Xaflad lagu daah-furayo waxbarashada meel fog (Distance learning) oo lagu qabtey jaamacadda Bosaso

CIMG1648Xafladda Daahfurka Xarunta cusub ee waxbarashada furan (Distance learning) ee Jaamacadda Suudaan Al-maftuuxa oo ay wakiil u tahay Jaamacadda Bosaso

Waxaa ka dhacay Hall ka weyn ee Jaamacadda Boosaaso xaflad weyn, taasoo si fiican loo soo agaasimay, waxaana lagu soo dhoweynaayey wafdi ka socday Jaamacadda Suudaan Al – Maftuuxa ee dalka Suudaan oo ay jaamacadda Bosaso wakiil uga noqotay dalka soomaaliya.

Waxayna bixinaysaa Jaamacadda Suudan Al-maftuuxa waxbarashada heerarkeeda kaladuwan, sida: Bachelor DEGREE, DIPLOMA SARE, MASTER DEGREE, IYO PHD.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay marti sharaf kala duwan sida, ganacsato, culamaa’udiin, arday, Mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Puntland oo uu hogaaminaayey Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda waxbarashada Mudane Jaamac Yaasiin iyo waliba madaxa tacliinta sare ee Mr. Abdullahi Jaamac Dhubad.

Ugu horeyntii waxaa ka hadlay madasha Mr. Mohamed Mahad Isse oo ka hadlay ujeedada xafladda kuna soo dhaweeyey gudoomiyaha Jaamacadda Bosaso, Dr. Mohamed Ali Farah isaga uu ku nuuxnuuxsaday faa’ iidada uu barnaamijkaani u leeyahay umadda soomaaliyeed guud ahaan iyo waliba in Jaamacadda Boosaaso ay ka go’ an tahay hirgalinta barnaamjkaan.

Waxa uu sidookale sheegay gudoomiyaha in barnaamijkaan uu fursad u yahay bulshada aan waqtiga u heli Karin inay Jaamacad si joogta ah u dhigtaan ama jooga meel ka fog goobaha Jaamacadaha laga helo.
Waxaa sidoo kale ka hadalay musuulka Jaamacadda Suudan Al-maftuuxa Dr. Muusa Cali Fadlalah soona bandhigay kuliyaddaha kala duwan ee ay Jaamacaddu bixinayso iyo waliba warbixin dhamaystiran oo ku saabsan waxqabadka Jaamacadda Suudaan Al-maftuuxa, wuxuuna goobta ka caddeeyey furitaanka Xarunta cusub ee Jaamacaddoodu ka furatay magaalada Boosaaso.

Waxaa isna ka hadlay xafladda Abdirahman Abdirisak oo ah Masuulka Hay’adda wadaniga ah ee Tadaamun oo ka mid ahaa marti sharaftii ka soo qeyb gashay Xafladda waxa uuna si fiican u soo dhaweeyey xirirka cusub ay yeesheen Jaamcaadaha Bosaso iyo SAudan Al-Maftuux.

Gaba-gabadii xafladda ayaa waxaa soo xiray wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Mr. Jaama Yasin isagoo aad u soo dhoweeyey horumarka ay ku talaabsatay Jaamacadda Boosaso, uguna baaqay mas’uuliyiinta jaamacaddaha kale iney ku daydaan waxqabadka Jaamacadda Bosaso, Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysey ee jaamacadda Boosaaso wafdi noocaan oo kale ay marti galiso,iyadoo ay xafladda ay ku dhamaatay jawi aad udegan iyo soo dhoweyn wanaagsan.

Horseed Media.
Bosaso-Puntland-Somalia

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »