Dowladda Federaalka Soomaaliya & la dagaalanka musuq-maasuqa

Muuse Faarax Xayd, Agaasimihii Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya

Muuse Faarax Xayd, Agaasimihii Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya

Waxaa maalintii shalay (Sabti) soo baxay in xabsiga loo direy Agaasimhii Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Muuse Faarax Xayd iyo labo kale oo kamid ahaa shaqaalaha Wasaaradda.

Wasiirka Hormarinta Arrimaha Bulshada oo Wasaaradda Waxabarashadu Hoostagto Drs. Maryam Qaasim ayaa warbaahinta u sheegtey in tani taha calaamad muujineysa sida ay Dowladda uga go’antahay la dagaalanka Musuq-maasuqa iyo in Soomaaliya laga reebo magaca ay deriska la noqotey ee ah Dowladdii Musuqa ku dhisneyd.

Haddaba maxaa loo fasiran karaa Xariga Muuse Faarax Xayd Agaasimhii Wasaaradda Waxbarashadu?

Drs.Maryam Qaasim ayaa sheegtey in ay Agaasimaha dacweeyeen dad lacago laga qaatey kuwaas oo loo ballan qaadey deeq Waxabarasho, haddii xarigu sidaas ku salaysan yahay waa macne qofkasta fahmi karo waana dad lacagi ka maqantahay xaq ayeyna u leeyihiin in ay dacweeyaan qofkii hantidooda qaatey, haddiise xarigu salka ku hayo sida Wasiirku hab kale u sheegtey ” Waa bilow muujinaya la dagaalanka Musuqa ee dowladeedu waddo” waa mid iyaduna soo dhaweyn leh waxayse fureysaa albaabka LAAKIIN!

Sida aan qarsooneyn Soomaaliya waxay saddex sano oo isku xigta hoggaamineysey dalka adduunka ugu musuqmaasuqa badan, kadib baaritaan ay samaysey Hay’adda Caalamiga ah ee daahfurnaanta. Xukuumaddii ay Wasiirka ka ahayd Drs.Maryam Qaasim Cariif 2010 – 2011 iyo tii ka danbeyseyba waxaa lagu eedeeyey in ay dhunsadeen adduun gaaraya 130 Milan oo Dollarka Maraykanka ah taas oo gaarsiisan heer Madaxweyne.

Musuq-maasuqa deeqda Waxabarashada ee Turkiga wax la ogyahay ayey ahayd waxayna dhacdey inteeda badan xukuumaddii tan hadda jirta ka horeysey, Haddaba Xukuumadda ay wasiirka ka taay Drs.Maryam Qaasim haddii ay Musuqa dhacay waqtigoodi ka hor la dirirayaan waxaa la gudboon in ay si dhab ah u waajahaan isla makraana daba galaan xisaabta xoogga badan ee ka maqan dadka Soomaaliya iyo deeqaha dadka tabaaleysan ee Hay’adaha iyo Madaxda Soomaalidu kala goosteen.

Dadka qaar ayaa ku doodaya in la beegsanayo dad gaar ah oo uu ka mid yahay Muuse Faarax Xayd, Muuse waxa uu ahaa nin lagu amaani jirey shaqada uu ka qabtey Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, maa heyn nin markii nabad iyo neecow qabow la arkey boorsadiisa xir-xirtey waxa uu u soo dhabar adeygey sanado dhibaato ah waxaana uu Wasaaradda ka soo shaqeynayey 6 dii sano ee u danbeysey.

Haddii xukuumaddu u soo jeesatey la dagaalanka Musuq-maasqua xariga Muuse Faaraxna kow ka yahay, waxaa la gudboon Xukuumaddu in ay ka hadasho dadka guryahooda xaqdarrada loogu jiro, qaar kamidah Hoteelo laga dhigtey, waana tiir ka mid ah tiirarkii Madaxweynuhu ballan qaadey in ay wax ka qabanayaan dib u heshiisiinta iyo siu celinta hantida xooga lagu kala haysto, waxa ka socda Maxkmadaha Muqdisho maaha wax indhaha laga qarsan karo warqadaha been abuurka ah ee maalinkasta dadka xaqoodi lagu duudsiinayo, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waa ku Mahadsan yahay in uu marar badan ugu baaqo dadka xaaranta ku degan guryo aysan lahayn in ay isaga baxaan, laakiin lagama hayo Xukuumadda halka Madaxweynuhu qabo in la ilaawo wixii hore oo baal cusub la furo, waa wax fiican cafisku laakiin waxa muuqda oo weli taagan waxay u baahan tahay dib u heshiisiin iyo isu celin.

Qoraalkan ma ahan mid lagu difaacayo Muuse Faarax Xayd Agaasimhii Waxbarashada Soomaaliya, Waxaase muhim ah inaanu noqon “Miskiin baa misko la fuulo leh”, waa in sharciga lo siman yahay isla markaana ay saameysaa qofkasta oo arintan galay, Musuq-maasuqa lagu eedaynayo Agaasimihii Waxbarashadu maahan mid Soomaaliya ay kaalinta kowaad uga gashey in loogu yeero dalkii Musuqmaasuqu la degay, sidoo kale Xukuumaddu in ay kala saarto Dacwad dad hanti ka maqantahay soo oogteen iyo in ay boorka ku qariso la dagaalanka Musuqmaasuqa taas oo ka weyn kala iibsiga deeqda Waxabarasada Soomaaliya isla makraana gaarsiisan Deeq lacageed oo Malyuumaad gaareysa oo dalka ka maqan kuwii qaateyna derajo iyo maamuus lala daba taagan yahay.

Hussein Farah
Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »