga oo idinkii wata dib ugu soo noqdaan kan dambe.

Waxaa cajiib nala noqotay dad la soo doortay oo beeshoodii u mathalaayey Barlamaanka oo markii wakhtigii ka dhamaaday yiri waa iska joogaynaa, Odagii soo dirayna u ogolaaday in la xiro oo karaamadiisa lgu tunto, aaway dhaartii aad ummadda u marten, sow dad ilaahay yaqaan maahidin, waxaan idnkula talinaynnaa caano daatay dabadoodaa la qabtaa ee bal xal iyo caqli intaad isticmaashaan wixii la idiin soo doortay dib u eega.

4- Xisbiyada la yiri waa la samaynayaa iyo Dimoqraadiyeynta cid diidan ma jirto, wixii Ummadda u danaynayana waa loo baahan yahay balse waxaa fiican in intaan dadka dhib loo horseedin, in la fiiriyo waa u baahan nahay kaliya laguma gaaro Demoqoraadiyade maxay u baahan tahay taasoo aan u aragno intaan dadka dhib la galin in loo bisleeyo qodobadaan:-

  • ·         in dadka hubka laga dhigo siloo xaqiijiyo amaanka guud ee dalka
  • ·         In lahelo dhamaan gobalada Puntland ay ka kooban tahay iyo xuduudoodaba
  • ·         In dadka reer puntland loo helo aqoonsi si loo ogaado qofka codbixinta xaqa uleh.
  • ·         In tira koob lasameeyo In wacyi gelin lagasameeyo dadku meel kasta oo uu kusuganyahay.
  • ·         In datuurka wixii ka maqanna lagu daro aftina loo qaado.

Dowlad walba oo Adduunka ka jirta waxay jeceshay waxay bilowday in ay dhameeyso, markaan saas leenahay micneheedu waxaa weeye kuma xirna Madaxweynaha howsha bilaabay ee mid walba oo yimaada ayaa meeshaas ka sii wadaaya illaa ay ka dhamaato,haddii uu ku soo noqdo kii horena waa sii wadaa,

Dad badan oo wax qaban kara ayaan leenahay aan siinno jaaniska qofkii ay shacabku rabaan ama doortaan, si xal saliim ah aan uga gaarno.

Nabaddu waa furaha horumarka bulsho kasta,

Dagaalka iyo xabadduna waa baaba’a Bulsho kasta.

Waxaan ka digaynna carqalad kasta oo keeni karta dagaal, Dowladda iyo mucaaradkuba ha ka digtoonaadeen in aan dadkaas dhibka muddada badan ku soo jiray loo adeegsado dhib dagaal.

Haddii dhibkaas aan ka dignay dadku dhintaan waxaa masuuliyaddeda qaadaysa ciddii dhagaha ka furaysata xalka intaas la soo jeedinaayo, waana lagula xisaabtami doonaa.

Askarta waxaan u soo jeedinaynaa hubka waxaa loogu dhiibay cadowga Puntaland iyo Shacabkiisa in looga hortago marka dadka dhibka ka ilaaliya, sharaf Ciidannimo waxay ku jirtaa service fiican in aad shacabkiinna u muujisaan waligiin dhowrataan.

Waxaan warbixintii ku soo gabagabaynaynaa, Dagaal iyo caburini haddii ay wax tarto waxay badbaadin lahayd xukuumado badan oo Adduunka ku fashilay, Dagaalna haddii uu waxtro Soomaaliyoo meel khayr ku furi lahaa, dhib iyo dagaal waa belo loo yeeranaayo, yaan belo loo yeeran ee wanaagga ha laga taliyo.

Madaxwaynaha, waxaan u soo jeedinaynnaa in uu shacabka iyo bulshaweynta dhexdhigo talada, dhagasto tabashadooda waxa khaldanna soxo oo la kulmo dadkii shalay soo doortay iyo doorashada uusan wakhtigeedii dhaafsiin taas oo ah 8/janaury/2013.

Mucaaradka waxaan u soo jeedinaynaa in ay noqdaan mucaarad dhibka ka ilaaliya dadkooda talo wax ku ool ahna la yimaada. Maamulka jira, Odayaasha,gacsatada, iyo shacabkaba waxaa ka buuxa dad waxtar ah tala wanaagsanna lagu biirsan karo marka dadka la tashada wanaaggana horseda

Odayaasha: Waxaan halkaan ka soo jeedinaynnaa hambalyo ku wajahan dhammaan dadka ra’yiga saliimka ah soo qoraaya, Odayaasha sida aan hagarta lahayn xalka u raadinaya oo aan ka caajiseyn iyo shacabka Dulqaadka badan ee reer puntaland oo aan leenahay Ilaahay idinku qadin mayo dulqaadkiinna wax garadna waa ka buuxaa shacabkeenna ee dulqaata raallina ahaada.

1.       Cisman Bulhan Boqor Cisman

2.      Dahir Mahdi Nur Islan(Dahir Ogaden)

3.      Bashiir Shire Abdulle

4.      Ali Qaalib Saed

5.       Mukhtaar faarax Ali Adde

6.      Abdinaasir Abaas Nur

7.       Haashi Xirsi Sa’id

8.      Ali Yasin Aidid

9.      Abdirahmaan Mahamed Xirsi Gurac

10.   Sadiq Cumar Xayd Dheere

11.    Abdikarin Abdulqadir Kadiye

12.   Cabdulqadir Faarax Baashane(Nabadonka Beesha Isxul ee CM)

13.   Cabdulqaadir Diite

14.   Cumar Ahmed Islaweyn

15.    Garaad Cabdirisaaq Cali Gurxan

16.   Cabdulqaadir Mahamed Abdalle

17.    Mahamed Xaaji Warsame

18.   Faarah Abdi Faarax

19.   Ali Ahmed Ali

20.  Cabaas Ahmed Maxamud Ali

21.   Ali Jaamac Ahmed

22.  Khadar Abukar Xuseen

23.  Cismaan Ahmed Mahamud

24.  Abdixakiin Xaashi Faarax

25.   Axmed Xaashi Faarax

26.  Sahro Sheikh Mahamud

27.   Shukri Ahmed Ali

28.  Halimo Sheikh Mahamud ( Halimo Kaaraan)

29.  Hooyo, Cadar Ahmed Muuse Cawl ( Maamo Cadar Odawaa)

30.  Hawo Ahmed Jamac Buux

31.   Hawo Cabdiqadir Dheel

32.  Sacdiya Cabdirisaq Sandheere

33.  Shugri Cabdiqani

34.  Luul Sheikh Mahamud

35.   Safia Nur Hussein Horeeye

36.  Luul Cabsi Ciise

37.   Amina Hashi Farah Canbar

38.  Ubax Hashi Farax Canbar

39.  Ayan mahamed Hassan

38.  Hibo Mahamed Hassan

39.  Sahro Hassan Tumey

40.  Eedo Maryan Garweyne

41.   Ardo Ahmed Nur

42.  Sucdi Garweyne

43.  Halimo Hassan Hussein

44.  Fadumo Jamac Gurac

45.   Hawo Cumar Farah

46.  Halimo Cabdiqadir

47.   Amina Xaashi Carab

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »