Wasiirul-dowlada Madaxtooyada Federaalka oo ku sugan Boqortooyada Sucuudiga

faaraxshcabdulqadir1

Wasiirul-dowlaha Madaxtooyada Dowlada Federaalka Faarax Cabdulqaadir Maxamed ayaa gaaray dalka Boqortooyada Sucuudiga. Halkaasi oo uu kulamo kula yeeshay qaar kamid ah madaxda dalkaasi.

Safarka Wasiirul dowlaha ayaa la rumeysan yahay inuu horudhac u yahay safar la filayo inuu dhawaan dalkaasi ku tago Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud.

Faarax Cabdulqaadir ayaa magaalada Riyadh waxaa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuud Al Faysal Bin Cabdulcasiis.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa sidoo kale la filayaa inuu safaro kale ku tago wadamo carab ah ayadoo bishii lasoo dhaafay Wafdi ka yimid dalka Boqortooyada Qatar uu Madaxweynaha kulan ay albaabada u xiran yihiin kula qaatay Airporka Magaalada Muqdisho, wafdigaasi ayaa la rumeysan yahay inuu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibada ee Qatar, waxayna xubno ku dhaw dhaw Madaxtooyada u sheegeen Horseed Media in ay jirtay dhaqaale ay dowlada Qatar u keentay maamulka cusub ee Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa asagu sheegay inuu ku hawljiro sidii dib ugu soo celin lahaa xiriir diblumaasiyadeed ee wadanka Soomaaliya la lahaan jiray caalamka. Wuxuuna dhawaan safaro ku kala bixiyey Wadamada Ugandha, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »