Kooxda Horseed oo guul ka gaartay ciyaar ay la yeesheen kooxda Fc:Boob.

Waxaa garoonka kubadda cagta ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ka socda tartanka koobka Nabada, waxaana Arbacadii ciyaartii ugu kululeyd ku dhexmartay labada kooxood FC Horseed iyo FC Boob.

Kulanka ayaa waxa uu dhex maray labada naadi ee FC Horseed iyo F c:Boob oo ka mid ah naadiyaasha heerka koowaad ee gobalka Bari .

Waxa uu qeyb ka ahaa kulankaan tartanka is dhexgalka naadiyaasha gobalka Bari oo ka socda garoonka kubadda cagta ee magaalada Bosaaso. Tartanka ayaa ah mid ay ka qeybgalayaan 31  koox  ee ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee gobalka Bari.

Waxa uu tartankaan yahay mid is arag ah, waxaana loo qeybiyey kooxaha lix guruub, guruub walbana waxa uu ka koobanyahay 3 koox, marka laga reebo hal guruub ay ku jiraan 4 koox.

Hadaba kooxda Horseed ayaa guushii ugu horeysay tartankaan ka gaartay maanta, ka dib markii ay ka guuleysatay kooxda dhigeeda ah ee Fc:Boob

Ciyaarta ayaa garoonka ka bilaabatay abaarihii 4tii galabnimo,waxaana garoonka ku sugnaa taageerayaasha labada naadi iyo kuwa kale ee daneeya arimaha isboortiga.

Ammaanka garoonka ayaa aha mid aad loo adkeeyey,waxaana sugayey ammaanka ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ee magaalada. Waxaaana qeybta hore ciyaarta ay ku soo itlaatay weerar ay isweydaarsadeen labada naadi ka dib hal iyo eber ay ku hogaamineysay naadiga Horseed, waxaana u dhaliyey weeraryahankeeda C/risaaq Axmed Yaasiin.

Markii la isku soo laabtay ee ay labada naadi ay soo nasteen, tobabarayaashoodana ay la soo taliyeen ayaa dhawr daqiiqo ka dib naadiga Fc:Boob waxaa u suurta gashay in ay helaan goolkii bar bardhaca ahaa, waxaana u dhaliyey ciyaaryahan Jimcaale Axmed.

Waxaa markaasi ka dib is badalay jawiga garoonka waxaana isqabsaday sawaxan iyo weerar iyo weerar celis ay isku qaadeen labada naadi.

Dadaal dheer ka dib ayaa naadiga Horseed waxaa u suurta gashay in ay helaan goolkii labaad, waxaana u dhaliyey ciyaaryahan Cawil Maxamad.

Ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 2-1 waxa ay guusha ku raacday naadiga Horseed iyada ayana hogaamineysa guruubka (H) oo ay ku wada jiraan naadiyaasha kala ah Madaxtooyada iyo FC:Boob.

C/raxmaan Cabdi Maxamad(Xudeyfi)
Sawir qaada Abshir Bashiir Nadiif Axmad
Horseed Media.

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »