Taliyihii Hore Ee Ciidanka Asluubta Oo Xabsi Daa’in Lagu Xukumey

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee DF Somalia ayaa xabsi daa’in ku xukuntay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Cabdi Maxamed Ismaaciil Indhabuur.

Maxkamadda Ciidamada ayaa shaacisay in Xeer Ilaalintu kusoo eedeysay taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta inuu sameeyay khiyaano qaran maadaama uu xabsiga dhexe kasii daayay rag ka tirsanaa al-Shabab oo uu darajooyin ciidan u xiray sirdooneyaal ka tirsan al-Shabab oo loo ekeysiiyay Ciidamada Asluubta. Taliyaha hore ayaa baxsad ku maqnaa xiliga la xukumaayo.

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta ayaa baxsaday xilli hore iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inuu ku noolyahay degmada Burco uu haatan ka arrimyo maamulka Soomaaliland.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa xabsi shan sano ah ku xukuntay agaasimihii Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo isna lagu eedeeyay inuu wax ka fududeeyay falkii lagu sii daayay horjoogeyaal ka tirsanaa al-Shabab oo lagu xiray xabsiga dhexe.

Ciidamada asluubta oo ahaa ciidan howlo farabadan qaban jiray ayaa haatan howshiisa kusoo aruurtay ilaalinta Xabsige dhexe ee Xamar iyadoo taliyihii loo magacaabay uu lacag ku iibsaday hogaamiyeyaal muhiim u ahaa Shabab kadibna uu isaga baxsaday magaalada.

Horseed Media
Muqdisho Somalia

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »