Madaxweyne Faroole oo khilaafka Puntland ka dhigey mid sahlan oo la xalin karo (Warbixin xasaasi ah)

Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa maalin kadib doorashadoodi 9/1/2009

Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa maalin kadib doorashadoodi 9/1/2009

Maalmihii u danbeeyey waxaa madaxweynaha Puntland ka soo baxay khudbado uu uga hadlaayo khilaafka Puntland ka taagan, khilaafkaas ayaa ka dhashey kadib markii maamulka Madaxweynha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole u dhamaatey muddo 4 sano ah, isla markaana laga dalbanayey in uu qabto doorasho, taas oo madaxweynuhu sheegay in aanu qabanayn wax doorasho ah.

Isbedalka Madaxweynaha ee Lifaaqa & Dastuurka

Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole iyo xukuumadiisa ayaa in muddo ah kusoo doodayey in Dastuurkii la ansixiyey 18kii April 2012 ay ku jirtay Lifaaq qeexaya in dowlada loogu daray muddo 1 sano. Arrintan oo ay dood weyn ka dhalatay, isla markaana ay diideen inta badan siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowlada iyo beelaha ku dhaqan Puntland.

Madaxweynaha iyo xukuumadiisa ayaa bilihii lasoo dhaafay si hoose xiriiro kala gedisan ula sameenayey Qareemo ama sharci-yaqaano isugu jira kuwo ku sugan Puntland iyo kuwo dibada ku nool, iyagoo wax ka weydiinaya sida ay sharci ahaan ku difaaci karaan doodda ah in 1 sano loogu daray xukuumada hada joogta.

Warar ay Horseed Media ay ka heshay Madaxtooyada ayaa sheegay in dhamaan Qareemada iyo sharci yaqaanada isku raaceen in LIFAAQ uusan sidiisaba noqon karin sharci, maadaama Dastuurka la ansixiyey qodobadiisa ay qeexan yihiin Dastuur iyo Lifaaq isma raaci karaan, sida uu qabo sharciga Caalamiga ah iyo kan Puntland-ba.

Dastuurkii la ansixiyey 18kii April ayaa sidoo kale qoraya qodobkiisa 60aad:

Muddada Golaha Wakiilladu waa shan (5) sano laga bilaabo maalinta natiijada doorashada lagu dhawaaqo. Xildhibaannada Golaha Wakiillada dib ayaa loo soo dooran karaa.

(Sida ku cad qodobkan wuxuu ka hadlayaa Baarlamaanka inuu yahay mid ku yimid Doorasho shacab-ka, taasi oo muddadiisa ahaaneyso 5 sano.)

Baarlamaanka xiligan wakhtigu ka dhamaaday maaha mid ku yimid Doorasho wuxuuna ku yimid sidii lagu soo xuli jiray Baarlamaanadii hore ee soo doortay Madaxweynayaashii Cabdullahi Yusuf illaa Cadde Musse, wakhtigoodana kuwaas wuxuu ku qeexan yahay Dastuuradii hore iyo Axdigii Puntland oo sheegaya inuu yahay 4 sano.

Arrintan ayaa ah midda Sharci-yaqaanadu u sheegeen Madaxweyne Faroole in Baarlamaankii isaga doortay uu wakhtigiisa dhamaaday taasi oo keenaysa Xukuumadiisa in wakhtigeedu dhamaaday.

Sidoo kale Dastuurkii la ansixiyey 18kii April ayaa sidoo kale qoraya qodobkiisa 79aad:

Muddada xilhaynta Madaxweynaha iyo Madaxweye ku-xigeenku waa shan (5) sano,
laga bilaabo maalinta natiijada Doorashada lagu dhawaaqo, labo jeer oo keli ah
ayaana la soo dooran karaa.

(Sida ku cad Dastuurka cusub Madaxweynahan iyo Kuxigeenkiisa waa kuwa ay soo doortaan Baarlamaanka ku yimid Doorashada Shacabka ee maaha Xukuumada hada joogta ee uu soo doortay Baarlamaanka wakhtigiisa dhamaaday ee ka kooban 66 xildhibaan ee lasoo xulay)

Qodobadan ayey isku dayeen in Xukuumada Faroole inay ku bedasho (Lifaaqa) ay dastuurka raacisay balse Sharci yaqaanada ayaa sheegay in Lifaaqu uusan noqon Dastuur. Arrintan ayaa keentay in Madaxweynaha maalmihii lasoo dhaafay uu bedalo doodiisa iskana tuuro doodisii hore oo ahayd LIFAAQ baa lagu ansixiyey 1 sano.

Madaxweynaha hada wuxuu qaaday Waddo cusub (Dood Cusub) oo ah inuu ku doodo in markii horeba 5 sano lagu doortay taasi oo ay fududahay cadeynteeda in aysan sidaa ahayn oo lagu doortay 4 sano, arrintan maaha mid u baahan sharciyaqaano badan oo lacag lagu dhumiyo, waana midda maqaalkana aan ku falaqeenayno.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole oo xaflad uu ka qaybgalay magaalada Bosaso 29/12/2012 sheegay in aysan jirin muddo uu kororsadey ama loo kordhiyey ee ay tahay sharci laguna doortey muddo 5 sano ah.

Dhegayso codka Madaxweynaha [powerpress: url="http://som.horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/12/faroole-maanta.mp3"]

Maalintii Isniinta 31/12/2012  waraysi uu siiyey Madaxweynaha Puntland Laanta Afsoomaaliga ee BBC ayuu mar labaad ku difaacey in muddada lagu doortey SHAN (5) sano ahayd, si weyn ayuuna u faah-faahiyey, waxaana uu cuskadey dastuur ay ansixiyeen Golihii xukuumadda ee Madaxweyne Cadde in uu ahaa waxa meesha yaaley ee aanu jirin dastuur kale, Madaxweynuhu waa caddeeyey in Dastuurkaas Baarlamaanku aanu ansixin isla waraysigaas, laakiin wax kaleba ma jirin ayuu yiri.

Dhegayso Waraysiga Madaxweynuhu BBC-da siiyey shalay (31/12/2012) [powerpress: url="http://som.horseedmedia.net/wp-content/uploads/2013/01/faroole_121231_farole_au_bb.mp3"]

Waxaa muuqata in Madaxweynuhu meel iska dhigey lifaaqii la socdey dastuurka ii khilaafku ka taagan yahay isla markaana giraanta u weeciyey dhan kale si loo majara habaabiyo inta aan fahmeyn qaabka wax u socdaan. Arrintan cusub ee ah SHAN sano ayaa la igu doortey ayaa u muuqata mid sahleysa in xal la gaari karo haddii Madaxweynaha Puntland oggolaado in arrntaas laga hadli karo isla markaana duulimaadka uu cirka ku shareeran yahay ka soo dego ee aanu noqon Shinbirkii duulimaadka badnaa ee degida diidey kadib ku dhacay labada daan ee looga digey.

TAARIIKH KOOBAN

Puntland waxaa la asaasey 1998, waxaa loo sameeyey Axdi kumeel gaar ah oo shuruudo adag u dhigey in dastuur la sameeyo muddo saddex sano ah gudaheed haddii la samayn waayona waxa dhacaya sheegay, Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole waxa uu kamid ahaa dadkii ka qaybgalay shirkaas, waxa uu ahaa garabkii Maxamed Abshir Haamaan iyo Boqor Cabdullaahi (Kingkong), markii laga guuleystey waxa uu noqdey mid ka soo horjeestey Puntland, waxaana uu sanad kadib ka mid ahaa ergadii ka qaybgashey shirkii Carta ee sanadkii 2000 lagu qabtey dalka Jabuuti, kaas oo dhamaan siyaasiyiinta reer Puntland ee ka qaybgashey ay ahaayeen kuwo ka soo horjeedey Madaxweynihii Puntland ee xiligaas Cabdullaahi Yusuf.

Mar aan ka qaybgalay shir ay Beelaha Hartigu isugu yimaadeen shirkii Carta sanadkii 2000 taas oo ay doonayeen in ay ku midoobaan hal Musharax Madaxweyne ayaa Madaxweynaha Puntland ee hadda Dr.Cabdiraxmaan Faroole sheegay isaguna in uu ka mid yahay musharixiinta Madaxweynaha, markaas waxaa damacu ku jirey Dr.Cali Khaliif, Cabdulaahi Kingkong iyo Xassan Abshir Faarax.

Dr.Faroole ma fileyn in Xassan Abshir oo ka mid ahaa kuwii ku guuleystey talada Puntland 1998 in uu Jabuutina uga daba imaan doono sanad kadib inta uu xilkiisi iska casilo, waxaana ka dhexeeyey xifaaltan siyaasadeed taas ayaana ku kaliftey in uu shirkaas ka sheego in isaguna yahay Musharax inkasta oo aanu ka dhabeyn.

Waxaan Taariikhdan kooban uga goleeyhay Shirkii Carta 2000 siyaasiyiinta isku bahaysatey waxay ahaayeen kuwo ka soo horjeeda Puntlandtii markaas. Dr.Faroole waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii tegay Magaalada Muqdisho isla markaana doontey in ay wasiir ka helaan dawladdii Cabdiqaasim Salaad Xassan, laakiin waxaa ku guulesytey mar labaad Xassan Abshir Faarax, taas oo kaliftey in Dr.Faroole uu is bedelo khilaafkii Puntland ka dhashey 2001 kadib markii Madaxweynihii xiligaas uu muddada dheeraystey ayuu ka faa’ideystey waxaana uu ka mid noqdey Siyaasiyiinta garab taagan Col.Cabdullaahi Yusuf Axmed (AUN), waxaa la sheegaa in uu dhaqaale ahaan uu kaga qaybqaatey in Madaxweyne Yusuf dib u hanto Puntland, waxaana bishii May 2002 uu ka mid noqdey raxantii u horeeysey ee Wasiiro ahaa ee Madaxweyne Yusuf ku magacaabo magaalada Bosaso kadib markii uu qabsadey halkaas 8 May 2002, waxaana Dr.Faroole loo magacaabey Wasiirka Maaliyadda. Taariikhdan maaha mid Madaxweynuhu ka hadlo waxaana uu ku koobsadaa in uu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland.

Madaxweyne Yusuf iyo Wasiirkiisi Maaliyaddu waxay si weyn ugu dagaalameen dastuurkii la qorey 2001 ee uu garwadeenka ka ahaa Maxamed Cali Yusuf Gaagaab, kaas oo ahaa kan khilaafku ka dhashey, waxaana ay sheegeen in uu beddalay Axdigii 1998. Dastuurkaas waxaa ansixiyey Baarlamaanka sanadkii 2001 lifaaqa la socda ayaa lagu qeexay in si kumeel gaar ah uu u yahay dastuurka lagu dhaqmaayo, waana dastuurka keliya ee baarlamaan ansixiyo tan iyo bishii May 2009 oo baarlamaanka hadda xilku ka dhamaadey ansixiyey,  si kumeelgaar ah loogu dhaqmaayana sheegay, lifaaqa la socdey dastuurkii 2001 ayaa qodabadiisa qaarkood sidan u dhignaayeen:

B) Axdiga waxaa bedelaya Dastuurka cusub ee Puntland ee Golaha wakiilladu ansixiyeen 9/06/2001. taasoo dhaqan gelaya 01/07/2001.

T) Dastuurka waxaa loogu dhaqmayaa si ku meel gaar ah inta loo qaadayo afti Dadweyne

Dastuurkaas ayaa qorayey qodobkiisa 54aad faqradiisa 16aad “Mudadda Madaxweynahu xilka hayn karo waa 4 sanno, waxaana la dooran karaa 2(labo) jeer oo keli ah” Waxaa sidaas lagu doortey 2005 Madaxweyne Cadde Muuse.

Hadaba xilligii Madaxweyne Cadde Muuse ayaa magacaabey guddi dib u eegis ku sameeya dastuurka, isla markaana is waafajiya isaga iyo Axdigii Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana guddigaas madax u ahaa nin la yiraahdo Maxamed Xassan Maxamed, guddiga ayaa wax badan  ka beddalay kii hore oo ahaa 99 qodob lana ansixiyey 2001, waxaana ay gaarsiiyeen 136 qodob iyo lifaaq caddeynaya guddiga doorashada ee Puntland iyo awoodahooda, bishii Juun 2008 ayey u gudbiyeen xukuumadda, waxaana ay gacanta ka sareen Madaxweyne kuxigeenkii xiligaas Xassan Daahir Afqurac.  (ka akhriso Webka ku hadla codka Dawladda Faroole ee (Garowe Online).

Taariikhdu markey ahayd 03 July 2008 ayaa golihii Wasiiradda ee Cadde Muuse isku raaceen in dastuurka dib u eegistiisi ka dhamaatey isla markaana u codeeyeen in loo gudbiyo Golaha Wakiilada, waxaana isku raacey dhamaan Golihii Wasiirada oo uu ku jiro Gen.Samanter iyo Gaagaab, waxayse u codeeyeen in loo gudbiyo Baarlamaanka isla markaana ay ansixiyaan si uu u noqdo dastuurka rasmiga ah ee Puntland tan iyo inta afti dadweyne lagu ansixinaayo.

Dastuurka qabyada ahaa ee baarlamaanka loo gudbiyey

Taasi may dhicin waxaana dastuurkii cusbaa ee dib loo qorayey ka dhashey khilaaf, waxaa jirey Issimo diidey dastuurka, kuwaas oo ku dhaliiley ilaa 6 qodob waxaana ay ku baaqeen shirweyne wadatashi, waxaana Isimadaas hormuud u ahaa Suldaan Siciid Maxamed Garaase,

Dhegayso waraysi Radio Garowe la yeeshey Suldaan Garaase July 2008 [powerpress: url="http://som.horseedmedia.net/wp-content/uploads/2013/01/garaase.mp3"]

Ama ka akhriso Warbaahinta codka Dawladda Faroole  ku hadasha GO

Waxaa jirey ganacsato hadda kamid ah Baarlamaanka Puntland oo uu ugu horeeyo Siciid Diiriye oo ah taageeraha ugu weyn ee Madaxweyne Faroole oo isaguna ka mid ahaa dadkii ka soo horjeestey dastuurkaas,

Dhegayso Xildhibaan Siciid Diiriye oo markaas aan ahayn Xildhibaan oo Weriye Cawaale Jaamac siinaya sababaha ay uga horyimaadeen dasuurkaas [powerpress: url="http://som.horseedmedia.net/wp-content/uploads/2013/01/siciid_jun2008.mp3"]

Khilaafka ka dhashey dastuurkaas oo aan weli Baarlamaanku ansixin ayaa gaarey in la eedeeyo Hay’addii lacagta ku bixineysey ee Interpeace (Ka kahriso webka hadda ku hadla codka dawlada Farole oo waxka qorey arintaas 2008). Golaha wakiilada dhexdooda waxaa ka taagnaa khilaaf taas oo kaliftey in Buugii Dastuurku ku qornaa meel la iska saaro isla markaana aanu helin wax ansixin Baarlamaan ah, waxaana bilowdey ololihii doorashada ee Puntland 2009.

DOORASHADII MADAXWEYNE FAROOLE 2009

Madaxweynaha Puntland, waxaa lagu doortey dastuur, dastuurka lagu doortey waxa uu ahaa kii lagu doortey Gen.Cadde Muuse, kaas oo ahaa kan sida kumeel-gaarka ah loogu dhaqmaayey lana ansixiyey sanadkii 2001,  muddada xilka Madaxweynaha uu qoraayeyay ahay 4 sano maadaama uu haystey ansixin Baarlamaan, taas maxaa caddeyn kara? (hoos ka eeg  dasuurkii 2001)

CADDEYNTA KOWAAD

Madaxweynhu waxa uu ku dhaartey in uu ilaalinayo Dastuurka Puntland iyo xeerarkiisa, kuma dhaaran karo dastuur aan Baarlamaan ansixin ama aan afti dadweyne lagu ansixin, oo iyada oo la isku khilaafsan yahay meel la iska dhigay.

Dhaartii Madaxweynaha oo ku dhaaranaya in uu ilaalinayo Dastuurka iyo xeeraka Puntland u yaala [powerpress: url="http://som.horseedmedia.net/radiohorseed/faroole/dhaartii.mp3"]

Wareegtooyinkii uu soo saarey Madaxweynaha Puntland ka hor inta aan si kumeelgaar ah loo meelmarin dastuurkii qabyada ahaa ee uu yiri waa la igu doortey 05/2009 dhamaantood waxa uu cuskanayey kii uu cuskan jirey Cadde Muuse ee la qorey 2001 waxaana tusaale kuugu filan Wareegtadii ugu horeysey ee xafiiskiisa ka soo baxday waxa uu ku magacaabey Agaasimaha guud ee madaxtooyada Cali Barre Jaamac Gibin.

Wareegtadii u horeysey ee uu wax ku magacaabo madaxweyne dr.Cabdiraxmaan Faroole eeg qodobka uu cuskanayo

Wareegtadii u horeysey ee uu wax ku magacaabo madaxweyne Dr.Cabdiraxmaan Faroole eeg qodobka uu cuskanayo, kadibna ka baar dasuurkii 2001 iyo kii qabyada ee xiligii Cadde iyo kii la ansixyey 2012 ee hadda yaala.

Markuu arkey dastuurka DGPL qodobkiisa 54 faqradiisa 19aad, Qodobkan waxaa dhigaayey dasuurkii lagu doortey Gen.Cadde Muuse Baarlamaankii 2001 ansixiyey. (AKHRI)

Kan dib loo qorey waqtigii Gen.Cadde Muuse isla markaana ay ku caddeyd xiliga Madaxweynuhu in uu yahay SHAN (5) Sano waxaa qodobka 54aad ku qoran : “Qaabka xukunka ee Dawlad Goboleedka Puntland waa baarlamaani” mana lahan wax faqrooyin ah (AKHRI)

Kan ergooyinku ansixyeen ee Guddigii Dr.Jimcaale dib u habeeyeen, waxaa ku qoran qodobka 54 waxa uu ka hadlaayaa Kheyraadka dalka maba ka dahlaayo awoodaha iyo shaqooyinka Madaxweynaha (AKHRI)

Taasi waxay caddeyneysaa in Madaxweynuhu waxa uu xeerarka ku soo saari jireyba ay ahayd Dastuurka uu is diidsiinayo ee isaga iyo Madaxweynihii ka horeeyeyba lagu doortey.

Ka akhri Garowe Online Madaxweyne Cadde oo wareegto ku magacaabey xubno ku dhaw, isu eeg qodobka iyo xeerka la cuskadey (AKHRI)

isu eeg wareegtada Cadde 2008 tan madaxweyne faroole 2009 iyo xeerka ay cuskadeen dibna ugu noqo oo ka baar datuurada 2001, 2009, 2012

Isu eeg wareegtada Cadde 2008 iyo  tan madaxweyne Faroole 2009 iyo xeerka ay cuskadeen dibna ugu noqo oo ka baar datuurada 2001, 2008, 2012

U bar-bar dhig wareegtadii Madaxweyne Faroole ku magacaabey Golaha Wasiirada isla webka dawladda Faroole ka akhri (AKHRI)

CADDEYNTA LABAAD – FAROOLE AYAA MARKHAANTI KA AH MARKAN

Maalin kadib markii Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole la doortey waxa uu casumaad u fidiyey dhamaan musharixiintii la tartantey marka laga reebo Gen.Cadde Muuse, waxaa casumaadda ka soo qaybgalay Xildhibaanada Golaha Wakiilada, khudbaddii uu ka jeediyey munaasabaddaas waxa uu caddeeyey in isaga iyo Madaxweyne kuxigeenkiisa Cabdisamad Cali Shire loo doortey in ay Dawlad goboleedka Puntland hoggaamiyaan afarta sano ee soo socota, waa hadalkiisi, waa codkiisi waana caddeyn ku filan in loo doortey xafiiska afar (4) sano.

Dhegayso markhaantiga u weyn,  waana Madaxweynaha Puntland markhaantigu [powerpress: url="http://som.horseedmedia.net/radiohorseed/faroole/casumaad.mp3"]

CADDEYNTA SADDEXAAD

Madaxweynaha Puntland waxa uu horgeeyey 28/1/2009 Baarlamaanka Puntland barnaamijkiisi xukuumadda, waxaana barnaamijkaas cinwaan u ahayd.(Barnaamijka Xukumadda Dawlad Goboleedka Puntland 2009-2012) , Madaxweynuhu ma hilmaamey sanadkan dheeraadka ah ee 2013?, caddeyn kale oo ku qoran luuqada Englishka Madaxweynuhu waxa uu sheegay waxa uu qabanay 100 maalmood ee u horeeya xafiiskiisa, waxaana uu yiri “Under such conditions, President Abdirahman Farole assumed responsibility to lead the State for the coming four years” (Click here for more) (Iyada oo la tixgelinayo duruufaha taagan, Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa la wareegay masuuliyadda Dawladda in uu hogaamiyo 4-ta sano ee soo socota).

Hadaba dooda cusub ee Madaxweynaha ayaa ah mid aad loola yaabo isla markaana muujineysa heerka maanta Puntland ay taagan tahay, ma waxa uu ku doodayaa dastuur gole wasiir ay isku raaceen in loo gudbiyo Baarlamaanka, Baarlamaankiina aanu ka soo qaadin halkii la dhigey isaguna ogyahay ayaa la igu doortey? Xeerarka uu soo saari jirey ka hor May 2009  dhamaantood waxa uu cuskanayey Dastuurkii isaga iyo Gen.Cadde lagu doortey ee 2001, Shacabkiisa ma u sharaxi karaa waxa uu xeerarka ugu soo saari jirey dastuur uu leeyahay layguma dooran? jawaab noocee ah ayuu ka bixinayaa Madaxweynuhu marka uu lee yahay maalin kadib doorashadiisi “Casumaadaan ujeedadeedu waa in aan u mahad celino golihii wakiilada kalsoonidii ay shalay (08/01/2009) na siiyeen ee ah inaan hoggaamino aniga iyo Saaxiibkey Cabdisamad Cali Shire afarta sano ee soo socota maamulka Puntland” (codka kor ka dhegayso).

GEBAGEBO

Khilaafkii Puntland weli waataagan yahay, markii hore waa  hal sano ayaa naloo ku daray ayey ahayd ee hadda waxay taagan tahay 5  sano ayaa nala ku doortey, Madaxweynuhu uma haysto wax xujo ah, waxaana xujadu muujineysaa marka la raaco in  isagu (Faroole) yahay markhaantiga u horeeya ee ka marag kacay muddada la doortey maalin kadib, in ay ahayd 4 sano.

Khilaaf haddii uu yimaado xal ayaa la raadiyaa, maanta weli taladu waxay gacanta ugu jirtaa Madaxweyne Faroole isaga ayaana awoodii haysta, wanaagu waxa uu jiraa inta sharciga loo hoggaansan yahay, haddii Madaxweynuhu diidan yahay in wada hadal laga galo khilaafka taagan, Isimadiina soo dhexgalaan muxuu noqon xalku?, Puntland dhinacee u jiheysan doontaa maalmo kadib? Caqligu ma shaqeyn doonaa?  in Puntland shirkad lagu yahay mala aaminsanyahay? Puntland in ay tahay muqaddas lagu soo tabcay oo aan lagu ciyaari karin mala aaminsan yahay? jawaabta waqtiga iyo taariikhda ayaa sheegi.

Lifaaqa eeg:
Dastuurka lagu dhaqmaayey ee la ansixiyey 2001

Dastuurka dib loo qorayey muddadii Cadde Muuse ee aan baarlamaanku ansixin 2008

Dastuurka hadda ee la ansixiyey 2012

Yusuf Sharmarke
Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »