Maraykanka oo dilay mid kamid ah hogaamiyaasha Qabaa’ilka Pakistan

mullahNazir

Diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Daroonka (Drone) ee Maraykanka ayaa duqeeyey gaariga uu leeyahay mid kamid ah hogaamiyaasha beelaha Wasiristaan kana mid ah hogaanka Talibanka Pakistaan, weerarkan ayaa ka dhacay waqooyiga gobalka Wasiristaan ee dalkaasi Pakistaan.

Mullah Abdulnasir ayaa kamid ahaa hogaamiyaasha Talibanka ee dalkaasi Pakistaan ku sugan, wuxuuna kamid ahaa hogaamiyaasha horey xiriirka ulla lahaan jiray dowlada Pakistan iyo waliba hogaanka sare ee Talibanka ka dagaalama dalka Afghaanistaan.

Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa duqeeyey gaarigiisa waxaana la xaqiijiyey in hogaamiyahan ku dhintay weerarkan sidoo kale qaar kamid ah illaaladiisa ayaa la sheegay inay ku dhinteen duqeyntan.

Weerarkan ayaa kusoo beegamaya maalmo kadib markii Xabsiga Pakistan laga siidaayey qaar kamid ah hogaamiyaasha Talibanka ee Afghaanistaan oo ay horey u xirtay dowlada Pakistaan.

Dilka hogaamiyaha Mullah Abdulnasir ayaa imaaneysa xili ay socodaan waan waan laga dhex wado kooxda Talibanka iyo Dowlada Afghaanistaan oo ay garwadeen ka yihiim Maraykanka iyo NATO oo doonaya inay ciidamadooda kala baxaan dalka Afghaanistaan sanadka soo socda 2014.

Maraykanka ayaa sii wada xiriirka uu si hoose ulla sameenayo hogaamiyaahsa Talibanka halka uu wado weerarada uu ku qaadayo hogaamiyaasha uu arko inay caqabad ku yihiin waan waanta ay doonayaan inay ka dhex bilaabaan Talibanka iyo dowlada Afghaanistaan. Balse dilka Mullah AbdulNasir ayaa keeni kara caqabado soo wajaha wadahadalkaasi.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »